የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም አንቀጽ: (187) ምዕራፍ: ሱረቱ አል-በቀራህ
أُحِلَّ لَكُمۡ لَيۡلَةَ ٱلصِّيَامِ ٱلرَّفَثُ إِلَىٰ نِسَآئِكُمۡۚ هُنَّ لِبَاسٞ لَّكُمۡ وَأَنتُمۡ لِبَاسٞ لَّهُنَّۗ عَلِمَ ٱللَّهُ أَنَّكُمۡ كُنتُمۡ تَخۡتَانُونَ أَنفُسَكُمۡ فَتَابَ عَلَيۡكُمۡ وَعَفَا عَنكُمۡۖ فَٱلۡـَٰٔنَ بَٰشِرُوهُنَّ وَٱبۡتَغُواْ مَا كَتَبَ ٱللَّهُ لَكُمۡۚ وَكُلُواْ وَٱشۡرَبُواْ حَتَّىٰ يَتَبَيَّنَ لَكُمُ ٱلۡخَيۡطُ ٱلۡأَبۡيَضُ مِنَ ٱلۡخَيۡطِ ٱلۡأَسۡوَدِ مِنَ ٱلۡفَجۡرِۖ ثُمَّ أَتِمُّواْ ٱلصِّيَامَ إِلَى ٱلَّيۡلِۚ وَلَا تُبَٰشِرُوهُنَّ وَأَنتُمۡ عَٰكِفُونَ فِي ٱلۡمَسَٰجِدِۗ تِلۡكَ حُدُودُ ٱللَّهِ فَلَا تَقۡرَبُوهَاۗ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ ٱللَّهُ ءَايَٰتِهِۦ لِلنَّاسِ لَعَلَّهُمۡ يَتَّقُونَ
187. Waxaa la idiin banneeyay habeenka soonka inaad u galmootaan xaasaskiinna. Waxay idin yihiin hu’, idinkuna hu’ baad u tihiin. Alle wuu ogaa inaad khiyaamayseen nafahiinna39, wuuna idinka toobad aqbalay oo idinka cafiyey (oo qaaday culeyskan). Ee haatan u taga (galmooda) iyaga oo doona waxa Alle idiin qaddaray (oo ilmo ah), oo cuna oo cabba ilaa caddaanka maalintu ka soocmo madowga habeenka waabbarkii, markaas dhammeystira soonka ilaa habeenka. Hana u tegina (galmoonina xaasaskiinna) idinkoo ku jira Ictikaaf masaajidda gudahooda. Kuwani waa xudduudaha (uu dhigay) Alle ee ha u dhowaanina. Sidaas buu Alle ugu cadddeeyaa Aayadihiisa dadka si ay isaga jiraan (shirkiga iyo xumaha kale).
39. Intayan soo degin Aayaddan, galmada ninka iyo naagtiisa ma bannaaneyn habeennada ka horreeya maalinta la soomayo. Qaarkood way ku adkaatay inay ka joogaan xaasaskooda oo si qarsoodi ah u caasiyeen, mase khiyaameyn Alle. Kaddib waa la idmay inuu habeenkii u tagi karo, maalintase aysan bannaaneyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም አንቀጽ: (187) ምዕራፍ: ሱረቱ አል-በቀራህ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

የተከበረው ቁርአን ሱማልኛ ቋንቋ መልዕክተ ትርጉም - በዓብደሏህ ሓሰን ያዕቆብ

መዝጋት