Check out the new design

Traducción de los significados del Sagrado Corán - Traducción Somalí - Abdullah Hassan Yaqub * - Índice de traducciones

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Traducción de significados Capítulo: Al-Baqara   Versículo:
قُلۡ إِن كَانَتۡ لَكُمُ ٱلدَّارُ ٱلۡأٓخِرَةُ عِندَ ٱللَّهِ خَالِصَةٗ مِّن دُونِ ٱلنَّاسِ فَتَمَنَّوُاْ ٱلۡمَوۡتَ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
94. Dheh: Hadday daarta Aakhiro Alle agti ah ay tahay mid idiin gaar ah oo ayan wax ku laheyn cid kale oo dadka ka mid ah, janta dhimasho haddaad run sheegaysaan.
Las Exégesis Árabes:
وَلَن يَتَمَنَّوۡهُ أَبَدَۢا بِمَا قَدَّمَتۡ أَيۡدِيهِمۡۚ وَٱللَّهُ عَلِيمُۢ بِٱلظَّٰلِمِينَ
95. Mase jamanayaan waligood, waxay geysteen gacmahoodu awgii (oo denbiyo ah). Alle wuu og yahay daalimiinta.
Las Exégesis Árabes:
وَلَتَجِدَنَّهُمۡ أَحۡرَصَ ٱلنَّاسِ عَلَىٰ حَيَوٰةٖ وَمِنَ ٱلَّذِينَ أَشۡرَكُواْۚ يَوَدُّ أَحَدُهُمۡ لَوۡ يُعَمَّرُ أَلۡفَ سَنَةٖ وَمَا هُوَ بِمُزَحۡزِحِهِۦ مِنَ ٱلۡعَذَابِ أَن يُعَمَّرَۗ وَٱللَّهُ بَصِيرُۢ بِمَا يَعۡمَلُونَ
96. Waxaad heli inay yihiin (Yuhuudda) kuwa dadka ugu dadaal badan noolaansho, (waxay ka sii dadaal badan yihiin) weliba kuwa ah mushrikiinta. Midkood walbaa oo ka mid ah wuxuu jecel yahay in la siiyo cimri dherer gaara kun sano. Cimri dhererna kama fogeeyo in yarna ha ahaatee cadaabka uu mudan yahay. Alle wuu arkaa waxay falayaan.
Las Exégesis Árabes:
قُلۡ مَن كَانَ عَدُوّٗا لِّـجِبۡرِيلَ فَإِنَّهُۥ نَزَّلَهُۥ عَلَىٰ قَلۡبِكَ بِإِذۡنِ ٱللَّهِ مُصَدِّقٗا لِّمَا بَيۡنَ يَدَيۡهِ وَهُدٗى وَبُشۡرَىٰ لِلۡمُؤۡمِنِينَ
97. Dheh: Qofkii u ah cadow Jabriil – hubaal wuxuu ugu soo dejiyey (Qur’aanka) qalbigaaga Idanka Alle, isagoo rumeyn wixii ka horreeyey (oo Kutub Alle ah), waana u hanuun iyo bishaaro mu’miniinta.
Las Exégesis Árabes:
مَن كَانَ عَدُوّٗا لِّلَّهِ وَمَلَٰٓئِكَتِهِۦ وَرُسُلِهِۦ وَجِبۡرِيلَ وَمِيكَىٰلَ فَإِنَّ ٱللَّهَ عَدُوّٞ لِّلۡكَٰفِرِينَ
98. Qofkii cadow u ah Allaah, Malaa’igtiisa Rusushiisa, Jabriil iyo Miikaal, hubaal Alle waa u cadow gaalada.
Las Exégesis Árabes:
وَلَقَدۡ أَنزَلۡنَآ إِلَيۡكَ ءَايَٰتِۭ بَيِّنَٰتٖۖ وَمَا يَكۡفُرُ بِهَآ إِلَّا ٱلۡفَٰسِقُونَ
99. Waxaanu dhab ahaan kugu soo dejinnay (Nabi Muxammadow) Aayado cad, mana beeniyaan waxaan aheyn caasiyaasha (madaxa adag).
Las Exégesis Árabes:
أَوَكُلَّمَا عَٰهَدُواْ عَهۡدٗا نَّبَذَهُۥ فَرِيقٞ مِّنۡهُمۚ بَلۡ أَكۡثَرُهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ
100. Mar kasta oo ay ballan galaan (ah inay rumeeyaan Nabigii la soo diro oo ayan hiil siin mushrikiinta), waxaa ka baxa koox ka mid ah? Mayee, badankoodu (Yuhuuddu) maba ay rumeysna (diinta ay sheegan).
Las Exégesis Árabes:
وَلَمَّا جَآءَهُمۡ رَسُولٞ مِّنۡ عِندِ ٱللَّهِ مُصَدِّقٞ لِّمَا مَعَهُمۡ نَبَذَ فَرِيقٞ مِّنَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ كِتَٰبَ ٱللَّهِ وَرَآءَ ظُهُورِهِمۡ كَأَنَّهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ
101. Markuu halkaa ugu yimid Rasuul ka yimid xagga Alle (Nabi Muxammad) oo rumeyn waxay haystaan (ee ah Towraadda), ayaa koox ka mid ahi kuwii la siiyey Kitaabka (Yuhuudda) ka tuureen Kitaabka Alle (Towraadda) dhabarradooda gadaashood, sidii oo ayna garaneyn.
Las Exégesis Árabes:
 
Traducción de significados Capítulo: Al-Baqara
Índice de Capítulos Número de página
 
Traducción de los significados del Sagrado Corán - Traducción Somalí - Abdullah Hassan Yaqub - Índice de traducciones

Traducida por Abdullah Hassan Yaqub.

Cerrar