Check out the new design

വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് * - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: ബഖറഃ   ആയത്ത്:
ٱلَّذِينَ ءَاتَيۡنَٰهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ يَعۡرِفُونَهُۥ كَمَا يَعۡرِفُونَ أَبۡنَآءَهُمۡۖ وَإِنَّ فَرِيقٗا مِّنۡهُمۡ لَيَكۡتُمُونَ ٱلۡحَقَّ وَهُمۡ يَعۡلَمُونَ
146. Kuwa aanu siinnay Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waxay u gartaaan (Nabi Muxammad ee ku yaal Kutubtooda) siday u gartaan wiilashooda oo kale. Koox ka mid ahna waxay qariyaan Xaqa (arrinka Qiblada, tilmaamaha Nabiga, iwm) iyagoo ogsoon.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّكَ فَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمُمۡتَرِينَ
147. Xaqu wuxuu ka yimid Rabbigaa. Ee ha ka mid noqon shaki qabayaasha.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
وَلِكُلّٖ وِجۡهَةٌ هُوَ مُوَلِّيهَاۖ فَٱسۡتَبِقُواْ ٱلۡخَيۡرَٰتِۚ أَيۡنَ مَا تَكُونُواْ يَأۡتِ بِكُمُ ٱللَّهُ جَمِيعًاۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ
148. Mid walba wuxuu leeyahay jiho uu u jeesto (iyo hadaf uu higsado) uu Alle u jeediyey. Ee u tartama sama falka. Meel kastoo aad joogtaan, Alle wuu idin wada keeni idinkoo dhan. Hubaal Alle wax walba wuu Karaa.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
وَمِنۡ حَيۡثُ خَرَجۡتَ فَوَلِّ وَجۡهَكَ شَطۡرَ ٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِۖ وَإِنَّهُۥ لَلۡحَقُّ مِن رَّبِّكَۗ وَمَا ٱللَّهُ بِغَٰفِلٍ عَمَّا تَعۡمَلُونَ
149. Meel kastoo aad u baxdo (si aad u tukato) u jeedi wejigaaga xagga Masjidka xurmadda gaarka ah lihi (Kacbada); oo hubaal waa Xaq kaaga yimid xagga Rabbigaa, Alle ma mooga waxaad fashaan.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
وَمِنۡ حَيۡثُ خَرَجۡتَ فَوَلِّ وَجۡهَكَ شَطۡرَ ٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِۚ وَحَيۡثُ مَا كُنتُمۡ فَوَلُّواْ وُجُوهَكُمۡ شَطۡرَهُۥ لِئَلَّا يَكُونَ لِلنَّاسِ عَلَيۡكُمۡ حُجَّةٌ إِلَّا ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ مِنۡهُمۡ فَلَا تَخۡشَوۡهُمۡ وَٱخۡشَوۡنِي وَلِأُتِمَّ نِعۡمَتِي عَلَيۡكُمۡ وَلَعَلَّكُمۡ تَهۡتَدُونَ
150. Meel kastoo aad u baxdana (si aad u tukato) u jeedi wejigaaga jihada Masjidka Xurmadda gaarka ah lihi (Kacbada), meel kastoo aad joogtaanna u jeediya wejiyadiinna jihadiisa (markaad tukanaysaan) si aanay dadku idiinku helin wax xujo ah kuwa ka midka ah ee gar diidka ah mooyee, ee ha ka baqina, ee Aniga iga Baqa (Alle Keliya), si aan idiinku dhammeystiro Nicmaddayda korkiinna, iyo si aad u hanuuntaan.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
كَمَآ أَرۡسَلۡنَا فِيكُمۡ رَسُولٗا مِّنكُمۡ يَتۡلُواْ عَلَيۡكُمۡ ءَايَٰتِنَا وَيُزَكِّيكُمۡ وَيُعَلِّمُكُمُ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡحِكۡمَةَ وَيُعَلِّمُكُم مَّا لَمۡ تَكُونُواْ تَعۡلَمُونَ
151. Waliba sidaan u soo dirnay dhexdiinna Rasuul idinka mid ah oo idiin akhriya Aayadahayaga oo idin daahiriya, oo idin bara Kitaabka iyo Xikmadda, oo idin bara wax aydaan horey u aqoon.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
فَٱذۡكُرُونِيٓ أَذۡكُرۡكُمۡ وَٱشۡكُرُواْ لِي وَلَا تَكۡفُرُونِ
152. Ee i xusa aan idin Xusee29, oo ii mahad naqa hana iga abaal dhicina30.
29. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: Haddaad keli igu xusto, waxaan kugu xusi si keli ah Nafteyda, haddaad I xusto adigoo dad la joogana waxaan kugu xusi kulan ka khayr badan kiinna.”
30. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Alle wuxuu jecel yahay inay nicmadda raadkeeda ka muuqato addoomahiisa.”
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱسۡتَعِينُواْ بِٱلصَّبۡرِ وَٱلصَّلَوٰةِۚ إِنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلصَّٰبِرِينَ
153. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Kaalmaysta samirka iyo salaadda. Hubaal! Alle wuxuu la jiraa kuwa samirka badan.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
 
പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: ബഖറഃ
സൂറത്തുകളുടെ സൂചിക പേജ് നമ്പർ
 
വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

വിവർത്തനം ചെയ്യുന്നത് അബ്ദുല്ല ഹസ്സൻ യാക്കൂബ്.

അടക്കുക