Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አስ ሰጅደህ   አንቀጽ:
وَلَوۡ تَرَىٰٓ إِذِ ٱلۡمُجۡرِمُونَ نَاكِسُواْ رُءُوسِهِمۡ عِندَ رَبِّهِمۡ رَبَّنَآ أَبۡصَرۡنَا وَسَمِعۡنَا فَٱرۡجِعۡنَا نَعۡمَلۡ صَٰلِحًا إِنَّا مُوقِنُونَ
12. Haddaad arki lahayd markay denbiila- yaashu hoos u rogi madaxyadooda Rabbigood horti (iyagoo leh): Rabbigayow! Waan aragnay (Xaqa aan beenineynay) oo maqallay (rumeyntaada waxay Rusushu la yimaadeen), ee dib noogu celi (adduunka), waxaanu fali camal san, haatan waanu yaqiinsannaye.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَوۡ شِئۡنَا لَأٓتَيۡنَا كُلَّ نَفۡسٍ هُدَىٰهَا وَلَٰكِنۡ حَقَّ ٱلۡقَوۡلُ مِنِّي لَأَمۡلَأَنَّ جَهَنَّمَ مِنَ ٱلۡجِنَّةِ وَٱلنَّاسِ أَجۡمَعِينَ
13. Haddaan doonno waxaan siin laheyn naf walba hanuunkeeda, Qawl xaq ah baase horay iiga dhacay inaan ka buuxin Jahannama jinka iyo insiga (igu caasiya) dhammaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَذُوقُواْ بِمَا نَسِيتُمۡ لِقَآءَ يَوۡمِكُمۡ هَٰذَآ إِنَّا نَسِينَٰكُمۡۖ وَذُوقُواْ عَذَابَ ٱلۡخُلۡدِ بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
14. Ee dhadhamiya, waayo waxaad illowdeen (dan u geli weydeen) la Kulanka Maalintiinnaan (Qiyaame), Annaguna waanu idin illoowi (oo idiinka tageynaa Naarta), dhadhamiya cadaabka waaridda camalkiinnii xumaa dartiis.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّمَا يُؤۡمِنُ بِـَٔايَٰتِنَا ٱلَّذِينَ إِذَا ذُكِّرُواْ بِهَا خَرُّواْۤ سُجَّدٗاۤ وَسَبَّحُواْ بِحَمۡدِ رَبِّهِمۡ وَهُمۡ لَا يَسۡتَكۡبِرُونَ۩
15. Sideedaba waxaa rumeysan Aayada- hayaga kuwa marka lagu waaniyo, la dhaca sujuud4 oo ku tasbiixsada Ammaanaha Rabbigood, oo aan iyagu is kibrinin.
4. Waxay u sujuudaan Alle si khushuuc leh. Waxaa sunno ah in lala yimaado sujuud tilaawa halkan hadduu qofku akhriyo ama maqlo Aayaddan oo kale.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
تَتَجَافَىٰ جُنُوبُهُمۡ عَنِ ٱلۡمَضَاجِعِ يَدۡعُونَ رَبَّهُمۡ خَوۡفٗا وَطَمَعٗا وَمِمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡ يُنفِقُونَ
16. Waxay ka dheeraadaan dhinacyadoodu gogollada jiifka, baryaan Rabbigood si cabsi leh iyo Rajaba, waxaanu siinnayna wax ka bixiyaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَا تَعۡلَمُ نَفۡسٞ مَّآ أُخۡفِيَ لَهُم مِّن قُرَّةِ أَعۡيُنٖ جَزَآءَۢ بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
17. Ma oga nafi waxa loo qariyey (Jannada dhexdeeda) oo ay indho ku qabowsadaan, abaal marin awgeed waxay camal san falayeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَمَن كَانَ مُؤۡمِنٗا كَمَن كَانَ فَاسِقٗاۚ لَّا يَسۡتَوُۥنَ
18. Ma mid mu'min ah baa la mid ah mid caasi ah? Ma ay sinna.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ فَلَهُمۡ جَنَّٰتُ ٱلۡمَأۡوَىٰ نُزُلَۢا بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
19. Kuwa (Xaqa) rumeeyey ee fala samaha, Beeraha barwaaqada ah (Jannada) waa hoygooda daa’inka ah, marti soor ahaan waxay camal san falayeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَمَّا ٱلَّذِينَ فَسَقُواْ فَمَأۡوَىٰهُمُ ٱلنَّارُۖ كُلَّمَآ أَرَادُوٓاْ أَن يَخۡرُجُواْ مِنۡهَآ أُعِيدُواْ فِيهَا وَقِيلَ لَهُمۡ ذُوقُواْ عَذَابَ ٱلنَّارِ ٱلَّذِي كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ
20. Kuwase caasiyooba, hoygoodu waa Naar, markastoo ay doonaan inay ka soo baxaan waa lagu celin, waxaana lagu odhan: Dhadhamiya cadaabka Naarta aad beenin jirteen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አስ ሰጅደህ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት