Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-በቀራህ   አንቀጽ:
قُلۡنَا ٱهۡبِطُواْ مِنۡهَا جَمِيعٗاۖ فَإِمَّا يَأۡتِيَنَّكُم مِّنِّي هُدٗى فَمَن تَبِعَ هُدَايَ فَلَا خَوۡفٌ عَلَيۡهِمۡ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ
38. Waxaanu nidhi: Ka dega xaggeeda (Jannada) dhammaantiin, markuu Xaggayga idiinka yimaado hanuun, qofkii raaca Hanuunkayga, cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَكَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَآ أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ
39. Kuwase gaalooba oo beeniya Aayadahayaga, waa iyaga ehlu-Naarka, gudaheeday ku dhex waari weligood.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰبَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ ٱذۡكُرُواْ نِعۡمَتِيَ ٱلَّتِيٓ أَنۡعَمۡتُ عَلَيۡكُمۡ وَأَوۡفُواْ بِعَهۡدِيٓ أُوفِ بِعَهۡدِكُمۡ وَإِيَّٰيَ فَٱرۡهَبُونِ
40. Ilmahii Israa’iilow! Xusuusta Nicmaddayda aan idiinku nicmeeyey, oo oofiya ballanteyda (idin saaran, ee ah inaad rumeysaan Nabi Muxammad), waxaan oofin ballantaan idinka qaaday (oo ah inaan markaas idinku abaalmariyo janno), Anigoo Keliyana iga cabsada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَءَامِنُواْ بِمَآ أَنزَلۡتُ مُصَدِّقٗا لِّمَا مَعَكُمۡ وَلَا تَكُونُوٓاْ أَوَّلَ كَافِرِۭ بِهِۦۖ وَلَا تَشۡتَرُواْ بِـَٔايَٰتِي ثَمَنٗا قَلِيلٗا وَإِيَّٰيَ فَٱتَّقُونِ
41. Rumeeyana waxaan soo dejiyey (Qur’aanka) xaqiijinaya waxaad haysataan (Towraadda iyo Injiilka), oo ha noqonnina kuwa u horreeya ee ku gaalooba (Qur’aanka iyo Nabi Muxammad), hana siisannina Aayadahayga (ku cad Kutubtiinna ee ka hadlaya imaanshaha Nabi Muxammad) qiimo yar (si aad u qarisaan), Anigoo Keliyana iga cabsada (oo iska jira xumaha).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا تَلۡبِسُواْ ٱلۡحَقَّ بِٱلۡبَٰطِلِ وَتَكۡتُمُواْ ٱلۡحَقَّ وَأَنتُمۡ تَعۡلَمُونَ
42. Hana ku dheehina Xaqa waxaan jirin oo been ah,oo ha qarinnina Xaqa (imaanshaha Nabi Muxammad ee ku qoran Kutubtiinna Towraadda iyo Injiilka) idinkoo ogsoon.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتُواْ ٱلزَّكَوٰةَ وَٱرۡكَعُواْ مَعَ ٱلرَّٰكِعِينَ
43. Ooga salaadda, bixiyana Sakada, lana rukuuca jamaca Rukuucayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ أَتَأۡمُرُونَ ٱلنَّاسَ بِٱلۡبِرِّ وَتَنسَوۡنَ أَنفُسَكُمۡ وَأَنتُمۡ تَتۡلُونَ ٱلۡكِتَٰبَۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ
44. Ma waxaad amraysaan samaan dadka oo hilmaameysaan nafahiinna11 idinkoo akhriya Kitaabka? Miyeydaan wax fahmin?
11. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Waxaa Maalinta Qiyaame la keeni nin oo lagu tuuri Naarta, markaasuu wuxuu ku dhex wareegaaleysan ehlu Naarka sida dameerka ugu wareegsado shiidkiisa, markaasay isugu soo ururi ehlu Naarka oo weydiin: Hebelow, ma waadan fari jirin samaanta oo reebi jirin xumaanta, markaasuu wuxuu odhan: Waxaan fari jirey samaanta mana fali jirin oo reebi jirey xumaanta anigaana fali jirey.”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱسۡتَعِينُواْ بِٱلصَّبۡرِ وَٱلصَّلَوٰةِۚ وَإِنَّهَا لَكَبِيرَةٌ إِلَّا عَلَى ٱلۡخَٰشِعِينَ
45. Kaalmaystana Sabarka iyo salaaddda, wayna ku weyn tahay (culus tahay salaadda) kuwa 'ku' khushuuca 'salaadda' mooyee.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِينَ يَظُنُّونَ أَنَّهُم مُّلَٰقُواْ رَبِّهِمۡ وَأَنَّهُمۡ إِلَيۡهِ رَٰجِعُونَ
46. Kuwa huba inay la kulmi Rabbigood, iyo inay Xaggiisa u soo laaban (Qiyaamada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰبَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ ٱذۡكُرُواْ نِعۡمَتِيَ ٱلَّتِيٓ أَنۡعَمۡتُ عَلَيۡكُمۡ وَأَنِّي فَضَّلۡتُكُمۡ عَلَى ٱلۡعَٰلَمِينَ
47. Ilmahii Israa’iilow! Xusuusta Nicmad- deyda aan idiinku nicmeeyey, iyo inaan idinka doortay dadkii (waqtigiinna Anigoo idiin soo diray Rusul oo idinku soo dejiyey Kutub oo idinka yeelay boqorro).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱتَّقُواْ يَوۡمٗا لَّا تَجۡزِي نَفۡسٌ عَن نَّفۡسٖ شَيۡـٔٗا وَلَا يُقۡبَلُ مِنۡهَا شَفَٰعَةٞ وَلَا يُؤۡخَذُ مِنۡهَا عَدۡلٞ وَلَا هُمۡ يُنصَرُونَ
48. Iska jirana Maalin marka aysan nafi wax u tareyn naf kale, oo aan laga aqbaleyn shafeeco, lagana qaadanayn madax furasho, loona gargaareyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-በቀራህ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት