Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አር-ረዕድ   አንቀጽ:
۞ أَفَمَن يَعۡلَمُ أَنَّمَآ أُنزِلَ إِلَيۡكَ مِن رَّبِّكَ ٱلۡحَقُّ كَمَنۡ هُوَ أَعۡمَىٰٓۚ إِنَّمَا يَتَذَكَّرُ أُوْلُواْ ٱلۡأَلۡبَٰبِ
19. Ma mid og in waxa lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa uu yahay Xaq baa la mid ah mid ka indha la'? Waase oo keliya dadka wax garadka ah kuwa waansami.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِينَ يُوفُونَ بِعَهۡدِ ٱللَّهِ وَلَا يَنقُضُونَ ٱلۡمِيثَٰقَ
20. Ee ah kuwa oofiya axdiga Alle, oo aan ka bixin ballanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِينَ يَصِلُونَ مَآ أَمَرَ ٱللَّهُ بِهِۦٓ أَن يُوصَلَ وَيَخۡشَوۡنَ رَبَّهُمۡ وَيَخَافُونَ سُوٓءَ ٱلۡحِسَابِ
21. Kuwa xidhiidhiya waxa uu Alle amray in la xidhiidhiyo13, oo ka baqa Rabbigood, kana cabsada Xisaab Daran.
13. Waa in aad loo ilaaliyo xiriirka qaraabada oo lagu dadaalo wanaajintooda. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ma galo Jannada qof qaraabo goys ah”.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِينَ صَبَرُواْ ٱبۡتِغَآءَ وَجۡهِ رَبِّهِمۡ وَأَقَامُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَأَنفَقُواْ مِمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡ سِرّٗا وَعَلَانِيَةٗ وَيَدۡرَءُونَ بِٱلۡحَسَنَةِ ٱلسَّيِّئَةَ أُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ عُقۡبَى ٱلدَّارِ
22. Ee ah kuwa samra (waqtiga shiddada ee ku sugnaada cibaadada) iyagoo doonaya Wajiga Rabbigood, oogana salaadda, oo bixiya wax ka mid ah waxaan ku irzaaqnay qarsoodi iyo caddaanba, kuna qaabila xumaanta samaan, kuwaasi waxay leeyihiin cidhib wanaagsan Daarta Dambe (Aakhirada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
جَنَّٰتُ عَدۡنٖ يَدۡخُلُونَهَا وَمَن صَلَحَ مِنۡ ءَابَآئِهِمۡ وَأَزۡوَٰجِهِمۡ وَذُرِّيَّٰتِهِمۡۖ وَٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ يَدۡخُلُونَ عَلَيۡهِم مِّن كُلِّ بَابٖ
23. Jannooyinka cadni (negaadi) oo ay galayaan iyaga iyo kuwa wanaagsan ee ka mid ah aabbayaashood iyo xaasaskooda iyo ubadkooda: waxayna Malaa’igtu uga soo geli albaab walba (iyagoo leh):
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
سَلَٰمٌ عَلَيۡكُم بِمَا صَبَرۡتُمۡۚ فَنِعۡمَ عُقۡبَى ٱلدَّارِ
24. Nabad korkiinna ha ahaato samirka aad yeelateen iyo sugnaashadiinna darteed. Wanaagsanaa Daartaa dambe (ee Jannada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِينَ يَنقُضُونَ عَهۡدَ ٱللَّهِ مِنۢ بَعۡدِ مِيثَٰقِهِۦ وَيَقۡطَعُونَ مَآ أَمَرَ ٱللَّهُ بِهِۦٓ أَن يُوصَلَ وَيُفۡسِدُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ أُوْلَٰٓئِكَ لَهُمُ ٱللَّعۡنَةُ وَلَهُمۡ سُوٓءُ ٱلدَّارِ
25. Kuwase jebiya axdiga Alle kaddib adkayntiisa, oo gooya wuxuu Alle amray in la xidhiidhiyo (oo wanaajiyo, sida qaraabada iyo deriska), oo fasaadiyana dhulka, kuwaas, waxaa u sugnaaday Nacalad, waxayna leeyihiin daarta xun (Naar).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱللَّهُ يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقۡدِرُۚ وَفَرِحُواْ بِٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَمَا ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَا فِي ٱلۡأٓخِرَةِ إِلَّا مَتَٰعٞ
26. Alle wuxuu u fidiyaa risiqa qofkuu doono oo ku cidhiidhiyaa (qofkuu doono), waxayna ku farxaan nolosha adduunkan, mana aha nolosha adduunka marka loo eego Aakhirada waxaan ahayn raaxo muddo yar ah oo dhammaaneysa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَقُولُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَوۡلَآ أُنزِلَ عَلَيۡهِ ءَايَةٞ مِّن رَّبِّهِۦۚ قُلۡ إِنَّ ٱللَّهَ يُضِلُّ مَن يَشَآءُ وَيَهۡدِيٓ إِلَيۡهِ مَنۡ أَنَابَ
27. Kuwa gaalooba waxay yidhaahdaan: Maxaa calaamo (mucjiso) looga soo dejin waayey xagga Rabbigii? (Nabiyow) Dheh: Alle wuxuu dhumiyaa kuu doono oo u soo hanuuniyaa Xaggiisa kuwa u soo laabta (tawbad keena).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَتَطۡمَئِنُّ قُلُوبُهُم بِذِكۡرِ ٱللَّهِۗ أَلَا بِذِكۡرِ ٱللَّهِ تَطۡمَئِنُّ ٱلۡقُلُوبُ
28. Ee ah kuwa (Towxiidka) rumeysan oo ay quluubtoodu ku xasisho xusidda Alle. Ogaada xusidda Alle bay ku xasishaa quluubtu.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አር-ረዕድ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት