Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-በቀራህ   አንቀጽ:
قُلۡ إِن كَانَتۡ لَكُمُ ٱلدَّارُ ٱلۡأٓخِرَةُ عِندَ ٱللَّهِ خَالِصَةٗ مِّن دُونِ ٱلنَّاسِ فَتَمَنَّوُاْ ٱلۡمَوۡتَ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
94. Dheh: Hadday daarta Aakhiro Alle agti ah ay tahay mid idiin gaar ah oo ayan wax ku laheyn cid kale oo dadka ka mid ah, janta dhimasho haddaad run sheegaysaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَن يَتَمَنَّوۡهُ أَبَدَۢا بِمَا قَدَّمَتۡ أَيۡدِيهِمۡۚ وَٱللَّهُ عَلِيمُۢ بِٱلظَّٰلِمِينَ
95. Mase jamanayaan waligood, waxay geysteen gacmahoodu awgii (oo denbiyo ah). Allena wuu og yahay daalimiinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَتَجِدَنَّهُمۡ أَحۡرَصَ ٱلنَّاسِ عَلَىٰ حَيَوٰةٖ وَمِنَ ٱلَّذِينَ أَشۡرَكُواْۚ يَوَدُّ أَحَدُهُمۡ لَوۡ يُعَمَّرُ أَلۡفَ سَنَةٖ وَمَا هُوَ بِمُزَحۡزِحِهِۦ مِنَ ٱلۡعَذَابِ أَن يُعَمَّرَۗ وَٱللَّهُ بَصِيرُۢ بِمَا يَعۡمَلُونَ
96. Waxaad heli inay yihiin (Yuhuudda) kuwa dadka ugu dadaal badan noolaansho, (waxay ka sii dadaal badan yihiin) weliba kuwa ah mushrikiinta. Midkood walbaa oo ka mid ah wuxuu jecel yahay in la siiyo cimri dherer gaara kun sano. Cimri dhererna kama fogeeyo in yarna ha ahaatee cadaabka uu mudan yahay. Allena wuu arkaa waxay falayaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ مَن كَانَ عَدُوّٗا لِّـجِبۡرِيلَ فَإِنَّهُۥ نَزَّلَهُۥ عَلَىٰ قَلۡبِكَ بِإِذۡنِ ٱللَّهِ مُصَدِّقٗا لِّمَا بَيۡنَ يَدَيۡهِ وَهُدٗى وَبُشۡرَىٰ لِلۡمُؤۡمِنِينَ
97. Dheh: Qofkii u ah cadow Jabriil – hubaal wuxuu ugu soo dejiyey (Qur’aanka) qalbigaaga Idanka Alle, isagoo rumeyn wixii ka horreeyey (oo Kutub Alle ah), waana u hanuun iyo bishaaro mu’miniinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَن كَانَ عَدُوّٗا لِّلَّهِ وَمَلَٰٓئِكَتِهِۦ وَرُسُلِهِۦ وَجِبۡرِيلَ وَمِيكَىٰلَ فَإِنَّ ٱللَّهَ عَدُوّٞ لِّلۡكَٰفِرِينَ
98. Qofkii cadow u ah Allaah iyo Malaa’igtiisa iyo Rusushiisa iyo Jabriil iyo Miikaal, hubaal Alle waa u cadow gaalada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ أَنزَلۡنَآ إِلَيۡكَ ءَايَٰتِۭ بَيِّنَٰتٖۖ وَمَا يَكۡفُرُ بِهَآ إِلَّا ٱلۡفَٰسِقُونَ
99. Waxaanu dhab ahaan kugu soo dejinnay (Nabi Muxammadow) Aayado cad, mana beeniyaan waxaan aheyn caasiyaasha (madaxa adag).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَوَكُلَّمَا عَٰهَدُواْ عَهۡدٗا نَّبَذَهُۥ فَرِيقٞ مِّنۡهُمۚ بَلۡ أَكۡثَرُهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ
100. Mar kasta oo ay ballan galaan (ah inay rumeeyaan Nabigii la soo diro oo ayan hiil siin mushrikiinta), waxaa ka baxa koox ka mid ah? Mayee, badankoodu (Yuhuuddu) maba ay rumeysna (diinta ay sheegan).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَمَّا جَآءَهُمۡ رَسُولٞ مِّنۡ عِندِ ٱللَّهِ مُصَدِّقٞ لِّمَا مَعَهُمۡ نَبَذَ فَرِيقٞ مِّنَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ كِتَٰبَ ٱللَّهِ وَرَآءَ ظُهُورِهِمۡ كَأَنَّهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ
101. Markuu halkaa ugu yimid Rasuul ka yimid xagga Alle (Nabi Muxammad) oo rumeyn waxay haystaan (ee ah Towraadda), ayaa koox ka mid ahi kuwii la siiyey Kitaabka (Yuhuudda) ka tuureen Kitaabka Alle (Towraadda) dhabarradooda gadaashood, sidii oo ayna garaneyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-በቀራህ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት