2. Ma waxaa la yaab dadka ku noqday inaan u waxyoonnay nin ka mid ah (Nabi Muxammad, Annagoo leh): U dig dadka una bishaaree kuwa (Xaqa) rumeeyey inay ku leeyihiin rug rumeed san oo sare (Janno) Rabbigood agti (camalkoodii samaa darti). Waxay gaaladu yidhaahdeen: Kanu waa saaxir cad.
4. Xaggiisaa la idiin soo celin dhammaan. Wacad Alle oo xaq ah weeye, Wuxuu billaabaa uunka kolka horeba, haddana dib u soo celin mar kale, si uu ugu abaal mariyo si caddaalad ah kuwa (Xaqa) rumeeya ee samaha fala. Kuwase gaalooba waxay leeyihiin cabbitaan biyo kulul ah iyo cadaab xanuun badan (Aakhirada) gaalnimadooda darteed.
5. (Alle) waa Kan ka dhigay qorraxda ileys ifaya, dayaxana Nuur, una qaddaray rugo uu maro si aad u garataan tirada sanooyinka iyo xisaabta. Alle uma uusan abuurin waxaan ahayn Xaq; Wuxuu u cad- deeyaa calaamooyinka ciddii garasho leh.
9. Hubaal kuwa (Xaqa) rumeeyey ee fala samaha, Rabbigood wuxuu ku hanuunin iimaankooda darti; waxaa qulquli hoostooda webiyo ku yaal Beeraha Barwaaqada ah (Jannada).
11. Hadduu Alle u soo dedejin lahaa dadka sharka (ay ka baryaan) siduu ugu soo dedejiyo Khayrka, muddadooda waa loo oofin lahaa (oo la hallagi lahaa)4. Waxaanse ku deynaa kuwa aan rajayn la Kulankayaga xad gudubkooda iyagoo ku jaha wareersan indha la’aan.
4. Qaddarka Alle waa inuu waqti ku siiyo uunkiisa arlada, ama inuusan ciqaabin ka hor inta aan loo soo dirin xujo cad oo ah Rasuul iyo Kitaab.
12. Marka waxyeello gaadho aadmiga, wuxuu na baryaa isagoo dhinac u jiifa, ama fadhiya ama sare jooga, kolkiise aan ka feydno waxyeellada, wuxuu ku sii socdaa (caasiyoobiddiisa) sida inaanu marnaba noogu gargaarsan waxyeello gaadhay (inaan ka qaadno). Sidaasaa loogu qurxiyey xadgudbayaasha waxay falayeen.
15. Marka loo akhriyo Aayadahayaga xujooyin cad ahaan, kuwa aan rajeyn la Kulankayaga, waxay yidhaahdaan: Noo keen Qur’aan aan kan aheyn, ama beddel. Dheh (Nabi Muxammadow): Igama suurowdo inaan iskay u beddelo; Waxaan uun anigu raacaa waxa la ii waxyoodo. Waxaan ka cabsan haddaan caasiyo Rabbigay, cadaab Maalin daran.
16. Dheh: Hadduu Alle doono, idiinma akhriyeen (Waxyigan) oo idinma ogeysii- yeen. Waxaan joogay dhexdiinna cimri kan ka hor5. Ee miyeydaan garowsaneyn?
5. Nabigu s.c.w. wuxuu la noolaa afartan sano ka hor inta aan loo waxyoon oo ay ku yiqiinniin ammaano, run badni, dabci samaan, wanaag iyo khayr oo dhan.
18. Waxay caabudaan Alle sokadi waxaan waxyeeli karin waxnana aan u tari karin, waxayna yidhaahdaan: Kuwakanu waa shafeecayaashayo Alle agti6. Dheh: Ma waxaad (is leedihiin waxaad u) sheegaysaan Alle wax aanu ogeyn ee ka jira samooyinka iyo arlada gudahooda? Wuu ka hufan yahay Alle (ceeb iyo nuqsaan) oo ka Sarreeyaa waxay la wadaajiyaan.
6. Weedhani waxay muujineysaa caqli xumada dadka asnaamta caabuda ee mooda inay asnaamta uga shafeecayaan oo garab siinayaan Alle Kor ahaaye agtii.
7. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ilmo kasta waxay ku dhashaan Islaamnimo (oo ah in la caabudo Alle Keliya aan waxna lala wadaajin cibaadada) laakiinse waalidkiisa baa ka yeela Yuhuud ama Nasaaro (Kirishtaan) ama Majuus dab caabud ah, sidaba ay xooluhu u dhalaan neef aan iin laheyn. Ma waad ku aragtaan wax dheg go’an? (W.w. Al-Bukhaari).
8. In loo oofiyo muddadooda ama inaan la ciqaabin cidna iyadoo aan xujo cad u iman.
22. (Alle) waa Kan idinka yeela inaad martaan barriga iyo baddaba, jeer markaad ku jirtaan doonyaha oo ay ku mushaaxaan kuwa saaran (gaalada) dabeyl wanaagsan oo ay markaas ku farxaan ay u timaaddo dabeyl kacsan, oo uga yimaadaan mawjaduhu dhinac kasta oo ay yaqiinsadaan in la hareereeyay, waxay baryaan Alle iyagoo u keli yeelaya cibaadada, oo leh: "Haddaad naga badbaadiso tani, waxaan hubaal ka mid ahaan kuwa mahdiya (Alle)".
26. Waxay leeyihiin kuwa fala wanaagga (abaalgud) kan u wanaagsan (Janno) iyo wax ka zaa’id ah 11(eegista Rabbi). Boor iyo dulli midna ma daboolayo wejiyadooda. Waa kuwaa ehlu Jannada, way ku dhex waari weligood.
11. Inay arkaan Rabbigood, oo waxa ugu sarreeya ah ay ku helayaan Jannada.
28. Maalintaan soo wada kulmin iyagoo dhan, markaasaan ku odhan kuwii la wadaajiyey cid kale (Alle cibaadada): Halkiinna jooga, idinka iyo kuwa aad la wadaajiseenba (cibaadada); markaasaan kala saari, kuway wax ka wadaajiyeen (cibaadadooda: sannamadii) waxay odhan: Ma nihin innaga kuwaad caabudi jirteen.
30. Halkaas, (Maalintaas) bay xaqiiqsan naf walbaa waxay hor marsatay (khayr ama shar), waxaana loo celiyaa Mudanahooda Xaqa ah, wayna ka tegi oo waayi waxay been abuurteen.
34.Dheh:Ma jiraan wax ka mid ah kuwa aad wax ka wadaajisaan(cibaadadiinna) oo ifka keeni kara uunka billowga horeba haddana dib u soo celin mar kale? Dheh: Alle baa ifka keena uunka haddana soo celin mar kale, Ee sidee Xaqa la idiinka iilay?
35. Dheh: Ma jiraan wax ka mid ah kuwa aad wax ka wadaajisaan (cibaadadiinna) oo wax ku hanuuniya Xaqa? Dheh: Alle baa wax ku hanuuniya Xaqa. Ee ma Kan wax ku hanuuniya Xaqa baa mudan in la raaco, mise mid aan isaguba hanuunsanayn in la hanuuniyo ma’ahee? Ee muxuu arrinkiinu yahay? Sidee baad wax u xukuntaan?
37. Ma aha Qu’raankani12 wax ay been abuuran karayaan kuwaa Alle sokadi ah, waase rumeyn wixii ka horreeyey (oo Kutub Alle ah) caddeynta Kitaabkana (Qur’aanka) (axkaanta, xalaasha iyo xaaraanta), shaki kuma jiro, waa xagga (Alle) Rabbiga caalamka.
12. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ma jiro Nabi ka mid ah Anbiyada aan la siin mucjisado si ay dadka u rumeystaan. Waxase aniga la I siiyey waa Waxyi uu ii waxyooday Alle Kor ahaaye, sidaas daraaddeed waxaan rajeynayaa inaan anigu ahaado midka loogu raacid badan yahay Maalinta Qiyaamaha”. W.w. Al-Bukhaari.
38. Mise waxay leeyihiin: Wuu been abuurtay (Qur’aanka)? Dheh: Keena Suurad la mid ah, oo u yeedha ciddaad kartaan Alle sokadi, haddaad run sheegaysaan.
45. Maalinta uu soo kulmin iyagoo dhan, (waxay ahaan) sida inaysan ku negaanba (adduunka) waxaan aheyn saacad maalin ka mid ah wayna is aqoonsan. Waxaa run ahaan khasaari kuwa ku sheegay la kunlanka Alle inuu yahay been, mana ay ahayn kuwo hanuunsan.
46.Haddaan ku tusinno (intaad nooshahay) qaar ka mid ah waxa aan ugu gooddinno (oo cadaab ah), ama aan ku oofsannoba, waa Xaggayaga meel noqodkooda, Allaana ka marag ah oo u jeeda waxay falayaan.
49. Dheh: Anigu uma hayo naftayda wax dhib ama dheef ah wuxuu Alle doono ma’ahee. Ummad kasta waxay leedahay muddo loo qabtay; markuu yimaado ajalkoodu, ma dib dhigi karaan saacad, kamana soo hormari karaan (waqtigooda).
50. Dheh: Bal ka warrama hadduu idiin yimaado cadaabkiisu habeen ama maalin cad - maxay ka degdegsanayaan denbiilayaashu15?
15. Maxay ka degdegsanayaan, waxay tilmaameysaa ku jeesjeeska gaalada ay ku jeesjeesayeen Nabiga s.c.w. iyagoo ku lahaa: Noo keen ciqaabka Alle caddeyn ahaan inaad run sheegayso.
59. Dheh: Bal ka warrama waxa Alle idiin soo dejiyey oo rizaq ah oo aad ka yeeshaan qaar ka mid ah xaaraan (qaarna) xalaal. Dheh: Ma Alle baa idin amray, mise Alle ayaad ka been sheegaysaan?
61. Ma jirto waxaad ku sugan tahay oo arrin ah, waxaad ka akhridaan Qur’aanka, iyo camal kasta oo aad fashaan aan idin la joogin (ogeyn) markaad dhex galeysaan. Kagama Qarsoona Rabbigaa (haba ahaadaane) wax saxar le’eg dhulka korkiisa ama cirka gudahiisa, ama wax ka yar ama wax ka weyn, bal waxay ku qoran yihiin Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka).
16. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Riyada wanaagsan (ee dhabowda) uu ku riyooda qof wanaagsan ee Alle ka cabsada waa qayb ka mid ah afartan iyo lixdanka qaybood ee Nabinnimada. W.w.Al-Bukhaari
66. Ogaada, hubaal, Allaah baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Ma raacaan (run ahaan) wax shuruko ah kuwa barya cid kale Alle sokadi, ma raacaan (waxna) aan ahayn malo, oo been uun bay sheegayaan.
71. U Akhri qisadii Nuux. Markuu ku yidhi dadkiisii: Tolkaygiiyow! hadday joogiddeyda (la jirkiin), iyo (idinku) waaninteyda Aayadaha Alle ay idinku cuslaatay - haddaba Alle baan tala saartay - ee tala goosta arrankiinna oo (soo kulmiya) kuwa aad cibaadadiinna wax ka wadaajisaan, markaas yuusan ahaan arrinkiinnu mid uu ku jiro mugdi18, markaas igu fuliya xukunkiinna hana i siininnaba wax fursad ah.
18. Ha ka yeelina wax uu ku jiro shaki ama walaac, ee ha ahaato wax idiin cad, muuqda, oo aan mugdi ku jirin.
72. Haddaad jeesataan, idinma weydiisan idinka wax abaalgud ah, abaalgudkeyga wuxuu saaran yahay Alle Keliya, waxaana la i amray inaan ka mid ahaado Muslimiinta u hoggaansan Alle.
73. Wayse beeniyeen, markaasaan badbaadinnay isaga iyo intii ku wehlisay Doonida, Waxaana ka dhignay kuwa u hara dhulka oo ka taliya, oo aanu harqinnay kuwii beeniyey Aayadahayaga. Ee fiiri siduu ahaa aayaha kuwii loo digay.
81. Markay tuureenna Muuse wuxuu ku yidhi: Waxaad la timaaddeen waa sixir, Alle baa burin doona. Hubaal Alle ma hagaajiyo camalka kuwa wax fasahaadsha.
83. Cidnase ma rumeyn Muuse aan ahayn durriyad ka mid ah qolodiisii cabsi ay ka qabeen darteed Fircoon iyo xildhibaannadi inay caddibaan; Fircoon wuxuu ahaa mid isku sare yeela arlada, wuxuuna ka mid ahaa xadgudbayaasha.
94. Haddaad ka shakisan tahay (Nabiyow) waxaan kuu soo waxyoonnay23, weydii kuwa akhriya Kitaabka (Towraadda) adiga hortaa. Waxaa kaaga yimid Xaq xagga Rabbigaa. Ee ha ka mid noqon shaki qabeenka.
23. Waxaa ka mid ah tafsiirka labada Aayadood ee dambe, in loola jeedo inay qiiro kiciyaan Nabiga s,c.w. inuu caddeeyo oo muujiyo sugnaantiisa, taas uu falay isagoo yidhi shaki ma qabo, mana weydiinayo. Tafsiir kale waa in inkastoo ereyadaa ay ku socdaan Nabiga s.c.w., waxay haddana dhab ahaan ku socdaan oo ku wajahan yihiin dadka oo dhan.
98. Maxay u jiri weydey magaalo rumaysa oo uu wax u taro iimaankeedu oo aan ahayn qolodii Yuunus? Markay rumeeyeen waxaan ka feydnay cadaabkii dulliga ee nolosha adduunka, waxaana u raaxaynay tan iyo muddo.
104. Dheh: Dadow! Haddaad ka shakisan tihiin diintayda, (ogaada inaan) Anigu caabudin kuwa aad caabuddaan Alle sokadi25. waxaanse caabudaa Alle Keliya ee idin oofsada, waxaana la amray inaan ka mid ahaado mu’miniinta.
25. Dadka caabuda sanamyada xaqiiqdu waxaa weeye inaysan caabudin sanammo ee waxay caabudaan hawadooda, hawadoodaasi baa amreysa inay caabudaan sanamyadooda. Waxa la caabudona waa labo: asnaam aan ka war heyn in la caabudo, waxayna odhan doonaan Qiyaamaha innagu war kama heyn cibaadadiinna, iyo cid ogsoon in la caabudo, kuwaasina Qiyaamaha waa ku dafiri doonaan kuwii caabudi jirey.
106. Hana baryin (caabudin) Alle la jirki waxaan wax ku tari karin (haddaad caabuddo) waxna aan ku yeeli karin (haddaadan caabudin), haddaadse sidaa yeesho, waxaad ka mid noqon daalimiinta.
Contents of the translations can be downloaded and re-published, with the following terms and conditions:
1. No modification, addition, or deletion of the content.
2. Clearly referring to the publisher and the source (QuranEnc.com).
3. Mentioning the version number when re-publishing the translation.
4. Keeping the transcript information inside the document.
5. Notifying the source (QuranEnc.com) of any note on the translation.
6. Updating the translation according to the latest version issued from the source (QuranEnc.com).
7. Inappropriate advertisements must not be included when displaying translations of the meanings of the Noble Quran.
نتایج جستجو:
API specs
Endpoints:
Sura translation
GET / https://quranenc.com/api/v1/translation/sura/{translation_key}/{sura_number} description: get the specified translation (by its translation_key) for the speicified sura (by its number)
Parameters: translation_key: (the key of the currently selected translation) sura_number: [1-114] (Sura number in the mosshaf which should be between 1 and 114)
Returns:
json object containing array of objects, each object contains the "sura", "aya", "translation" and "footnotes".
GET / https://quranenc.com/api/v1/translation/aya/{translation_key}/{sura_number}/{aya_number} description: get the specified translation (by its translation_key) for the speicified aya (by its number sura_number and aya_number)
Parameters: translation_key: (the key of the currently selected translation) sura_number: [1-114] (Sura number in the mosshaf which should be between 1 and 114) aya_number: [1-...] (Aya number in the sura)
Returns:
json object containing the "sura", "aya", "translation" and "footnotes".