Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ዩኑስ   አንቀጽ:
۞ وَٱتۡلُ عَلَيۡهِمۡ نَبَأَ نُوحٍ إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِۦ يَٰقَوۡمِ إِن كَانَ كَبُرَ عَلَيۡكُم مَّقَامِي وَتَذۡكِيرِي بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ فَعَلَى ٱللَّهِ تَوَكَّلۡتُ فَأَجۡمِعُوٓاْ أَمۡرَكُمۡ وَشُرَكَآءَكُمۡ ثُمَّ لَا يَكُنۡ أَمۡرُكُمۡ عَلَيۡكُمۡ غُمَّةٗ ثُمَّ ٱقۡضُوٓاْ إِلَيَّ وَلَا تُنظِرُونِ
71. U Akhri qisadii Nuux. Markuu ku yidhi dadkiisii: Tolkaygiiyow! hadday joogiddeyda (la jirkiin), iyo (idinku) waaninteyda Aayadaha Alle ay idinku cuslaatay - haddaba Alle baan tala saartay - ee tala goosta arrankiinna oo (soo kulmiya) kuwa aad cibaadadiinna wax ka wadaajisaan, markaas yuusan ahaan arrinkiinnu mid uu ku jiro mugdi18, markaas igu fuliya xukunkiinna hana i siininnaba wax fursad ah.
18. Ha ka yeelina wax uu ku jiro shaki ama walaac, ee ha ahaato wax idiin cad, muuqda, oo aan mugdi ku jirin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَإِن تَوَلَّيۡتُمۡ فَمَا سَأَلۡتُكُم مِّنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَى ٱللَّهِۖ وَأُمِرۡتُ أَنۡ أَكُونَ مِنَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ
72. Haddaad jeesataan, idinma weydiisan idinka wax abaalgud ah, abaalgudkeyga wuxuu saaran yahay Alle Keliya, waxaana la i amray inaan ka mid ahaado Muslimiinta u hoggaansan Alle.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَكَذَّبُوهُ فَنَجَّيۡنَٰهُ وَمَن مَّعَهُۥ فِي ٱلۡفُلۡكِ وَجَعَلۡنَٰهُمۡ خَلَٰٓئِفَ وَأَغۡرَقۡنَا ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَاۖ فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُنذَرِينَ
73. Wayse beeniyeen, markaasaan badbaadinnay isaga iyo intii ku wehlisay Doonida, Waxaana ka dhignay kuwa u hara dhulka oo ka taliya, oo aanu harqinnay kuwii beeniyey Aayadahayaga. Ee fiiri siduu ahaa aayaha kuwii loo digay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ بَعَثۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِۦ رُسُلًا إِلَىٰ قَوۡمِهِمۡ فَجَآءُوهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَمَا كَانُواْ لِيُؤۡمِنُواْ بِمَا كَذَّبُواْ بِهِۦ مِن قَبۡلُۚ كَذَٰلِكَ نَطۡبَعُ عَلَىٰ قُلُوبِ ٱلۡمُعۡتَدِينَ
74. Markaasaan u soo bixinnay isaga kaddib Rusul dadkoodii, oo ula yimaadeen Xujooyin Cad, mase rumeyn lahayn waxay horayba u beeniyeen19. Sidaasaan u yeelnaa shaabbad daboosha quluubta xadgudbayaasha.
19. Facyadii ku xigay waxay ahaayeen kuwo ku adkeysta gaalnimada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ بَعَثۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِم مُّوسَىٰ وَهَٰرُونَ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ وَمَلَإِيْهِۦ بِـَٔايَٰتِنَا فَٱسۡتَكۡبَرُواْ وَكَانُواْ قَوۡمٗا مُّجۡرِمِينَ
75. Markaasaan soo dirnay iyaga kaddib Muuse iyo Haaruun xagga Fircoon iyo xildhibaannadii iyagoo u sida Aayadahayaga, wayse is kibriyeen oo waxay ahaayeen qolo denbiilayaal ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَمَّا جَآءَهُمُ ٱلۡحَقُّ مِنۡ عِندِنَا قَالُوٓاْ إِنَّ هَٰذَا لَسِحۡرٞ مُّبِينٞ
76. Markuu uga yimid Xaqu Xaggayaga, waxay yidhaahdeen: Kanu waa sixir cad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ مُوسَىٰٓ أَتَقُولُونَ لِلۡحَقِّ لَمَّا جَآءَكُمۡۖ أَسِحۡرٌ هَٰذَا وَلَا يُفۡلِحُ ٱلسَّٰحِرُونَ
77. Muuse wuxuu yidhi: Ma waxaad ka leedihiin (sidatan) Xaqa markuu idiin yimid? Ma sixir baa kani? Sixiroolaayaashu ma liibaanaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُوٓاْ أَجِئۡتَنَا لِتَلۡفِتَنَا عَمَّا وَجَدۡنَا عَلَيۡهِ ءَابَآءَنَا وَتَكُونَ لَكُمَا ٱلۡكِبۡرِيَآءُ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا نَحۡنُ لَكُمَا بِمُؤۡمِنِينَ
78. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noogu timid inaad naga jeediso waxaan ka hellay aabbayaashayo, iyo (inaad) ku sarreynta arlada markaas aad idinku yeelataan? Innaguna ma nihin kuwo idin rumeysanaya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ዩኑስ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት