19. Ma mid og in waxa lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa uu yahay Xaq baa la mid ah mid ka indha la'? Waase oo keliya dadka wax garadka ah kuwa waansami.
23. Jannooyinka cadni (negaadi) oo ay galayaan iyaga iyo kuwa wanaagsan ee ka mid ah aabbayaashood iyo xaasaskooda iyo ubadkooda: waxayna Malaa’igtu uga soo geli albaab walba (iyagoo leh):
26. Alle wuxuu u fidiyaa risiqa qofkuu doono oo ku cidhiidhiyaa (qofkuu doono), waxayna ku farxaan nolosha adduunkan, mana aha nolosha adduunka marka loo eego Aakhirada waxaan ahayn raaxo muddo yar ah oo dhammaaneysa.
27. Kuwa gaalooba waxay yidhaahdaan: Maxaa calaamo (mucjiso) looga soo dejin waayey xagga Rabbigii? (Nabiyow) Dheh: Alle wuxuu dhumiyaa kuu doono oo u soo hanuuniyaa Xaggiisa kuwa u soo laabta (tawbad keena).