Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አስ ሷፋት   አንቀጽ:
فَلَمَّآ أَسۡلَمَا وَتَلَّهُۥ لِلۡجَبِينِ
103. Markay hoggaansameen oo uu u dhigay dhabanka ( si uu u gowraco).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَنَٰدَيۡنَٰهُ أَن يَٰٓإِبۡرَٰهِيمُ
104. baan u dhawaaqnay Annagoo leh: Ibraahiimow.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَدۡ صَدَّقۡتَ ٱلرُّءۡيَآۚ إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ
105.Waxaad ka rumeysay riyadii. Sidaas baan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ ٱلۡبَلَٰٓؤُاْ ٱلۡمُبِينُ
106. Xaqiiq, arrinkani wuxuu ahaa imtixaan cad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَفَدَيۡنَٰهُ بِذِبۡحٍ عَظِيمٖ
107. Waxaana (Ismaaciil) ku furannay wan weyn (oo buuran).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ
108. Waxaana ugu dhaafnay (Ibraahiim ammaan fiican) facyada dambe (oo dhan) dhexdood.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
سَلَٰمٌ عَلَىٰٓ إِبۡرَٰهِيمَ
109. Salaan (Nabadgelyo iyo Ammaan Alle) korkiisa ha ahaato Ibraahiim.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ
110. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّهُۥ مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
111. Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu'miniinta ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَبَشَّرۡنَٰهُ بِإِسۡحَٰقَ نَبِيّٗا مِّنَ ٱلصَّٰلِحِينَ
112. Waxaan (markaa kaddib) ugu bishaareynay Isxaaq11_Nabi ka mid ah kuwa wanaagsan.
11. Tani waxay caddeyneysaa in wiilkiisa curadka ee la doonayey in la gowraco uu ahaa Ismaaciil oo ma uusan ahayn Isxaaq, sida ay sheegaan Yuhuudda iyo Nasaarada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَبَٰرَكۡنَا عَلَيۡهِ وَعَلَىٰٓ إِسۡحَٰقَۚ وَمِن ذُرِّيَّتِهِمَا مُحۡسِنٞ وَظَالِمٞ لِّنَفۡسِهِۦ مُبِينٞ
113. Waanu barakaynay isaga iyo Isxaaqba, ubadkoodana waxaa ka mid ah mid sama fala iyo mid naftiisa u dulmiya si cad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ مَنَنَّا عَلَىٰ مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ
114. Waxaanu dhab ahaan ku mannaysannay wanaag Muuse iyo Haaruun.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَنَجَّيۡنَٰهُمَا وَقَوۡمَهُمَا مِنَ ٱلۡكَرۡبِ ٱلۡعَظِيمِ
115. Oo ka badbaadinnay iyaga iyo dadkoodii kurbaddii weynayd (harqintii iyo addoonsigii iyo dulleysigii lagu hayey).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَنَصَرۡنَٰهُمۡ فَكَانُواْ هُمُ ٱلۡغَٰلِبِينَ
116. Waanu u gargaarnay, sidaa darteed waxay ahaayeen kuwa adkaaday.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَءَاتَيۡنَٰهُمَا ٱلۡكِتَٰبَ ٱلۡمُسۡتَبِينَ
117. Waxaanuna siinnay Kitaabka (Towraadda) Xujada cad ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَهَدَيۡنَٰهُمَا ٱلصِّرَٰطَ ٱلۡمُسۡتَقِيمَ
118. Oo ku hanuuninnay Jidka Toosan (ee Islaamka)12;
12. Jidka toosan waa diinta Islaamka, waana diinta uu Alle la soo diray nabiyada oo dhan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِمَا فِي ٱلۡأٓخِرِينَ
119. Waxaan ugu dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood .
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
سَلَٰمٌ عَلَىٰ مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ
120.Salaan (Nabad gelyo iyo Ammaan Alle) korkooda ha ahaato Muuse iyo Haaruun.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ
121. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّهُمَا مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
122. Waxay ka mid ahaayeen addoomahayaga mu'miniinta ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّ إِلۡيَاسَ لَمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
123. Oo xaqiiq Ilyaas wuxuu ka mid ahaa Rususha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِۦٓ أَلَا تَتَّقُونَ
124. Markuu ku yidhi tolkiisii, Miyeydaan ka dhowrsanayn (shirkiga)?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَتَدۡعُونَ بَعۡلٗا وَتَذَرُونَ أَحۡسَنَ ٱلۡخَٰلِقِينَ
125. Ma waxaad baridaan Bacal13 oo ka tagtaan Kan u wanaagsan abuurayaasha.
13. Bacal Waa magaca sanam weyn ay caabudi jireen dadkii Phenisia, oo ay u heysteen inuu Rabbigood yahay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱللَّهَ رَبَّكُمۡ وَرَبَّ ءَابَآئِكُمُ ٱلۡأَوَّلِينَ
126. Allaah, ee ah Rabbigiin (Runta ah) iyo Rabbiga Aabbayaashiinnii hore?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አስ ሷፋት
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት