Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አስ ሰጅደህ   አንቀጽ:

As-sajdah

الٓمٓ
1. Alif laam-miim1.
1. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2: Aayadda 1.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
تَنزِيلُ ٱلۡكِتَٰبِ لَا رَيۡبَ فِيهِ مِن رَّبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
2. Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka), shaki kuma jiro, waa xagga Rabbiga uumanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ يَقُولُونَ ٱفۡتَرَىٰهُۚ بَلۡ هُوَ ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّكَ لِتُنذِرَ قَوۡمٗا مَّآ أَتَىٰهُم مِّن نَّذِيرٖ مِّن قَبۡلِكَ لَعَلَّهُمۡ يَهۡتَدُونَ
3. Mise waxay leeyihiin waa uu been abuurtay? Mayee! Waa Xaq ka yimid Rabbigaa, si aad ugu digtid qolo aanu dige u iman hortaa adiga (Nabi Muxammadow) si ay u hanuunaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱللَّهُ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَا فِي سِتَّةِ أَيَّامٖ ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰ عَلَى ٱلۡعَرۡشِۖ مَا لَكُم مِّن دُونِهِۦ مِن وَلِيّٖ وَلَا شَفِيعٍۚ أَفَلَا تَتَذَكَّرُونَ
4. Alle waa Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya lix Maalmood, markaas dul ahaaday Carshiga2. Ma lihidin Alle sokadi wax gargaare ah ama Shafeece. Ee miyeydaan waansameyn?
2. Istawaa waa ka kor ahaansho Carshiga, waana tilmaan waajib ah in la rumeeyo si ku habboon Weynida iyo Heybadda Alle iyo Awooddiisa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يُدَبِّرُ ٱلۡأَمۡرَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ إِلَى ٱلۡأَرۡضِ ثُمَّ يَعۡرُجُ إِلَيۡهِ فِي يَوۡمٖ كَانَ مِقۡدَارُهُۥٓ أَلۡفَ سَنَةٖ مِّمَّا تَعُدُّونَ
5. Wuxuu (Alle) agaasimaa arrinka ka jira samada ilaa arlada, markaasuu arrinka Xaggiisa kor u aadaa Maalin qaddarkeedu yahay kun sano waxaad tirsataan ah3.
3. Waa arrinka ay soo qaadaan malaa’igta. Aayaddan waxay muujineysaa awoodda Alle iyo Weynidiisa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ذَٰلِكَ عَٰلِمُ ٱلۡغَيۡبِ وَٱلشَّهَٰدَةِ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
6. Kaasi waa Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqda, Adkaadaha Sare, Naxariis Badnaha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِيٓ أَحۡسَنَ كُلَّ شَيۡءٍ خَلَقَهُۥۖ وَبَدَأَ خَلۡقَ ٱلۡإِنسَٰنِ مِن طِينٖ
7. Ee ah Kan u dhammeystiray wanaag wax kastuu abuuray, oo ka billaabay abuurista aadmiga dhoobo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ جَعَلَ نَسۡلَهُۥ مِن سُلَٰلَةٖ مِّن مَّآءٖ مَّهِينٖ
8. Markaas ka dhigay tarankiisa miir biyo la liidsado.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ سَوَّىٰهُ وَنَفَخَ فِيهِ مِن رُّوحِهِۦۖ وَجَعَلَ لَكُمُ ٱلسَّمۡعَ وَٱلۡأَبۡصَٰرَ وَٱلۡأَفۡـِٔدَةَۚ قَلِيلٗا مَّا تَشۡكُرُونَ
9. Markaas ka yeelay mid dhan oo ku afuufay wax ka mid ah Ruuxdiisa (uu u abuuray), oo idiin yeelay maqalka iyo aragga iyo kasha, wax yar baadse mahdisaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالُوٓاْ أَءِذَا ضَلَلۡنَا فِي ٱلۡأَرۡضِ أَءِنَّا لَفِي خَلۡقٖ جَدِيدِۭۚ بَلۡ هُم بِلِقَآءِ رَبِّهِمۡ كَٰفِرُونَ
10. Waxay (gaaladu) yidhahdaan: Ma markaan (dhiminno oo noqonno) kuwa ku baabba’a dhulka, miyaa noqon abuur cusub? Mayee’ waxayan rumeysneyn la Kulanka Rabbigood (ee Aakhirada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ قُلۡ يَتَوَفَّىٰكُم مَّلَكُ ٱلۡمَوۡتِ ٱلَّذِي وُكِّلَ بِكُمۡ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّكُمۡ تُرۡجَعُونَ
11. Dheh: Waxaa idin oofsan Malakul mowd la idiin xil saaray, markaasaa xagga Rabbigiin la idin soo celin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አስ ሰጅደህ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት