Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-በቀራህ   አንቀጽ:
ٱلَّذِينَ ءَاتَيۡنَٰهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ يَعۡرِفُونَهُۥ كَمَا يَعۡرِفُونَ أَبۡنَآءَهُمۡۖ وَإِنَّ فَرِيقٗا مِّنۡهُمۡ لَيَكۡتُمُونَ ٱلۡحَقَّ وَهُمۡ يَعۡلَمُونَ
146. Kuwa aanu siinnay Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waxay u gartaaan (Nabi Muxammad ee ku yaal Kutubtooda) siday u gartaan wiilashooda oo kale. Koox ka mid ahna waxay qariyaan Xaqa (arrinka Qiblada, tilmaamaha Nabiga, iwm) iyagoo ogsoon.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّكَ فَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمُمۡتَرِينَ
147. Xaqu wuxuu ka yimid Rabbigaa. Ee ha ka mid noqon shaki qabayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلِكُلّٖ وِجۡهَةٌ هُوَ مُوَلِّيهَاۖ فَٱسۡتَبِقُواْ ٱلۡخَيۡرَٰتِۚ أَيۡنَ مَا تَكُونُواْ يَأۡتِ بِكُمُ ٱللَّهُ جَمِيعًاۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ
148. Mid walba wuxuu leeyahay jiho uu u jeesto (iyo hadaf uu higsado) uu Alle u jeediyey. Ee u tartama sama falka. Meel kastoo aad joogtaan, Alle wuu idin wada keeni idinkoo dhan. Hubaal Alle wax walba wuu Karaa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمِنۡ حَيۡثُ خَرَجۡتَ فَوَلِّ وَجۡهَكَ شَطۡرَ ٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِۖ وَإِنَّهُۥ لَلۡحَقُّ مِن رَّبِّكَۗ وَمَا ٱللَّهُ بِغَٰفِلٍ عَمَّا تَعۡمَلُونَ
149. Meel kastoo aad u baxdo (si aad u tukato) u jeedi wejigaaga xagga Masjidka xurmadda gaarka ah lihi (Kacbada); oo hubaal waa Xaq kaaga yimid xagga Rabbigaa, Alle ma mooga waxaad fashaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمِنۡ حَيۡثُ خَرَجۡتَ فَوَلِّ وَجۡهَكَ شَطۡرَ ٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِۚ وَحَيۡثُ مَا كُنتُمۡ فَوَلُّواْ وُجُوهَكُمۡ شَطۡرَهُۥ لِئَلَّا يَكُونَ لِلنَّاسِ عَلَيۡكُمۡ حُجَّةٌ إِلَّا ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ مِنۡهُمۡ فَلَا تَخۡشَوۡهُمۡ وَٱخۡشَوۡنِي وَلِأُتِمَّ نِعۡمَتِي عَلَيۡكُمۡ وَلَعَلَّكُمۡ تَهۡتَدُونَ
150. Meel kastoo aad u baxdana (si aad u tukato) u jeedi wejigaaga jihada Masjidka Xurmadda gaarka ah lihi (Kacbada), meel kastoo aad joogtaanna u jeediya wejiyadiinna jihadiisa (markaad tukanaysaan) si aanay dadku idiinku helin wax xujo ah kuwa ka midka ah ee gar diidka ah mooyee, ee ha ka baqina, ee Aniga iga Baqa (Alle Keliya), si aan idiinku dhammeystiro Nicmaddayda korkiinna, iyo si aad u hanuuntaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَمَآ أَرۡسَلۡنَا فِيكُمۡ رَسُولٗا مِّنكُمۡ يَتۡلُواْ عَلَيۡكُمۡ ءَايَٰتِنَا وَيُزَكِّيكُمۡ وَيُعَلِّمُكُمُ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡحِكۡمَةَ وَيُعَلِّمُكُم مَّا لَمۡ تَكُونُواْ تَعۡلَمُونَ
151. Waliba sidaan u soo dirnay dhexdiinna Rasuul idinka mid ah oo idiin akhriya Aayadahayaga oo idin daahiriya, oo idin bara Kitaabka iyo Xikmadda, oo idin bara wax aydaan horey u aqoon.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱذۡكُرُونِيٓ أَذۡكُرۡكُمۡ وَٱشۡكُرُواْ لِي وَلَا تَكۡفُرُونِ
152. Ee i xusa aan idin Xusee29, oo ii mahad naqa hana iga abaal dhicina30.
29. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: Haddaad keli igu xusto, waxaan kugu xusi si keli ah Nafteyda, haddaad I xusto adigoo dad la joogana waxaan kugu xusi kulan ka khayr badan kiinna.”
30. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Alle wuxuu jecel yahay inay nicmadda raadkeeda ka muuqato addoomahiisa.”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱسۡتَعِينُواْ بِٱلصَّبۡرِ وَٱلصَّلَوٰةِۚ إِنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلصَّٰبِرِينَ
153. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Kaalmaysta samirka iyo salaadda. Hubaal! Alle wuxuu la jiraa kuwa samirka badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-በቀራህ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት