Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሷድ   አንቀጽ:
ٱصۡبِرۡ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَٱذۡكُرۡ عَبۡدَنَا دَاوُۥدَ ذَا ٱلۡأَيۡدِۖ إِنَّهُۥٓ أَوَّابٌ
17. U samir (adkeyso) waxay leeyihiin, xusuusona addoonkayaga Daawuud, ee xoogga iyo kartida lahaa. Wuxuu ahaa mid (Alle) u soo noqda, tawbad keen badan .
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّا سَخَّرۡنَا ٱلۡجِبَالَ مَعَهُۥ يُسَبِّحۡنَ بِٱلۡعَشِيِّ وَٱلۡإِشۡرَاقِ
18. Waxaanu u sakhirnay buuraha inay kula tasbiixsadaan (Alle) ammaan iyo mahdin galab dhaca iyo qorrax soo baxaba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلطَّيۡرَ مَحۡشُورَةٗۖ كُلّٞ لَّهُۥٓ أَوَّابٞ
19. Iyo shimbiraha la soo kulunshay wada jir, dhammaan la qaadaan 'Alle' ammaanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَشَدَدۡنَا مُلۡكَهُۥ وَءَاتَيۡنَٰهُ ٱلۡحِكۡمَةَ وَفَصۡلَ ٱلۡخِطَابِ
20. Waana adkaynay boqortooyadiisa, Waxaanuna siinnay Xikmad (Nabinnimo) iyo garsoor wanaagsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ وَهَلۡ أَتَىٰكَ نَبَؤُاْ ٱلۡخَصۡمِ إِذۡ تَسَوَّرُواْ ٱلۡمِحۡرَابَ
21.Ma ku soo gaaray warka dood qabayaa- shii, markay Mixraabka ugu soo dhaceen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ دَخَلُواْ عَلَىٰ دَاوُۥدَ فَفَزِعَ مِنۡهُمۡۖ قَالُواْ لَا تَخَفۡۖ خَصۡمَانِ بَغَىٰ بَعۡضُنَا عَلَىٰ بَعۡضٖ فَٱحۡكُم بَيۡنَنَا بِٱلۡحَقِّ وَلَا تُشۡطِطۡ وَٱهۡدِنَآ إِلَىٰ سَوَآءِ ٱلصِّرَٰطِ
22. U soo galeen Daawuud, markaasuu (is)ku naxay; waxay yidhaahdeen: Ha cabsan! (waxaanu nahay) labo dood qabta, uu midkayo ku gardarrooday midka kale, sidaa darteed noogu kala garsoor si caddaalad ah, iskana jir gar eexo, oo nagu hanuuni jidka toosan (xaqa).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ هَٰذَآ أَخِي لَهُۥ تِسۡعٞ وَتِسۡعُونَ نَعۡجَةٗ وَلِيَ نَعۡجَةٞ وَٰحِدَةٞ فَقَالَ أَكۡفِلۡنِيهَا وَعَزَّنِي فِي ٱلۡخِطَابِ
23. Kani waa walaalkay; wuxuu leeyahay sagaal iyo sagaashan ido ah, halkaan anigu leeyahay lax keliya. Wuxuuna yidhi: i sii iyadana, waana iga dood adkaaday.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ لَقَدۡ ظَلَمَكَ بِسُؤَالِ نَعۡجَتِكَ إِلَىٰ نِعَاجِهِۦۖ وَإِنَّ كَثِيرٗا مِّنَ ٱلۡخُلَطَآءِ لَيَبۡغِي بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٍ إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَقَلِيلٞ مَّا هُمۡۗ وَظَنَّ دَاوُۥدُ أَنَّمَا فَتَنَّٰهُ فَٱسۡتَغۡفَرَ رَبَّهُۥ وَخَرَّۤ رَاكِعٗاۤ وَأَنَابَ۩
24. (Daawuud) wuxuu yidhi: Waa uu kugu dulmiyey ku weydiisigiisa laxdaada si uu ugu darsado idahiisa. In badanna oo kuwa wax isku darsada ahi way isku xadgudbaan qaarkoodba qaarka kale, kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala mooyee, aad bayna u yar yihiin kuwaasu. Wuxuu Daawuud gartay inaan imtixaannay, markaasuu ka dalbay Denbi Dhaaf Rabbigi oo la dhacay rukuuc (sujuud), una soo noqday (Alle)8 isagoo tawbad keen ah.
8. Hadday ka dhaceen wax khalad ah xagga u kala garsoorka dadka, iwm.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَغَفَرۡنَا لَهُۥ ذَٰلِكَۖ وَإِنَّ لَهُۥ عِندَنَا لَزُلۡفَىٰ وَحُسۡنَ مَـَٔابٖ
25.Markaasaan u denbi dhaafnay, wuxuuna Agtayada ku leeyahay dhowaansho iyo meel noqod wanaagsan (Aakhirada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰدَاوُۥدُ إِنَّا جَعَلۡنَٰكَ خَلِيفَةٗ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَٱحۡكُم بَيۡنَ ٱلنَّاسِ بِٱلۡحَقِّ وَلَا تَتَّبِعِ ٱلۡهَوَىٰ فَيُضِلَّكَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱلَّذِينَ يَضِلُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ لَهُمۡ عَذَابٞ شَدِيدُۢ بِمَا نَسُواْ يَوۡمَ ٱلۡحِسَابِ
26. Daawuudow! Waxaan kaaga dhignay taliye dhulka, ee ku kala xukun dadka si xaq ah, hana raacin hawadaada - si ayan kaaga lumin Jidka Alle (Islaamka). Kuwa ka luma Jidka Alle waxay leeyihiin cadaab daran, illowgooda Maalinta Xisaabta (Qiyaamada) darteed.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሷድ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት