Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-በቀራህ   አንቀጽ:
وَلَا تَقُولُواْ لِمَن يُقۡتَلُ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ أَمۡوَٰتُۢۚ بَلۡ أَحۡيَآءٞ وَلَٰكِن لَّا تَشۡعُرُونَ
154. Ha ka odhannina kuwa lagu dilo jidka Alle waa meyd; mayee way nool yihiin, waydaanse dareemeyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَنَبۡلُوَنَّكُم بِشَيۡءٖ مِّنَ ٱلۡخَوۡفِ وَٱلۡجُوعِ وَنَقۡصٖ مِّنَ ٱلۡأَمۡوَٰلِ وَٱلۡأَنفُسِ وَٱلثَّمَرَٰتِۗ وَبَشِّرِ ٱلصَّٰبِرِينَ
155. Waxaan idinku imtixaani wax xoogay cabsi ah iyo gaajo iyo nusqaamin maalka iyo nafaha iyo midhaha, ee u bishaaree kuwa samra.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِينَ إِذَآ أَصَٰبَتۡهُم مُّصِيبَةٞ قَالُوٓاْ إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّآ إِلَيۡهِ رَٰجِعُونَ
156. Kuwa markay ku dhacdo musiibo, yidhaahda: Alle baa na leh31 oo Xaggiisaana u noqon.
31. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaa la yaab leh xaalka mu’minka, hadduu kheyr helo wuu mahdiyaa, waana u kheyr, haddii dhib ku dhacana wuu ku samraa, waxayna u noqotaa khayr. W.w. Al-Bukhaari.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أُوْلَٰٓئِكَ عَلَيۡهِمۡ صَلَوَٰتٞ مِّن رَّبِّهِمۡ وَرَحۡمَةٞۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُهۡتَدُونَ
157. Kuwaasi weeye kuwa ay korkooda ahaatay barakooyin xagga Rabbigood iyo naxariis, oo kuwaas weeye kuwa hanuunsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ إِنَّ ٱلصَّفَا وَٱلۡمَرۡوَةَ مِن شَعَآئِرِ ٱللَّهِۖ فَمَنۡ حَجَّ ٱلۡبَيۡتَ أَوِ ٱعۡتَمَرَ فَلَا جُنَاحَ عَلَيۡهِ أَن يَطَّوَّفَ بِهِمَاۚ وَمَن تَطَوَّعَ خَيۡرٗا فَإِنَّ ٱللَّهَ شَاكِرٌ عَلِيمٌ
158. Dhabtii Saffa iyo Marwa waxay ka mid yihiin calaamooyinka uu cayimay Alle. Ee qofkii u soo Xajiyaa Beytka (Makkah ku yaal) ama u soo siyaarta (Cumro inuu guto), ma jiro wax eed ah oo ka saarani inuu ku dawaafo labadaa (buur) dhexdood32, qofkii iskiis u falana khayr, hubaal Alle waa Mahad naqe, wax kasta Ogsoon.
32. Mu’miniinta qaar waxay ka baqeen inay arritani tahay wax ka mid ah dhaqankii jaahiliyadda, markaasuu Alle sheegay in sacyigu ka mid yahay acmaasha diinta. Socodka iyo rucleynta toddob jeer Safa iyo Marwa dhexooda marka la xajinayo ama la cumraysanayo, wuxuu Alle u sheegay inaysan denbi lahayn dawaafka labadaas buurood dhexdooda, waayo saxaabada qaarkood waxay ka dareemeen culays inay ku sacyiyaan halkaas, waayo waxay ahayd meel uu ka taagnaa sanam, oo waagii jaahiliyadda lagu sacyin jirey, si looga suuliyo dareenkaas buu Alle u soo dejiyey Aayaddaas.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ يَكۡتُمُونَ مَآ أَنزَلۡنَا مِنَ ٱلۡبَيِّنَٰتِ وَٱلۡهُدَىٰ مِنۢ بَعۡدِ مَا بَيَّنَّٰهُ لِلنَّاسِ فِي ٱلۡكِتَٰبِ أُوْلَٰٓئِكَ يَلۡعَنُهُمُ ٱللَّهُ وَيَلۡعَنُهُمُ ٱللَّٰعِنُونَ
159. Hubaal kuwa qariya33 waxaan soo dejinnay oo Aayado cad ah iyo hanuun, kaddib markaanu ugu caddeynay dadka Kitaabka, kuwaa weeye kuwa uu Alle nacladi, oo kuwaa wax naclada (malaa'igta, iyo mu'miniinta) ay nacladi doonaan.
33. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii la warsado cilmi oo qariya isagoo og, waxaa lagu faruur xidhi Qiyaamaha faruur xidh dab ah”.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَّا ٱلَّذِينَ تَابُواْ وَأَصۡلَحُواْ وَبَيَّنُواْ فَأُوْلَٰٓئِكَ أَتُوبُ عَلَيۡهِمۡ وَأَنَا ٱلتَّوَّابُ ٱلرَّحِيمُ
160. Kuwa toobad keena mooyee ee wanaagsanaada, oo si cad u muujiya (Xaqa ay qariyeen). Kuwaa weeye kuwa aan ka toobad aqbali. Waxaana ahay Toobad Aqbal Badanaha, Naxariista Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَمَاتُواْ وَهُمۡ كُفَّارٌ أُوْلَٰٓئِكَ عَلَيۡهِمۡ لَعۡنَةُ ٱللَّهِ وَٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ وَٱلنَّاسِ أَجۡمَعِينَ
161. Dhabtii kuwa gaalooba oo dhinta iyagoo gaalo ah, kuwaa weeye kuwa ay korkooda ahaatay Nacaladda Alle, iyo malaa’igta, iyo dadka oo dhan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
خَٰلِدِينَ فِيهَا لَا يُخَفَّفُ عَنۡهُمُ ٱلۡعَذَابُ وَلَا هُمۡ يُنظَرُونَ
162. Iyagoo ku dhex waaraya, cadaabka lagama khafiifinayo, mana la siiinayo nafis.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِلَٰهُكُمۡ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞۖ لَّآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ٱلرَّحۡمَٰنُ ٱلرَّحِيمُ
163. IIaahiinnu waa Ilaah keliya (Allaah), ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa Naxariistaha, Naxariista Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-በቀራህ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት