Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-በቀራህ   አንቀጽ:
۞ مَا نَنسَخۡ مِنۡ ءَايَةٍ أَوۡ نُنسِهَا نَأۡتِ بِخَيۡرٖ مِّنۡهَآ أَوۡ مِثۡلِهَآۗ أَلَمۡ تَعۡلَمۡ أَنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ
106. Aayad kastoo aan nasakhno ama aan sababno in la illaabo, waxaan keennaa mid ka khayr badan ama la mid ah. Miyaadan ogeyn inuu Alle wax walba Karo?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَلَمۡ تَعۡلَمۡ أَنَّ ٱللَّهَ لَهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۗ وَمَا لَكُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ مِن وَلِيّٖ وَلَا نَصِيرٍ
107. Miyaadan ogeyn in Alle leeyahay Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, oo aydaan lahayn Alle ka sokow sokeeye iyo gargaare midna.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ تُرِيدُونَ أَن تَسۡـَٔلُواْ رَسُولَكُمۡ كَمَا سُئِلَ مُوسَىٰ مِن قَبۡلُۗ وَمَن يَتَبَدَّلِ ٱلۡكُفۡرَ بِٱلۡإِيمَٰنِ فَقَدۡ ضَلَّ سَوَآءَ ٱلسَّبِيلِ
108. Mise ma waxaad rabtaan inaad su'aalo hor dhigtaan22 Rasuulkiinna sidii Muuse horey loo su'aalay. Qofkiina qaataa iimaan darro halkii Iimaanka, wuxuu ka lumay jidka toosan.
22. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Alle wuu xaaraanshay muranka, maalka oo lagu baxsho wax xun oo reebban, ku tiri ku teenta, iyo su’aasha badan.” W.w. Al-Bukhaari iyo Muslim.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَدَّ كَثِيرٞ مِّنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ لَوۡ يَرُدُّونَكُم مِّنۢ بَعۡدِ إِيمَٰنِكُمۡ كُفَّارًا حَسَدٗا مِّنۡ عِندِ أَنفُسِهِم مِّنۢ بَعۡدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُمُ ٱلۡحَقُّۖ فَٱعۡفُواْ وَٱصۡفَحُواْ حَتَّىٰ يَأۡتِيَ ٱللَّهُ بِأَمۡرِهِۦٓۗ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ
109. In badan oo ka mid ah ehlul Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waxay jecel yihiin inay dib idiinku soo ceshaan gaalnimo Iimaankiinna kaddib, xasad ay idiin qabaan darteed, kaddib markuu u caddaaday Xaqa. Ee iska cafiya oo iska dhaafa, ilaa inta Alle uu ka keeno Amarkiisa. Alle wax walba wuu Karaa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتُواْ ٱلزَّكَوٰةَۚ وَمَا تُقَدِّمُواْ لِأَنفُسِكُم مِّنۡ خَيۡرٖ تَجِدُوهُ عِندَ ٱللَّهِۗ إِنَّ ٱللَّهَ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٞ
110. Ooga Salaadda, bixiyana Zakada, wax waliboo khayr ahna aad u hormarisaan nafahiinna, Waxaad ka heli Alle agtii. Hubaal Alle waxaad fashaan wuu Arkaa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالُواْ لَن يَدۡخُلَ ٱلۡجَنَّةَ إِلَّا مَن كَانَ هُودًا أَوۡ نَصَٰرَىٰۗ تِلۡكَ أَمَانِيُّهُمۡۗ قُلۡ هَاتُواْ بُرۡهَٰنَكُمۡ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
111. Waxay (Yuhuudda iyo Nasaarada) yidhaahdaan: Qofna ma galo Jannada aan aheyn mid ah Yuhuud ama Nasaaro. taasi waa hididdiiladooda maran23. Dheh: Keena caddayntiinna haddaad run sheegaysaan.
23. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Qofkii fala camal cibaado ah aan waafaqsaneyn amarkayaga (amarka Nabiga) lagama aqbalayo.” W.w. Al-Bukhaari.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
بَلَىٰۚ مَنۡ أَسۡلَمَ وَجۡهَهُۥ لِلَّهِ وَهُوَ مُحۡسِنٞ فَلَهُۥٓ أَجۡرُهُۥ عِندَ رَبِّهِۦ وَلَا خَوۡفٌ عَلَيۡهِمۡ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ
112. Haayoo! Qofkii isu dhiiba isagoo wada dhan Alle oo isagu sama fale ah (raaca dowga Nabi Muxammad s.c.w.), wuxuu ka heleyaa abaalgudkiisa (ah Janno) xagga Rabbigiis, mana ahaaneyso cabsi dushooda (xagga waxa soo socda ee arrinka Aakhirada) mana ka murugoodaan (waxa ku seega adduunka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-በቀራህ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት