Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-በቀራህ   አንቀጽ:
وَإِذَا طَلَّقۡتُمُ ٱلنِّسَآءَ فَبَلَغۡنَ أَجَلَهُنَّ فَأَمۡسِكُوهُنَّ بِمَعۡرُوفٍ أَوۡ سَرِّحُوهُنَّ بِمَعۡرُوفٖۚ وَلَا تُمۡسِكُوهُنَّ ضِرَارٗا لِّتَعۡتَدُواْۚ وَمَن يَفۡعَلۡ ذَٰلِكَ فَقَدۡ ظَلَمَ نَفۡسَهُۥۚ وَلَا تَتَّخِذُوٓاْ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ هُزُوٗاۚ وَٱذۡكُرُواْ نِعۡمَتَ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡ وَمَآ أَنزَلَ عَلَيۡكُم مِّنَ ٱلۡكِتَٰبِ وَٱلۡحِكۡمَةِ يَعِظُكُم بِهِۦۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٞ
231. Markaad furtaan haweenka, oo ay ku dhowaadaan gaaridda muddada loo qabtay, markaa ama u heysta si wanaagsan ama u sii daaya si wanaagsan. Hana u heysannina dhibaateyn si aad u xadgudubtaan, qofkii sidaas fala, wuxuu dulmiyey naftiisa. Ha ka dhigannina Aayadaha Alle dheel-dheel, oo xusuusta Nicmadda Alle korkiinna, iyo wuxuu idiin soo dejiyey oo ka mid ah Kitaabka iyo Xikmadda oo uu idinku waaninayo, oo dhowra (xilkuu idin saaray) Alle, ogaadana in Alle wax walba Og yahay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا طَلَّقۡتُمُ ٱلنِّسَآءَ فَبَلَغۡنَ أَجَلَهُنَّ فَلَا تَعۡضُلُوهُنَّ أَن يَنكِحۡنَ أَزۡوَٰجَهُنَّ إِذَا تَرَٰضَوۡاْ بَيۡنَهُم بِٱلۡمَعۡرُوفِۗ ذَٰلِكَ يُوعَظُ بِهِۦ مَن كَانَ مِنكُمۡ يُؤۡمِنُ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِۗ ذَٰلِكُمۡ أَزۡكَىٰ لَكُمۡ وَأَطۡهَرُۚ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ وَأَنتُمۡ لَا تَعۡلَمُونَ
232. Markaad furtaan haweenka oo ay dhammeystaan muddadooda sugitaanka (ciddada), markaa ha ka hor istaagina guursiga nimankooda, markay ka heshiiyaan dhexdooda si la yaqaan. (Arrinkan) waa mid lagu waaniyo qofkii idinka mid ah ee rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro. Arrinkani baa idiin wanaagsan oo idiin daahirsan. Alle baana ogsoon oo idinku ma ogidin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ وَٱلۡوَٰلِدَٰتُ يُرۡضِعۡنَ أَوۡلَٰدَهُنَّ حَوۡلَيۡنِ كَامِلَيۡنِۖ لِمَنۡ أَرَادَ أَن يُتِمَّ ٱلرَّضَاعَةَۚ وَعَلَى ٱلۡمَوۡلُودِ لَهُۥ رِزۡقُهُنَّ وَكِسۡوَتُهُنَّ بِٱلۡمَعۡرُوفِۚ لَا تُكَلَّفُ نَفۡسٌ إِلَّا وُسۡعَهَاۚ لَا تُضَآرَّ وَٰلِدَةُۢ بِوَلَدِهَا وَلَا مَوۡلُودٞ لَّهُۥ بِوَلَدِهِۦۚ وَعَلَى ٱلۡوَارِثِ مِثۡلُ ذَٰلِكَۗ فَإِنۡ أَرَادَا فِصَالًا عَن تَرَاضٖ مِّنۡهُمَا وَتَشَاوُرٖ فَلَا جُنَاحَ عَلَيۡهِمَاۗ وَإِنۡ أَرَدتُّمۡ أَن تَسۡتَرۡضِعُوٓاْ أَوۡلَٰدَكُمۡ فَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ إِذَا سَلَّمۡتُم مَّآ ءَاتَيۡتُم بِٱلۡمَعۡرُوفِۗ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٞ
233. Hooyooyinku waxay nuujin ilmahooda labo sano oo kaamil ah, ciddii doonta inay taam yeesho muddada nuujinta, masruufkooda iyo marashadooda waa inuu xilkeeda qaado aabbaha si la yaqaan. Ma saarna nafna waxay awooddo maahee. Hooyona waa inaan laga yeelin inay dhibtooto ilmaheeda darti iyo aabbe ilmaha uu dhalay darti. Oo xil la mid ah (wuxuu saaran yahay) warasada (aabbaha). Haddayse labaduba doonaan inay ka gooyaan naaska raalli iyagoo ku ah wada tashi kaddib, ma jiro wax eed ahi oo saaran. Haddaad u doontaan hooyo nuujiso ah oo kale ilmahiinna, ma jiro wax eed ahi oo idin saaran, haddaad siisaan (hooyada) waxaad ku heshiisaan (inaad siisaan) si la yaqaan. Oo dhowra (xilkuu idin saaray) Alle, ogaadana in Alle uu Arko waxaad fashaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-በቀራህ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት