Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-በቀራህ   አንቀጽ:
وَقَالُواْ كُونُواْ هُودًا أَوۡ نَصَٰرَىٰ تَهۡتَدُواْۗ قُلۡ بَلۡ مِلَّةَ إِبۡرَٰهِـۧمَ حَنِيفٗاۖ وَمَا كَانَ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
135. Waxay (gaaladu) yidhaahdeen: Noqda Yuhuud ama Nasaaro, waad hanuuni. Dheh: Mayee, (waxaanu raaceynaa) diintii Ibraahiim (Islaamka), toosnahii, kamana aanu mid aheyn mushrikiinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُولُوٓاْ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ وَمَآ أُنزِلَ إِلَيۡنَا وَمَآ أُنزِلَ إِلَىٰٓ إِبۡرَٰهِـۧمَ وَإِسۡمَٰعِيلَ وَإِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَ وَٱلۡأَسۡبَاطِ وَمَآ أُوتِيَ مُوسَىٰ وَعِيسَىٰ وَمَآ أُوتِيَ ٱلنَّبِيُّونَ مِن رَّبِّهِمۡ لَا نُفَرِّقُ بَيۡنَ أَحَدٖ مِّنۡهُمۡ وَنَحۡنُ لَهُۥ مُسۡلِمُونَ
136. Dhaha: Waxaanu rumeynay Alle iyo waxa nalagu soo dejiyey oo Waxyi ah iyo wixii lagu soo dejiyey Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo Nabiyadii firkiisa ahaa, iyo wixii la siiyey Muuse iyo Ciise, iyo wixii laga siiyey Nabiyada xagga Rabbigood. Mana kala sooceyno axad ka mid ah (Rususha), oo (Alle) baan u hoggaansannahay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَإِنۡ ءَامَنُواْ بِمِثۡلِ مَآ ءَامَنتُم بِهِۦ فَقَدِ ٱهۡتَدَواْۖ وَّإِن تَوَلَّوۡاْ فَإِنَّمَا هُمۡ فِي شِقَاقٖۖ فَسَيَكۡفِيكَهُمُ ٱللَّهُۚ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
137. Hadday rumeeyaan waxaad rumeysan tihiin oo kale, waa kuwo hanuunsan, haddiise ay jeestaan waxay uun ku sugan yihiiin gaalnimo iyo khilaaf. Alle baana kaaga filnaan doona. Waana Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
صِبۡغَةَ ٱللَّهِ وَمَنۡ أَحۡسَنُ مِنَ ٱللَّهِ صِبۡغَةٗۖ وَنَحۡنُ لَهُۥ عَٰبِدُونَ
138. Qaata Aslidda (diinta) Alle, yaana ka wanaagsan Alle aslid (diin) ahaan. Isagoo (Keliya) baanu caabudnaa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ أَتُحَآجُّونَنَا فِي ٱللَّهِ وَهُوَ رَبُّنَا وَرَبُّكُمۡ وَلَنَآ أَعۡمَٰلُنَا وَلَكُمۡ أَعۡمَٰلُكُمۡ وَنَحۡنُ لَهُۥ مُخۡلِصُونَ
139. Dheh: Ma waxaad nagala doodeysaan arrinka Alle Isagoo ah Rabbigayo iyo Rabbigiin? Waxaanu leennahay acmaashayada, idinkuna waxaad leedihiin acmaashiinna. Innaguna Isagaan daacad u nahay oo u Keli yeelnaa cibaadada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ تَقُولُونَ إِنَّ إِبۡرَٰهِـۧمَ وَإِسۡمَٰعِيلَ وَإِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَ وَٱلۡأَسۡبَاطَ كَانُواْ هُودًا أَوۡ نَصَٰرَىٰۗ قُلۡ ءَأَنتُمۡ أَعۡلَمُ أَمِ ٱللَّهُۗ وَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّن كَتَمَ شَهَٰدَةً عِندَهُۥ مِنَ ٱللَّهِۗ وَمَا ٱللَّهُ بِغَٰفِلٍ عَمَّا تَعۡمَلُونَ
140. Mise waxaad leedihiin in Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo Nabiyadii ahaa firkiisa ahaayeen Yuhuud ama Nasaaro? Dheh: Ma idinkaa ogsoon mise Alle? Yaa ka dulmi badan kan qariya marag uu ka heysto xagga Alle? Allena ma mooga waxaad fashaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
تِلۡكَ أُمَّةٞ قَدۡ خَلَتۡۖ لَهَا مَا كَسَبَتۡ وَلَكُم مَّا كَسَبۡتُمۡۖ وَلَا تُسۡـَٔلُونَ عَمَّا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
141. Taasi waa ummad tagtay. Waxay leedahay (abaalka) waxay kasabtay, idinkuna waxaad leedihiin waxaad kasbataan. Mana la idin weydiinayo inaad ka jawaab bixisaan waxay camal falayeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-በቀራህ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት