クルアーンの対訳 - الترجمة الصومالية - يعقوب * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: 開端章   節:

Suurada Al-faatixa

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1. Waxaan Ku billaabi Magaca Alle, Naxariistaha (Naxariis guud ahaaneed), (u) Naxariista badan (mu'miniinta).
アラビア語 クルアーン注釈:
ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
2. Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka.
アラビア語 クルアーン注釈:
ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
3. Naxariistaha (Naxariis guud ahaaneed), (u) Naxariista Badan (mu'miniinta)1.
1. Ar-Raxmaan iyo Ar-Raxiim waa labo magac uu leeyahay Alle ee ka soo jeeda kelmedda Raxmah. Xagga naxwaha afka Carabiga labada magacba waa ku xeel dheeraansho Naxariisashada. Waa Deeq ballaaran iyo Naxariisasho guud ahaaneed labaduba. Raxmaan waxaa lagu tilmaamaa Alle oo keliya, waana sifad aan cid kale la wadaagin, halka Raxiim lagu tilmaami karo qof gaar ah. Nabiga s.c.w. waxaa uu Qur’aanku ku tilmaamay inuu yahay Raxiim. Raxmaan se waa wax ka sarreeya heerka Aadmiga (waa Naxariisasho durba ah oo guud ahaaneed) oo waqti ku kooban oo uunka idil gaadha, caddaaladdu waa qayb ka mid ah Naxariistan. Alle wuxuu isku tilaamamay sidoo kale Raxiim oo ah Naxariisasho joogto ah oo gaar ahaaneed oo u naxariisto mu’miniinta, denbi dhaafka iyo ceeb asturidda waa qayb ka mid ah Naxariistan.
アラビア語 クルアーン注釈:
مَٰلِكِ يَوۡمِ ٱلدِّينِ
4.Boqorka Maalinta Jaazeynta (Qiyaamada) ee iska leh wax walba.
アラビア語 クルアーン注釈:
إِيَّاكَ نَعۡبُدُ وَإِيَّاكَ نَسۡتَعِينُ
5.Adigoo Keliya baynu(Allow)ku caabudi,oo Adigoo Keliya baynu ku weydiisan kaalmo.
アラビア語 クルアーン注釈:
ٱهۡدِنَا ٱلصِّرَٰطَ ٱلۡمُسۡتَقِيمَ
6. Ee nagu hanuuni (oo sug) Jidka Toosan.
アラビア語 クルアーン注釈:
صِرَٰطَ ٱلَّذِينَ أَنۡعَمۡتَ عَلَيۡهِمۡ غَيۡرِ ٱلۡمَغۡضُوبِ عَلَيۡهِمۡ وَلَا ٱلضَّآلِّينَ
7. Jidka kuwaad u Nicmaysay2, aan aheyn
(jidka) kuwa loo cadhooday3 iyo (jidka) kuwa lunsan midna4.
2. Kuwo Alle siiyey Galladdiisa waa Nabiyada, runlowyada, suubbanayaasha, iyo shuhadada.
3. Kuwa uu Alle u cadhooday waa kuwa iyagoo u cilmi leh aan ku camal falin diinta ee diida xaqa, sida Yuhuudda iwm.
4. Kuwa lunsan waa kuwo cilmi la’aan iska cibaadeysta iyagoo ku socda caqiidooyin gurracan sida Nasaarada iwm.
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: 開端章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - الترجمة الصومالية - يعقوب - 対訳の目次

ترجمة معاني القرآن الكريم إلى اللغة الصومالية ترجمها عبدالله حسن يعقوب.

閉じる