Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-በቀራህ   አንቀጽ:
سَلۡ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ كَمۡ ءَاتَيۡنَٰهُم مِّنۡ ءَايَةِۭ بَيِّنَةٖۗ وَمَن يُبَدِّلۡ نِعۡمَةَ ٱللَّهِ مِنۢ بَعۡدِ مَا جَآءَتۡهُ فَإِنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ
211. Weydii ilmahii Israa’iil intee baan calaamo cad siinnay. Qofkiina beddela Nicmadda Alle kaddib intay u timid, hubaal Alle Ciqaabkiisu wuu daran yahay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
زُيِّنَ لِلَّذِينَ كَفَرُواْ ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَا وَيَسۡخَرُونَ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْۘ وَٱلَّذِينَ ٱتَّقَوۡاْ فَوۡقَهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۗ وَٱللَّهُ يَرۡزُقُ مَن يَشَآءُ بِغَيۡرِ حِسَابٖ
212. Nolsoha adduunkan baa loo qurxiyey kuwa gaalooba, waxayna ku jeesjeesaan kuwa rumeysan, kuwase iska jira (shirkiga iyo xumaha kale), iyaga baa ka sarreyn doona oo ka kor ah (gaalada) Maalinta Qiyaamaha. Allena wuxuu arzaaqaa qofkuu doono xisaab la’aan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَانَ ٱلنَّاسُ أُمَّةٗ وَٰحِدَةٗ فَبَعَثَ ٱللَّهُ ٱلنَّبِيِّـۧنَ مُبَشِّرِينَ وَمُنذِرِينَ وَأَنزَلَ مَعَهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ بِٱلۡحَقِّ لِيَحۡكُمَ بَيۡنَ ٱلنَّاسِ فِيمَا ٱخۡتَلَفُواْ فِيهِۚ وَمَا ٱخۡتَلَفَ فِيهِ إِلَّا ٱلَّذِينَ أُوتُوهُ مِنۢ بَعۡدِ مَا جَآءَتۡهُمُ ٱلۡبَيِّنَٰتُ بَغۡيَۢا بَيۡنَهُمۡۖ فَهَدَى ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لِمَا ٱخۡتَلَفُواْ فِيهِ مِنَ ٱلۡحَقِّ بِإِذۡنِهِۦۗ وَٱللَّهُ يَهۡدِي مَن يَشَآءُ إِلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٍ
213. Dadku (dhammaan) wuxuu ahaa ummad keliya (ka hor weecashadooda), markaasuu Alle soo diray Nabiyada bishaareeyaal iyo digayaal ahaan,Wuxuuna la soo dejiyey Kitaabka oo Xaq ah si uu ugu kala xukumo dadka dhexdooda arrimaha ay isku khilaafaan, oo iskuma khilaafin waxaan ahayn isla kuwii (Kitaabka) la siiyey kaddib markay u yimaadeen Xujooyin cad xasad dhexdooda ah dartiis. Markaa- suu Alle Idankiisa ugu hanuuniyey kuwaa rumeysan Xaqa waxay gudahooda isku khilaafeen. Allena wuxuu ku hanuuniyaa qofkuu doono Jid Toosan (Islaamka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ حَسِبۡتُمۡ أَن تَدۡخُلُواْ ٱلۡجَنَّةَ وَلَمَّا يَأۡتِكُم مَّثَلُ ٱلَّذِينَ خَلَوۡاْ مِن قَبۡلِكُمۖ مَّسَّتۡهُمُ ٱلۡبَأۡسَآءُ وَٱلضَّرَّآءُ وَزُلۡزِلُواْ حَتَّىٰ يَقُولَ ٱلرَّسُولُ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مَعَهُۥ مَتَىٰ نَصۡرُ ٱللَّهِۗ أَلَآ إِنَّ نَصۡرَ ٱللَّهِ قَرِيبٞ
214. Mise ma waxaad mooddaan inaad gelaysaan Jannada iyadoo aanay idiin iman wax la mid ahi wixii u yimid kuwii tegay ee idinka horreeyey? Waxaa taabtay faqri iyo jirro oo la gilgilay jeer uu Rasuulku iyo kuwii rumeeyay la jirki ay yidhaahdeen: Goormuu iman Gargaarka Alle? Ogaada,
Hubaal, Gargaarka Alle wuu dhow yahay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَسۡـَٔلُونَكَ مَاذَا يُنفِقُونَۖ قُلۡ مَآ أَنفَقۡتُم مِّنۡ خَيۡرٖ فَلِلۡوَٰلِدَيۡنِ وَٱلۡأَقۡرَبِينَ وَٱلۡيَتَٰمَىٰ وَٱلۡمَسَٰكِينِ وَٱبۡنِ ٱلسَّبِيلِۗ وَمَا تَفۡعَلُواْ مِنۡ خَيۡرٖ فَإِنَّ ٱللَّهَ بِهِۦ عَلِيمٞ
215. Waxay ku weydiin waxay tahay inay bixiyaan (nafaqo ahaan). Dheh: Wax kastoo aad bixisaan oo maal ah waxaa u mudan waalidiinta, qaraabada, agoomaha, masaakiinta iyo tub ku joogga (musaafirka go’doonsan), waxaad fashaanna oo khayr ah, hubaal Alle wuu Ogsoon yahay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-በቀራህ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት