Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ዩኑስ   አንቀጽ:
وَإِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡ ءَايَاتُنَا بَيِّنَٰتٖ قَالَ ٱلَّذِينَ لَا يَرۡجُونَ لِقَآءَنَا ٱئۡتِ بِقُرۡءَانٍ غَيۡرِ هَٰذَآ أَوۡ بَدِّلۡهُۚ قُلۡ مَا يَكُونُ لِيٓ أَنۡ أُبَدِّلَهُۥ مِن تِلۡقَآيِٕ نَفۡسِيٓۖ إِنۡ أَتَّبِعُ إِلَّا مَا يُوحَىٰٓ إِلَيَّۖ إِنِّيٓ أَخَافُ إِنۡ عَصَيۡتُ رَبِّي عَذَابَ يَوۡمٍ عَظِيمٖ
15. Marka loo akhriyo Aayadahayaga xujooyin cad ahaan, kuwa aan rajeyn la Kulankayaga, waxay yidhaahdaan: Noo keen Qur’aan aan kan aheyn, ama beddel. Dheh (Nabi Muxammadow): Igama suurowdo inaan iskay u beddelo; Waxaan uun anigu raacaa waxa la ii waxyoodo. Waxaan ka cabsan haddaan caasiyo Rabbigay, cadaab Maalin daran.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُل لَّوۡ شَآءَ ٱللَّهُ مَا تَلَوۡتُهُۥ عَلَيۡكُمۡ وَلَآ أَدۡرَىٰكُم بِهِۦۖ فَقَدۡ لَبِثۡتُ فِيكُمۡ عُمُرٗا مِّن قَبۡلِهِۦٓۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ
16. Dheh: Hadduu Alle doono, idiinma akhriyeen (Waxyigan) oo idinma ogeysii- yeen. Waxaan joogay dhexdiinna cimri kan ka hor5. Ee miyeydaan garowsaneyn?
5. Nabigu s.c.w. wuxuu la noolaa afartan sano ka hor inta aan loo waxyoon oo ay ku yiqiinniin ammaano, run badni, dabci samaan, wanaag iyo khayr oo dhan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّنِ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا أَوۡ كَذَّبَ بِـَٔايَٰتِهِۦٓۚ إِنَّهُۥ لَا يُفۡلِحُ ٱلۡمُجۡرِمُونَ
17. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle ama beeniya Aayadihiisa, xaqiiq, denbiilayaasha ma liibaanaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَضُرُّهُمۡ وَلَا يَنفَعُهُمۡ وَيَقُولُونَ هَٰٓؤُلَآءِ شُفَعَٰٓؤُنَا عِندَ ٱللَّهِۚ قُلۡ أَتُنَبِّـُٔونَ ٱللَّهَ بِمَا لَا يَعۡلَمُ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَلَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ سُبۡحَٰنَهُۥ وَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشۡرِكُونَ
18. Waxay caabudaan Alle sokadi waxaan waxyeeli karin waxnana aan u tari karin, waxayna yidhaahdaan: Kuwakanu waa shafeecayaashayo Alle agti6. Dheh: Ma waxaad (is leedihiin waxaad u) sheegaysaan Alle wax aanu ogeyn ee ka jira samooyinka iyo arlada gudahooda? Wuu ka hufan yahay Alle (ceeb iyo nuqsaan) oo ka Sarreeyaa waxay la wadaajiyaan.
6. Weedhani waxay muujineysaa caqli xumada dadka asnaamta caabuda ee mooda inay asnaamta uga shafeecayaan oo garab siinayaan Alle Kor ahaaye agtii.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا كَانَ ٱلنَّاسُ إِلَّآ أُمَّةٗ وَٰحِدَةٗ فَٱخۡتَلَفُواْۚ وَلَوۡلَا كَلِمَةٞ سَبَقَتۡ مِن رَّبِّكَ لَقُضِيَ بَيۡنَهُمۡ فِيمَا فِيهِ يَخۡتَلِفُونَ
19. Dadku wuxuu ahaa ummad keliya (heysta diin keliya (Islaamka)7, markaasay iskhilaafeen (waa' dambe), haddaysanna jirteen Kelmed horay uga dhacday Rabbigaa8 waa lagu kala xukumi lahaa dhexdooda waxay isku khilaafsan yihiin.
7. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ilmo kasta waxay ku dhashaan Islaamnimo (oo ah in la caabudo Alle Keliya aan waxna lala wadaajin cibaadada) laakiinse waalidkiisa baa ka yeela Yuhuud ama Nasaaro (Kirishtaan) ama Majuus dab caabud ah, sidaba ay xooluhu u dhalaan neef aan iin laheyn. Ma waad ku aragtaan wax dheg go’an? (W.w. Al-Bukhaari).
8. In loo oofiyo muddadooda ama inaan la ciqaabin cidna iyadoo aan xujo cad u iman.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَقُولُونَ لَوۡلَآ أُنزِلَ عَلَيۡهِ ءَايَةٞ مِّن رَّبِّهِۦۖ فَقُلۡ إِنَّمَا ٱلۡغَيۡبُ لِلَّهِ فَٱنتَظِرُوٓاْ إِنِّي مَعَكُم مِّنَ ٱلۡمُنتَظِرِينَ
20. Waxay yidhaahdeen: Maxaa loogu soo dejin waayey calaamo (mucjiso) xagga Rabbigi ah? Dheh: Waxaan Muuqan ee qarsoon waxaa ogsoon Alle Keliya, ee suga, aniguna sidoo kale waan idin la sugayaa (Xukunka Alle).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ዩኑስ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት