Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-በቀራህ   አንቀጽ:
وَقَالَتِ ٱلۡيَهُودُ لَيۡسَتِ ٱلنَّصَٰرَىٰ عَلَىٰ شَيۡءٖ وَقَالَتِ ٱلنَّصَٰرَىٰ لَيۡسَتِ ٱلۡيَهُودُ عَلَىٰ شَيۡءٖ وَهُمۡ يَتۡلُونَ ٱلۡكِتَٰبَۗ كَذَٰلِكَ قَالَ ٱلَّذِينَ لَا يَعۡلَمُونَ مِثۡلَ قَوۡلِهِمۡۚ فَٱللَّهُ يَحۡكُمُ بَيۡنَهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ فِيمَا كَانُواْ فِيهِ يَخۡتَلِفُونَ
113. Yuhuudi waxay yidhaahdaan: Nasaaradu (Kirishtaanku) ma raacaan wax wanaagsan; Nasaaraduna waxay yidhaahdaan: Yuhuudi ma raacaan wax wanaagsan; iyagoo akhriya isku hal kitaab. weliba sidaasoo kale bay yidhaahdaan kuwaasi aan cilmiga lahayn (mushrikiinta), sida waxay yidhaahdaan oo kale. Ee Alle baa kala xukumi dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafsan yihiin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّن مَّنَعَ مَسَٰجِدَ ٱللَّهِ أَن يُذۡكَرَ فِيهَا ٱسۡمُهُۥ وَسَعَىٰ فِي خَرَابِهَآۚ أُوْلَٰٓئِكَ مَا كَانَ لَهُمۡ أَن يَدۡخُلُوهَآ إِلَّا خَآئِفِينَۚ لَهُمۡ فِي ٱلدُّنۡيَا خِزۡيٞ وَلَهُمۡ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ عَذَابٌ عَظِيمٞ
114. Yaa ka dulmi badan kan u diida (dadka) Masaajidda Alle, in lagu xuso Magaciisa, oo ku dadaala inuu kharaabiyo? Kuwani kuma habbooneyn inay soo galaan iyagoo cabsanaya ma’ahee. waxay la kulmi dulli adduunkan, waxayna leeyihiin cadaab weyn Aakhirada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلِلَّهِ ٱلۡمَشۡرِقُ وَٱلۡمَغۡرِبُۚ فَأَيۡنَمَا تُوَلُّواْ فَثَمَّ وَجۡهُ ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ وَٰسِعٌ عَلِيمٞ
115. Alle baana iska leh bariga iyo galbeedkaba, meel kastoo aad u jeedsataanna waxaa jira Wejiga Alle24. Hubaal Alle waa Deeq Ballaarne, wax kasta Ogsoon.
24. Waxaa sidoo kale lagu fasiray qowlka Alle: فَثَمَّ وَجۡهُ ٱللَّهِۚ : "Meel walba oo aad u jeedsataan waa qiblo Ilaahay", sida abbaarta ahse ee sii saxsan labada qowl waa in lagu fasiro Wajiga Ilaahay, inkastoo labadaa qowl ee culimadu ku wada fasireen Aayadda is diidaynin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالُواْ ٱتَّخَذَ ٱللَّهُ وَلَدٗاۗ سُبۡحَٰنَهُۥۖ بَل لَّهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ كُلّٞ لَّهُۥ قَٰنِتُونَ
116. Waxay (Yuhuudda, Nasaarada iyo mushrikiinta) yidhaahdaan: Alle wuxuu leeyahay wiil (ilmo). Xurmo oo dhan Isagaa iska leh oo hufan. Balse wuxuu leeyahay wax walba oo ku sugan samooyinka iyo arlada, dhammaan Isagay adeecsan yihiin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
بَدِيعُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ وَإِذَا قَضَىٰٓ أَمۡرٗا فَإِنَّمَا يَقُولُ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ
117. Waa unkaha samooyinka iyo arlada. markuu arrin gooyo, Wuxuu uun ku yidhaahdaa, Ahow, markaa wuu yahay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالَ ٱلَّذِينَ لَا يَعۡلَمُونَ لَوۡلَا يُكَلِّمُنَا ٱللَّهُ أَوۡ تَأۡتِينَآ ءَايَةٞۗ كَذَٰلِكَ قَالَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِم مِّثۡلَ قَوۡلِهِمۡۘ تَشَٰبَهَتۡ قُلُوبُهُمۡۗ قَدۡ بَيَّنَّا ٱلۡأٓيَٰتِ لِقَوۡمٖ يُوقِنُونَ
118.Kuwa aan waxba ogeyni (mushrikiinta) waxay yidhaahdeen: Muxuu Alle noola hadli waayey si toos ah ama calaamo ay noogu iman weydey (inaad Rasuul Alle tahay)? Weliba sidaas oo kale bay yidhaahdeen kuwii ka horreeyay, wax la mid ah hadalkooda oo kale, Quluubtooda baa dhammaan ah kuwa isa shabbaha. Waxaanu uga dhignay Aayadaha caddaan ciddii yaqiinsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّآ أَرۡسَلۡنَٰكَ بِٱلۡحَقِّ بَشِيرٗا وَنَذِيرٗاۖ وَلَا تُسۡـَٔلُ عَنۡ أَصۡحَٰبِ ٱلۡجَحِيمِ
119. Waxaan Annagu kula soo dirnay (Nabiyow) Xaqa, bishaareeye iyo dige ahaan, waxnana lagaa weydiin maayo asxaabta dabka ololaya25.
25. Waa ehlu Naarka, waayo xilkaagu waa gaarsiinta diinta keliya oo xil kaama saarna rumeyntooda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-በቀራህ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት