Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-በቀራህ   አንቀጽ:

Al-baqarah

الٓمٓ
1. Alif laam miim2.
1. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ha ka yeelina guryahiinna Qubuuro ee ku akhriya Qur'aanka, ogaadana gurigii lagu akhriyo suuradda Al-Baqarah ma soo galo shaydaan." W.w. Muslim iyo Axmad.
2. Suuradaha Qur’aanka qaarkood waxay ku billowdaan xarfaha alifbeetada, sida alif laam miim, alif laam raa, iwm waxay ka mid yihiin afar iyo toban xaraf oo ku billaabasho iyo furitaan ahaan ku soo arooray sagaal iyo labaatan suuuradood oo ku jira Qur’aanka.Waxaa la yidhi xuruuftaas waa magacyada suuradaha, waxaa sidoo kale la yidhi waa baraarujin iyo soo jeedin ahaan dadka, waxaa kaloo la yidhi, waa tilmaan in Qur’aanka uu ku soo degay afka Carabiga ee ka kooban xarfaha alifbeetada sidaas oy tahay ma jiro cid la imaan karta isagoo kale oo keeni karta oo waa kitaab mucjiz ah. Inkastoo siyaabahaas kala duwan loo fasiray, dhabta waxaa weeye Alle keliya baa u cilm u leh oo ogsoon macaanidooda, oo og muraadka uu ka leeyahay iyo wuxuu ula jeedo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ذَٰلِكَ ٱلۡكِتَٰبُ لَا رَيۡبَۛ فِيهِۛ هُدٗى لِّلۡمُتَّقِينَ
2. Kitaabkaa (Qur’aanka), shaki kuma jiro, waa u hanuun kuwa (dhowra amarrada Alle ee) iska jira (shirkiga iyo xumaha kale).*
*Sida ku caasinta waalidka, xumeynta qaraabada iyo deriska, ku daadinta dhiig xaq darro, zinada, dhilleysiga, xatooyada, ribada, kibirka, sixirka, beenta, khiyaanada, qadafka, xasadka, xanta, diradirada, iwm).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِينَ يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡغَيۡبِ وَيُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَمِمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡ يُنفِقُونَ
3. Ee ah kuwa rumeysan Ghaybka (waxa aan muuqan ee qarsoon sida malaa’igta, Jannada, Naarta, iwm), ooga salaadda, waxaan siinnayna wax ka bixiya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِينَ يُؤۡمِنُونَ بِمَآ أُنزِلَ إِلَيۡكَ وَمَآ أُنزِلَ مِن قَبۡلِكَ وَبِٱلۡأٓخِرَةِ هُمۡ يُوقِنُونَ
4. Ee (ah)kuwa rumeysan waxa (Qur’aanka) lagugu soo dejiyey (Nabi Muxammadow), iyo waxa la soo dejiyey (oo Waxyi ah) adiga hortaa3, Aakhirona yaqiinsan.
3. Kutubta la soo dejiyey Nabi Muxammad s.c.w hortiis waa Towraadda, Injiilka, Zabuurka iyo Suxuftii Ibraahiim iyo kuwo kaleba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أُوْلَٰٓئِكَ عَلَىٰ هُدٗى مِّن رَّبِّهِمۡۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ
5. Kuwaasaa ku sugan hanuun (toosan) xagga Rabbigood ah, waana kuwaa kuwa ah liibaanayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-በቀራህ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት