የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ አስ ሷፋት   አንቀጽ:

Suurada As-saafaat

وَٱلصَّٰٓفَّٰتِ صَفّٗا
1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay (malaa’igta) safta safafka siman (markay tukanayaan).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱلزَّٰجِرَٰتِ زَجۡرٗا
2. Iyo (malaa’igta) soo kaxeeya (daruuraha) soo kaxeyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱلتَّٰلِيَٰتِ ذِكۡرًا
3. Iyo (malaa’igta) akhriya (Qur’aanka) 1.
1. Alle s.w.t. wuxuu ku dhaartay malaa’igtaa, wuxuuna ku dhaartay xaqiiqda lagu xusay Aayadda xigta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ إِلَٰهَكُمۡ لَوَٰحِدٞ
4.Hubaal Ilaahiinnu (Runta ahi) waa Mid keliya (Allaah).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
رَّبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَا وَرَبُّ ٱلۡمَشَٰرِقِ
5. Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, iyo Rabbiga bariyada2.
2. Xagal kasta ama meelaha ay ka soo baxdo qorraxda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّا زَيَّنَّا ٱلسَّمَآءَ ٱلدُّنۡيَا بِزِينَةٍ ٱلۡكَوَاكِبِ
6. Waxaanu ku qurxinnay samada soke qurux xiddigaha ah3.
3. Xiddigaha waxaa loo abuuray seddex waxyaalood: in lagu gano shayaadiinta, in lagu tilmaan qaato oo lagu garto jihooyinka iyo qurux ahaan samada soke.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَحِفۡظٗا مِّن كُلِّ شَيۡطَٰنٖ مَّارِدٖ
7. Iyo ka ilaalin shaydaan walboo fallaago ah ee Naxariis (Alle) laga fogeeyey.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَّا يَسَّمَّعُونَ إِلَى ٱلۡمَلَإِ ٱلۡأَعۡلَىٰ وَيُقۡذَفُونَ مِن كُلِّ جَانِبٖ
8. Ma dhegaysan karaan (shayaadiinta) kulanka sare (ee malaa’igta samada) waxaana laga soo ganaa dhan kasta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
دُحُورٗاۖ وَلَهُمۡ عَذَابٞ وَاصِبٌ
9. Iyagoo (Shayaadiintaa) la soo eryey, waxayna leeyihiin cadaab joogto ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَّا مَنۡ خَطِفَ ٱلۡخَطۡفَةَ فَأَتۡبَعَهُۥ شِهَابٞ ثَاقِبٞ
10. Marka laga reebo mid mid dafa (hadal uu ka maqlay samada), markaasaa waxaa laga daba geeyaa danab ifi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱسۡتَفۡتِهِمۡ أَهُمۡ أَشَدُّ خَلۡقًا أَم مَّنۡ خَلَقۡنَآۚ إِنَّا خَلَقۡنَٰهُم مِّن طِينٖ لَّازِبِۭ
11. Ee weydii (gaalada) ma iyagaa abuur adag mise waxaa (kale sida malaa’igta, samooyinka, iyo arlada) ee aan abuurnay?. Waxaanu ka abuurnay (dadka) dhoobo dhagta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
بَلۡ عَجِبۡتَ وَيَسۡخَرُونَ
12. Waxaadse la yaabtaa (beenintooda Xaqa), iyaguna way iska jees-jeesi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا ذُكِّرُواْ لَا يَذۡكُرُونَ
13. Marka la waaniyona ma waantoobaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا رَأَوۡاْ ءَايَةٗ يَسۡتَسۡخِرُونَ
14. Markay arkaanna Calaamo (mucjizo) way ku jees-jeesaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالُوٓاْ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا سِحۡرٞ مُّبِينٌ
15. Waxayna yidhaahdaan: Waxa kanu ma aha waxaan ahayn sixir cad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَءِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابٗا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَبۡعُوثُونَ
16. Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro iyo lafo, miyaa nala soo bixin?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَوَءَابَآؤُنَا ٱلۡأَوَّلُونَ
17. Iyo aabbayaashayadii hore (iyagana ma la so bixin dhimasho kaddib)?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ نَعَمۡ وَأَنتُمۡ دَٰخِرُونَ
18. Dheh: Haah, idinkoo waliba dulleysan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَإِنَّمَا هِيَ زَجۡرَةٞ وَٰحِدَةٞ فَإِذَا هُمۡ يَنظُرُونَ
19. Waa uun afuuf mar keliya ah (buunka), markaasay (ka soo bixi qubuuraha) iyagoo wax eegi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالُواْ يَٰوَيۡلَنَا هَٰذَا يَوۡمُ ٱلدِّينِ
20. Waxayna odhan: Hoog baa noo sug -naadaye! Kanu waa Maalinka Jaazeynta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
هَٰذَا يَوۡمُ ٱلۡفَصۡلِ ٱلَّذِي كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ
21. Kani waa Maalinka kala baxa ee aad beenin jirteen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ ٱحۡشُرُواْ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ وَأَزۡوَٰجَهُمۡ وَمَا كَانُواْ يَعۡبُدُونَ
22. Soo kulmiya kuwii dulmi falka ahaa iyo shurakadoodii4 iyo waxay caabudi jireen.
4. Tafsiir kale waa xaasaskooda ama kuwa aan xaqa raacin ee la midka ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مِن دُونِ ٱللَّهِ فَٱهۡدُوهُمۡ إِلَىٰ صِرَٰطِ ٱلۡجَحِيمِ
23. Alle sokadi, oo u taxaaba Naarta ololka badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقِفُوهُمۡۖ إِنَّهُم مَّسۡـُٔولُونَ
24. Joojiya, wax baa la weydiine (macnaha lagu qiri).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَا لَكُمۡ لَا تَنَاصَرُونَ
25. Maxaad leedihiin oo aydaan isugu gargaareyn?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
بَلۡ هُمُ ٱلۡيَوۡمَ مُسۡتَسۡلِمُونَ
26.Mayee,Maalintaa way is dhiibi doonaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَقۡبَلَ بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖ يَتَسَآءَلُونَ
27. Waxayna ku jeesan qaarkoodba qaar iyagoo is weydiin?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُوٓاْ إِنَّكُمۡ كُنتُمۡ تَأۡتُونَنَا عَنِ ٱلۡيَمِينِ
28. Waxay (raciyadii ku) odhan (madaxdoodii): Waxaad nooga iman jirteen dhanka midig5.
5. Idinkoo noo diidaya ku dhaqanka wanaagga iyo diinta oo xoog noo sheeganaya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ بَل لَّمۡ تَكُونُواْ مُؤۡمِنِينَ
29. Waxay (madaxdii) odhan: Ma aha, ee idinkaan mu’miniin ahayn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا كَانَ لَنَا عَلَيۡكُم مِّن سُلۡطَٰنِۭۖ بَلۡ كُنتُمۡ قَوۡمٗا طَٰغِينَ
30. Kumana aanu laheyn wax awood ah korkiinna. Ee waxaad ahaydeen qolo xad gudub badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَحَقَّ عَلَيۡنَا قَوۡلُ رَبِّنَآۖ إِنَّا لَذَآئِقُونَ
31. Sidaas awgeed waxaa nagu dhaboobay Qawlka Rabbigeen, waanu dhadhamin (Cadaabka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَغۡوَيۡنَٰكُمۡ إِنَّا كُنَّا غَٰوِينَ
32. Waan idin luminnay6, innaguna waa lunsanayn.
6. Waxay madaxda ula yimaadeen dadweynaha dhagar weyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَإِنَّهُمۡ يَوۡمَئِذٖ فِي ٱلۡعَذَابِ مُشۡتَرِكُونَ
33. Iyagu (raciyaddii iyo kuwii la raacay) Maalinkaas cadaabkay wadaagi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّا كَذَٰلِكَ نَفۡعَلُ بِٱلۡمُجۡرِمِينَ
34. Sidaasaan ku fallaa denbiilayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّهُمۡ كَانُوٓاْ إِذَا قِيلَ لَهُمۡ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا ٱللَّهُ يَسۡتَكۡبِرُونَ
35. Waxay ahaayeen marka lagu yidhaah- do: Ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan ahayn Allaah, kuwa iska weyneeya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَقُولُونَ أَئِنَّا لَتَارِكُوٓاْ ءَالِهَتِنَا لِشَاعِرٖ مَّجۡنُونِۭ
36. Iyagoo leh: Ma waxaan isaga deynaa ilaahyadayada gabyaa Jinnoole ah?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
بَلۡ جَآءَ بِٱلۡحَقِّ وَصَدَّقَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
37. Mayee’ wuxuu (Nabigu) la yimid Xaq, oo rumeeyey Rusushii (Alle soo diray).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّكُمۡ لَذَآئِقُواْ ٱلۡعَذَابِ ٱلۡأَلِيمِ
38. Waxaad idinku (gaaloy) dhadhamin cadaabka xanuunka badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا تُجۡزَوۡنَ إِلَّا مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
39. La idinkamana abaal mariyo waxaan aheyn waxaad fasheen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ
40. Addoommaha Alle maahee ee daacadda ah u Keli yeela Alle cibaadada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ رِزۡقٞ مَّعۡلُومٞ
41. Kuwaasi waxay leeyihiin risiq la yaqaan aan go'eyn (Jannada gudaheeda).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَوَٰكِهُ وَهُم مُّكۡرَمُونَ
42. Midho, iyagoo lagu sharfi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فِي جَنَّٰتِ ٱلنَّعِيمِ
43. Beeraha barwaaqada (Jannada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
عَلَىٰ سُرُرٖ مُّتَقَٰبِلِينَ
44. Sariiro sarreeya korkooda is qaabilsan fool ka fool (si farxad iyo reyn reyn leh).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يُطَافُ عَلَيۡهِم بِكَأۡسٖ مِّن مَّعِينِۭ
45. Waxaa lagula wareegi koobab (khamri daahir ah) ka soo shubma il (webiyo) saafi ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
بَيۡضَآءَ لَذَّةٖ لِّلشَّٰرِبِينَ
46. Cad, oo u macaan kuwa cabbi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَا فِيهَا غَوۡلٞ وَلَا هُمۡ عَنۡهَا يُنزَفُونَ
47. Ma leh wax dhibaato ah, lagumana sarkhaamo (khamrada Jannada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَعِندَهُمۡ قَٰصِرَٰتُ ٱلطَّرۡفِ عِينٞ
48. Waxaana la jirkood ahaan haween dhowrsoon soo kooba araggooda, leh indho aad u qurxoon.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَأَنَّهُنَّ بَيۡضٞ مَّكۡنُونٞ
49. La moodo ukummo aad loo dhowray.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَقۡبَلَ بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖ يَتَسَآءَلُونَ
50. Waxayna qaabili qaarkoodba qaarka kale (ehlu Jannaha) iyagoo is weydiin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ قَآئِلٞ مِّنۡهُمۡ إِنِّي كَانَ لِي قَرِينٞ
51. Midkood hadlaya baa odhan; Waxaan anigu lahaa saaxiib.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَقُولُ أَءِنَّكَ لَمِنَ ٱلۡمُصَدِّقِينَ
52. Kaasoo odhan jiray: Ma waxaad ka mid tahay kuwa rumeysan (soo bixinta Qiyaame)?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَءِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابٗا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَدِينُونَ
53.Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro iyo lafo, miyaa nala abaal marin?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ هَلۡ أَنتُم مُّطَّلِعُونَ
54. Wuxuu odhan: Ma ila dhuganeysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱطَّلَعَ فَرَءَاهُ فِي سَوَآءِ ٱلۡجَحِيمِ
55. Markaasuu dhugtaa oo ku arkaa Naarta bartankeeda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ تَٱللَّهِ إِن كِدتَّ لَتُرۡدِينِ
56. Wuxuu odhan: Tallaahi! Waxaad sigtay inaad i halaagto (i dhumiso).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَوۡلَا نِعۡمَةُ رَبِّي لَكُنتُ مِنَ ٱلۡمُحۡضَرِينَ
57. Haddayna jirin Nicmadda Rabbigay, waxaan ka mid ahaan lahaa kuwa la soo keenayo (Naarta).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَمَا نَحۡنُ بِمَيِّتِينَ
58. Ma nihin miyaa kuwo dhiman.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَّا مَوۡتَتَنَا ٱلۡأُولَىٰ وَمَا نَحۡنُ بِمُعَذَّبِينَ
59. Dhimashadayadii hore mooyaane? mana layna cadaabayo?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ
60. Hubaal (arrin)kani waa Liibaanta Weyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لِمِثۡلِ هَٰذَا فَلۡيَعۡمَلِ ٱلۡعَٰمِلُونَ
61. Ee (arrin)kanoo kale ha u camal fashaan kuwa camal fali.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَذَٰلِكَ خَيۡرٞ نُّزُلًا أَمۡ شَجَرَةُ ٱلزَّقُّومِ
62. Ma (arrin)kani (Jannada) baa marti- qaad wanaagsan mise geedka Zaquum.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّا جَعَلۡنَٰهَا فِتۡنَةٗ لِّلظَّٰلِمِينَ
63. Waxaanu Annagu uga dhignay fidno (imtixaan) daalimiinta (gar diidka ah).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّهَا شَجَرَةٞ تَخۡرُجُ فِيٓ أَصۡلِ ٱلۡجَحِيمِ
64.Waa geed ka soo baxa Naarta salkeeda,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
طَلۡعُهَا كَأَنَّهُۥ رُءُوسُ ٱلشَّيَٰطِينِ
65. Miraheeda la moodo madaxyada shaydaammada;
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَإِنَّهُمۡ لَأٓكِلُونَ مِنۡهَا فَمَالِـُٔونَ مِنۡهَا ٱلۡبُطُونَ
66. Waxay (ehlu naarku) wax ka cuni (geedkaa) oo ka buuxin caloolahooda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ إِنَّ لَهُمۡ عَلَيۡهَا لَشَوۡبٗا مِّنۡ حَمِيمٖ
67. Waxay leeyihiin intaa kaddib cabbitaan isku dhaf kulul ah oo karaya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ إِنَّ مَرۡجِعَهُمۡ لَإِلَى ٱلۡجَحِيمِ
68. Markaa waxay ku noqon xagga Naarta holaca badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّهُمۡ أَلۡفَوۡاْ ءَابَآءَهُمۡ ضَآلِّينَ
69. Waxay heleen aabbayaashood oo habowsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَهُمۡ عَلَىٰٓ ءَاثَٰرِهِمۡ يُهۡرَعُونَ
70. Iyaguna raadkoodii bay ku degdegi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ ضَلَّ قَبۡلَهُمۡ أَكۡثَرُ ٱلۡأَوَّلِينَ
71. Waxaana dhab ahaan lumay iyaga hortood badi dadkii hore.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا فِيهِم مُّنذِرِينَ
72. Waxaana dhab ahaan u dirnay digayaal.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُنذَرِينَ
73. Ee eeg siday aheyd cidhibta kuwii loo digay (aanse waansamin).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ
74. Addoommaha Alle ee daacadda ah maahee u Keli yeela cibaadada (kuwaa dhib ma arkaan).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ نَادَىٰنَا نُوحٞ فَلَنِعۡمَ ٱلۡمُجِيبُونَ
75. Waxaana dhab ahaan noo dhawaaqday Nuux, Annagaana u fiican wax ajiiba (baryada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَنَجَّيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥ مِنَ ٱلۡكَرۡبِ ٱلۡعَظِيمِ
76. Waxaana ka badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba kurbaddii weynd (haraqii).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَجَعَلۡنَا ذُرِّيَّتَهُۥ هُمُ ٱلۡبَاقِينَ
77. Oo ka yeellay durriyaddiisa kuwa soo hadhay uun.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ
78. Waxaana u reebnay (ammaan wanaagsan) facyada dambe dhexdood.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
سَلَٰمٌ عَلَىٰ نُوحٖ فِي ٱلۡعَٰلَمِينَ
79. Salaan (Nabadgelyo iyo Ammaan Alle) korkiisa ha ahaato Nuux.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ
80. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّهُۥ مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
81. Hubaal Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu’miniinta ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ أَغۡرَقۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ
82. Markaasaan harqinnay intii kale.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ وَإِنَّ مِن شِيعَتِهِۦ لَإِبۡرَٰهِيمَ
83. Waxaana ka mid ah kuwa raacay
jidkiisa Ibraahiim7.
7. Nabi Ibraahiim c.s. wuxuu raacay dhabbihii Nabi Nuux iyo intii rumeysey towxiidka iyo mabaadiida diinta Islaamka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ جَآءَ رَبَّهُۥ بِقَلۡبٖ سَلِيمٍ
84. Markuu ula yimid Rabbigi qalbi fayow8.
8. Qalbiga fayow waa kan ka nabad galay shirki, kibir, xasad, is cajabin, iwm ee daacadda ah u hoggaansan Alle.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوۡمِهِۦ مَاذَا تَعۡبُدُونَ
85. Markuu ku yidhi aabbihi iyo dadkiisii: Waa maxay waxaad caabudaysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَئِفۡكًا ءَالِهَةٗ دُونَ ٱللَّهِ تُرِيدُونَ
86. been abuur, Ilaahyo aad barbar dhig- taan Allaah-miyaad dooneysaan idinku.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَمَا ظَنُّكُم بِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
87. Maxaadse ka maleysaneysaan Rabbiga uumanka?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَنَظَرَ نَظۡرَةٗ فِي ٱلنُّجُومِ
88. Markaasuu eegay eegmo xiddigaha,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَقَالَ إِنِّي سَقِيمٞ
89. Wuxuuna yidhi: Anigu waa bukaa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَتَوَلَّوۡاْ عَنۡهُ مُدۡبِرِينَ
90. Markaasay ka jeesteen oo tageen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَرَاغَ إِلَىٰٓ ءَالِهَتِهِمۡ فَقَالَ أَلَا تَأۡكُلُونَ
91. Markaasuu aaday ilaahyadoodii, oo yidhi: Miyeydaan (wax) cuneyn9.
9. Inay cunaan qurbaannada hortooda la dhigay. Waana ku jeesjees iyo muujin caqli xumada dadkaa sanammada hor dhigay raashinka iyo hadiyooyinka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَا لَكُمۡ لَا تَنطِقُونَ
92. Maxaad leedihiin oo aydaan la hadleyn?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَرَاغَ عَلَيۡهِمۡ ضَرۡبَۢا بِٱلۡيَمِينِ
93. Markaasuu ku jeestay oo ku garaacay gacanta midig.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَقۡبَلُوٓاْ إِلَيۡهِ يَزِفُّونَ
94. Markaasay soo aadeen (dadkii) xaggiisa iyagoo soo degdegaya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ أَتَعۡبُدُونَ مَا تَنۡحِتُونَ
95. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Ma waxaad caabudaysaan waxaad qoraysaan (idinku sameysaan)?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱللَّهُ خَلَقَكُمۡ وَمَا تَعۡمَلُونَ
96. Allaah baana idin abuuray idinka iyo waxaad sameysaanba?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ ٱبۡنُواْ لَهُۥ بُنۡيَٰنٗا فَأَلۡقُوهُ فِي ٱلۡجَحِيمِ
97. Waxay yidhaahdeen: U dhisa meel (dab lagu shido) kuna tuura dabkaa ololaya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَرَادُواْ بِهِۦ كَيۡدٗا فَجَعَلۡنَٰهُمُ ٱلۡأَسۡفَلِينَ
98. Waxay la dooneen dabin ka dhan ah, iyagaanse ka dhignay kuwa hooseeya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالَ إِنِّي ذَاهِبٌ إِلَىٰ رَبِّي سَيَهۡدِينِ
99. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Anigu waxaan aadayaa xagga Rabbigay. Wuu i hanuunin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
رَبِّ هَبۡ لِي مِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ
100. Rabbiyow! I sii (ubad) wanaagsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبَشَّرۡنَٰهُ بِغُلَٰمٍ حَلِيمٖ
101. Waxaana ugu bishaaraynay wiil dul qaad badan (Ismaaciil).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَمَّا بَلَغَ مَعَهُ ٱلسَّعۡيَ قَالَ يَٰبُنَيَّ إِنِّيٓ أَرَىٰ فِي ٱلۡمَنَامِ أَنِّيٓ أَذۡبَحُكَ فَٱنظُرۡ مَاذَا تَرَىٰۚ قَالَ يَٰٓأَبَتِ ٱفۡعَلۡ مَا تُؤۡمَرُۖ سَتَجِدُنِيٓ إِن شَآءَ ٱللَّهُ مِنَ ٱلصَّٰبِرِينَ
102.Markuu gaaray da' inuu la shaqeeyo oo hanaqaaday10, (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Maandhow! Waxaan ku arkay riyo anigoo kuu gawracaya (qurbaan ahaan Alle darti), ee bal eegoo maxay kula tahay. (Ismaaciil) wuxuu yidhi: Aabbow! Fal waxa lagu amray, hadduu Alle idmo, waxaad heli inaan ka mid noqdo kuwa samir yeesha.
10. Ismaaciil awood u yeeshay inuu la shaqeeyo oo kaalmeeyo aabbihi Ibraahiim.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَمَّآ أَسۡلَمَا وَتَلَّهُۥ لِلۡجَبِينِ
103. Markay hoggaansameen oo uu u dhigay dhabanka ( si uu u gowraco).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَنَٰدَيۡنَٰهُ أَن يَٰٓإِبۡرَٰهِيمُ
104. Baan u dhawaaqnay Annagoo leh: Ibraahiimow.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَدۡ صَدَّقۡتَ ٱلرُّءۡيَآۚ إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ
105.Waxaad ka rumeysay riyadii. Sidaas baan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ ٱلۡبَلَٰٓؤُاْ ٱلۡمُبِينُ
106. Arrinkani wuxuu ahaa imtixaan cad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَفَدَيۡنَٰهُ بِذِبۡحٍ عَظِيمٖ
107. Waxaana (Ismaaciil) ku furannay wan weyn (oo buuran).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ
108. Waxaana ugu dhaafnay (Ibraahiim ammaan fiican) facyada dambe (oo dhan) dhexdood.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
سَلَٰمٌ عَلَىٰٓ إِبۡرَٰهِيمَ
109. Salaan (Nabadgelyo iyo Ammaan Alle) korkiisa ha ahaato Ibraahiim.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ
110. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّهُۥ مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
111. Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu'miniinta ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَبَشَّرۡنَٰهُ بِإِسۡحَٰقَ نَبِيّٗا مِّنَ ٱلصَّٰلِحِينَ
112. Waxaan (markaa kaddib) ugu bishaareynay Isxaaq11_Nabi ka mid ah kuwa wanaagsan.
11. Tani waxay caddeyneysaa in wiilkiisa curadka ee la doonayey in la gowraco uu ahaa Ismaaciil oo ma uusan ahayn Isxaaq, sida ay sheegaan Yuhuudda iyo Nasaarada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَبَٰرَكۡنَا عَلَيۡهِ وَعَلَىٰٓ إِسۡحَٰقَۚ وَمِن ذُرِّيَّتِهِمَا مُحۡسِنٞ وَظَالِمٞ لِّنَفۡسِهِۦ مُبِينٞ
113. Waanu barakaynay isaga iyo Isxaaqba, ubadkoodana waxaa ka mid ah mid sama fala iyo mid naftiisa u dulmiya si cad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ مَنَنَّا عَلَىٰ مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ
114. Waxaanu dhab ahaan ku mannaysannay wanaag Muuse iyo Haaruun.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَنَجَّيۡنَٰهُمَا وَقَوۡمَهُمَا مِنَ ٱلۡكَرۡبِ ٱلۡعَظِيمِ
115. Kana badbaadinnay iyaga iyo dadkoodii kurbaddii weynayd (harqintii iyo addoonsigii iyo dulleysigii lagu hayey).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَنَصَرۡنَٰهُمۡ فَكَانُواْ هُمُ ٱلۡغَٰلِبِينَ
116. Waana u gargaarnay, sidaa darteed waxay ahaayeen kuwa adkaaday.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَءَاتَيۡنَٰهُمَا ٱلۡكِتَٰبَ ٱلۡمُسۡتَبِينَ
117. Waxaana siinnay Kitaabka (Towraadda) Xujada cad ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَهَدَيۡنَٰهُمَا ٱلصِّرَٰطَ ٱلۡمُسۡتَقِيمَ
118. Oo ku hanuuninnay Jidka Toosan (ee Islaamka)12;
12. Jidka toosan waa diinta Islaamka, waana diinta uu Alle la soo diray nabiyada oo dhan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِمَا فِي ٱلۡأٓخِرِينَ
119. Waxaana ugu dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood .
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
سَلَٰمٌ عَلَىٰ مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ
120.Salaan (Nabad gelyo iyo Ammaan Alle) korkooda ha ahaato Muuse iyo Haaruun.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ
121. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّهُمَا مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
122. Waxay ka mid ahaayeen addoomahayaga mu'miniinta ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّ إِلۡيَاسَ لَمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
123. Ilyaasna wuxuu ka mid ahaa Rususha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِۦٓ أَلَا تَتَّقُونَ
124. Markuu ku yidhi tolkiisii, Miyeydaan ka dhowrsanayn (xumaha)?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَتَدۡعُونَ بَعۡلٗا وَتَذَرُونَ أَحۡسَنَ ٱلۡخَٰلِقِينَ
125. Ma waxaad baridaan Bacal13 oo ka tagtaan Kan u wanaagsan abuurayaasha.
13. Bacal Waa magaca sanam weyn ay caabudi jireen dadkii Phenisia, oo ay u heysteen inuu Rabbigood yahay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱللَّهَ رَبَّكُمۡ وَرَبَّ ءَابَآئِكُمُ ٱلۡأَوَّلِينَ
126. Allaah, ee ah Rabbigiin (Runta ah) iyo Rabbiga Aabbayaashiinnii hore?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَكَذَّبُوهُ فَإِنَّهُمۡ لَمُحۡضَرُونَ
127. Wayse beeniyeen, waxaana loo soo kulmin (Cadaab),
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ
128. Addoomaha Alle maahee ee daacadda ah u keli yeela cibaadada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ
129. Waxaana ugu dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
سَلَٰمٌ عَلَىٰٓ إِلۡ يَاسِينَ
130. Salaan (Nabad gelyo iyo Ammaan Alle) korkiisa ha ahaato Ilyaasiin14.
14. Ilyaasiin waa wadarta Ilyaas, waxaana loola jeedaa Ilyaas iyo kuwii raacay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ
131. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّهُۥ مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
132. Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu’miniinta ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّ لُوطٗا لَّمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
133. Luud wuxuu ka mid ahaa Rususha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ نَجَّيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥٓ أَجۡمَعِينَ
134. (Xus) markaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisaba, dhammaan,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَّا عَجُوزٗا فِي ٱلۡغَٰبِرِينَ
135. Habar duq ah (marwadiisii) maahee oo ku hadhay (halaagga).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ دَمَّرۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ
136. Kaddib waxaan baabbi’innay intii kale.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّكُمۡ لَتَمُرُّونَ عَلَيۡهِم مُّصۡبِحِينَ
137. Waxaadna ag martaan (dhulkoodii) waaberiga,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَبِٱلَّيۡلِۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ
138. Iyo habeenkaba, ee miyeydaan wax garan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّ يُونُسَ لَمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
139. Yuunus wuxuu ka mid ahaa Rusushii (la soo diray).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ أَبَقَ إِلَى ٱلۡفُلۡكِ ٱلۡمَشۡحُونِ
140. (Xus) markuu u cararay doonnidii buuxday.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَسَاهَمَ فَكَانَ مِنَ ٱلۡمُدۡحَضِينَ
141. Marka wuu la qori tuurtay15, wuxuuse noqday mid laga raayey (baddana lagu tuuray).
15. Si loo cayimo qofka laga tuurayo doonnida si loo badbaadiyo rikaabka kale. Waxaa ku soo baxay qori tuurkii Yuunus c.s., markaasay ku tuureen badda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱلۡتَقَمَهُ ٱلۡحُوتُ وَهُوَ مُلِيمٞ
142. Markaasuu nibirigu liqay isagoo eedeysan16.
16. Isagoo eedeysan, waayo wuxuu ka quustay dadkiisii ahaa xuma falka, wuxuuna ka soo tagay isagoo aan ka helin idan xagga Alle.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَوۡلَآ أَنَّهُۥ كَانَ مِنَ ٱلۡمُسَبِّحِينَ
143. Haddiise ay ahaateen inuu ka mid ahaa kuwa na xurmo weyneeya oo tasbiixsada (ee ehlu salaadka ah).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَلَبِثَ فِي بَطۡنِهِۦٓ إِلَىٰ يَوۡمِ يُبۡعَثُونَ
144. Wuxuu ku negaan lahaa caloosha (nibriga) tan iyo Maalinta Qiyaamaha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ فَنَبَذۡنَٰهُ بِٱلۡعَرَآءِ وَهُوَ سَقِيمٞ
145. Waxaana ku soo tuurnay bannaan cid la' ah isagoo buka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنۢبَتۡنَا عَلَيۡهِ شَجَرَةٗ مِّن يَقۡطِينٖ
146. Waxaana u soo bixinnay geed Aredube ah17.
17. Maadaamana Nabi Yuunus xeebta lagu soo tuuray isagoo aan dub lahayn. Wuxuu Alle u soo saaaray geedkaasi bocorka (aredube, ubo) si uu u harsiiyo oo uga ilaaliyo cayaayin wax yeela.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَرۡسَلۡنَٰهُ إِلَىٰ مِاْئَةِ أَلۡفٍ أَوۡ يَزِيدُونَ
147. Waxaana u dirnay Boqol kun ama ka badanba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَـَٔامَنُواْ فَمَتَّعۡنَٰهُمۡ إِلَىٰ حِينٖ
148. Wayna rumeeyeen; waxaana u raaxeynay (sugnay) ilaa muddo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱسۡتَفۡتِهِمۡ أَلِرَبِّكَ ٱلۡبَنَاتُ وَلَهُمُ ٱلۡبَنُونَ
149. Ee weydii (gaalada) in Rabbigaa gabdho leeyahay, iyaguna wiilal?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ خَلَقۡنَا ٱلۡمَلَٰٓئِكَةَ إِنَٰثٗا وَهُمۡ شَٰهِدُونَ
150. Mise ma waxaan abuurnay malaa'igta dheddig ahaan, iyaguna ay goob joog ka ahaayeen?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَلَآ إِنَّهُم مِّنۡ إِفۡكِهِمۡ لَيَقُولُونَ
151. Taasi waa been abuurashadooda inay yidhaahdaan:
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَدَ ٱللَّهُ وَإِنَّهُمۡ لَكَٰذِبُونَ
152. Allaa dhalay oo ilmo leh, waana beenaalayaal.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَصۡطَفَى ٱلۡبَنَاتِ عَلَى ٱلۡبَنِينَ
153. Ma wuxuu gabdho ka doortay wiilal?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَا لَكُمۡ كَيۡفَ تَحۡكُمُونَ
154. Maxaa si idin ka ah, waa sidee sidaad wax u xukumeysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَلَا تَذَكَّرُونَ
155. Ee miyeydaan xusuusanayn (inuusan Alle lahayn xaas, wiil, gabdho, kuna habbooneyn inuu yeesho ilmo)?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ لَكُمۡ سُلۡطَٰنٞ مُّبِينٞ
156.Mise ma waxaad heysataan Xujo Cad?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأۡتُواْ بِكِتَٰبِكُمۡ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
157. Ee keena Kitaabkiinna (caddayn) haddaad run sheegaysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَجَعَلُواْ بَيۡنَهُۥ وَبَيۡنَ ٱلۡجِنَّةِ نَسَبٗاۚ وَلَقَدۡ عَلِمَتِ ٱلۡجِنَّةُ إِنَّهُمۡ لَمُحۡضَرُونَ
158. Waxayse yeelaan (qaraabo) nasab Isaga (Alle) iyo malaa’igta dhexdooda, oo dhab ahaan waxay malaa’igtu og yihiin in (kuwa sidaa yidhaahda) la keeni (cadaabka Naarta)18.
18. Jin waa khalqi aan Aadmigu arag oo ka qarsoon waana jinka iyo malaa’igta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
سُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يَصِفُونَ
159. Xurmo waxaa iska leh Allaah, Wuu ka hufan yahay waxay ku sheegayaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ
160. Addoomaha Alle maahee ee daacadda ah u keli yeela cibaadada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَإِنَّكُمۡ وَمَا تَعۡبُدُونَ
161. Idinka iyo waxaad caabudaysaanba (gaaloy).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَآ أَنتُمۡ عَلَيۡهِ بِفَٰتِنِينَ
162. Cidna kuma fidnayn kartaan19.
19.Si uu u qaato gaalnimo iyo camallo xun.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَّا مَنۡ هُوَ صَالِ ٱلۡجَحِيمِ
163. Mid maahee Naarta geli oo ku guban.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا مِنَّآ إِلَّا لَهُۥ مَقَامٞ مَّعۡلُومٞ
164. Ma jiro mid naga mid ah (malaa’igta) aan lahayn meel lagu og yahay 20.
20. Cibaado ahaan, ama ma jiro mid aan lahayn howl la yaqaan uu qabto.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّا لَنَحۡنُ ٱلصَّآفُّونَ
165. Waana innaga (malaa’igta ah) kuwa u safta safafka siman (salaadda darteed).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّا لَنَحۡنُ ٱلۡمُسَبِّحُونَ
166. Waana innaga (malaa'igta ah) kuwa xurmo weyneeya oo hufa (Alle)21.
21. Iyagoo beeninaya waxay gaalada ka sheegaan Alle inuu leeyahay wiil ama gabdho ama shariigyo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِن كَانُواْ لَيَقُولُونَ
167. Waxayna (gaaladu) odhan jireen:
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَوۡ أَنَّ عِندَنَا ذِكۡرٗا مِّنَ ٱلۡأَوَّلِينَ
168. Hadduu yahay agtannada xuskii (warkii) kuwii hore (Kitaab)22 .
22. Ka hor soo waxyoodka Qur’aanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَكُنَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ
169. Waxaan ahaan laheyn addoomaha Alle ee daacadda ah u keli yeela cibaadada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَكَفَرُواْ بِهِۦۖ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ
170. Wayse ku gaaloobaan (haatan)23, marka way ogaan doonaan.
23. Dhambaalka iyaga loo soo diray, Qur’aanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ سَبَقَتۡ كَلِمَتُنَا لِعِبَادِنَا ٱلۡمُرۡسَلِينَ
171. Waxaa dhab ahaan ugu hormaray Kelmaddayada (Yaboohayaga) addoomahayaga Rususha ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّهُمۡ لَهُمُ ٱلۡمَنصُورُونَ
172. Inay yihiin kuwa loo gargaari.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّ جُندَنَا لَهُمُ ٱلۡغَٰلِبُونَ
173. Iyo in ciidammadayadu ay yihiin kuwa adkaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَتَوَلَّ عَنۡهُمۡ حَتَّىٰ حِينٖ
174. Ee isaga jeeso ilaa muddo,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَبۡصِرۡهُمۡ فَسَوۡفَ يُبۡصِرُونَ
175. Aragna (waxa ku dhaca), iyaguna sidoo kale way arki.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَبِعَذَابِنَا يَسۡتَعۡجِلُونَ
176. Ma Cadaabkanaga bay (gaaladu) degdegsanayaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَإِذَا نَزَلَ بِسَاحَتِهِمۡ فَسَآءَ صَبَاحُ ٱلۡمُنذَرِينَ
177. Markase uu ku soo dego ardaagooda, waxaa xumaan subaxa kuwa loo digay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَتَوَلَّ عَنۡهُمۡ حَتَّىٰ حِينٖ
178. Ee isaga jeeso iyaga ilaa muddo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَبۡصِرۡ فَسَوۡفَ يُبۡصِرُونَ
179. Aragna (waxa ku dhaca), iyaguna sidoo kale way arki.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
سُبۡحَٰنَ رَبِّكَ رَبِّ ٱلۡعِزَّةِ عَمَّا يَصِفُونَ
180. Xurmo oo dhan waxaa iska leh oo (xumaan ka) hufan Rabbigaa (Allaah), Rabbiga Sharafta leh, ka sarreeya waxay (gaaladu) ku tilmaamaan (sida inuu leeyahay wiil, gabdho, xaas, iwm).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَسَلَٰمٌ عَلَى ٱلۡمُرۡسَلِينَ
181. Nabadi korkooda ha ahaato Rususha (Alle).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
182. Ammaan oo dhan iyo mahad waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ አስ ሷፋት
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

የተከበረው ቁርአን ሱማልኛ ቋንቋ መልዕክተ ትርጉም - በዓብደሏህ ሓሰን ያዕቆብ

መዝጋት