Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 隋法提   段:
فَلَمَّآ أَسۡلَمَا وَتَلَّهُۥ لِلۡجَبِينِ
103. Markay hoggaansameen oo uu u dhigay dhabanka ( si uu u gowraco).
阿拉伯语经注:
وَنَٰدَيۡنَٰهُ أَن يَٰٓإِبۡرَٰهِيمُ
104. baan u dhawaaqnay Annagoo leh: Ibraahiimow.
阿拉伯语经注:
قَدۡ صَدَّقۡتَ ٱلرُّءۡيَآۚ إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ
105.Waxaad ka rumeysay riyadii. Sidaas baan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
阿拉伯语经注:
إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ ٱلۡبَلَٰٓؤُاْ ٱلۡمُبِينُ
106. Xaqiiq, arrinkani wuxuu ahaa imtixaan cad.
阿拉伯语经注:
وَفَدَيۡنَٰهُ بِذِبۡحٍ عَظِيمٖ
107. Waxaana (Ismaaciil) ku furannay wan weyn (oo buuran).
阿拉伯语经注:
وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ
108. Waxaana ugu dhaafnay (Ibraahiim ammaan fiican) facyada dambe (oo dhan) dhexdood.
阿拉伯语经注:
سَلَٰمٌ عَلَىٰٓ إِبۡرَٰهِيمَ
109. Salaan (Nabadgelyo iyo Ammaan Alle) korkiisa ha ahaato Ibraahiim.
阿拉伯语经注:
كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ
110. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
阿拉伯语经注:
إِنَّهُۥ مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
111. Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu'miniinta ah.
阿拉伯语经注:
وَبَشَّرۡنَٰهُ بِإِسۡحَٰقَ نَبِيّٗا مِّنَ ٱلصَّٰلِحِينَ
112. Waxaan (markaa kaddib) ugu bishaareynay Isxaaq11_Nabi ka mid ah kuwa wanaagsan.
11. Tani waxay caddeyneysaa in wiilkiisa curadka ee la doonayey in la gowraco uu ahaa Ismaaciil oo ma uusan ahayn Isxaaq, sida ay sheegaan Yuhuudda iyo Nasaarada.
阿拉伯语经注:
وَبَٰرَكۡنَا عَلَيۡهِ وَعَلَىٰٓ إِسۡحَٰقَۚ وَمِن ذُرِّيَّتِهِمَا مُحۡسِنٞ وَظَالِمٞ لِّنَفۡسِهِۦ مُبِينٞ
113. Waanu barakaynay isaga iyo Isxaaqba, ubadkoodana waxaa ka mid ah mid sama fala iyo mid naftiisa u dulmiya si cad.
阿拉伯语经注:
وَلَقَدۡ مَنَنَّا عَلَىٰ مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ
114. Waxaanu dhab ahaan ku mannaysannay wanaag Muuse iyo Haaruun.
阿拉伯语经注:
وَنَجَّيۡنَٰهُمَا وَقَوۡمَهُمَا مِنَ ٱلۡكَرۡبِ ٱلۡعَظِيمِ
115. Oo ka badbaadinnay iyaga iyo dadkoodii kurbaddii weynayd (harqintii iyo addoonsigii iyo dulleysigii lagu hayey).
阿拉伯语经注:
وَنَصَرۡنَٰهُمۡ فَكَانُواْ هُمُ ٱلۡغَٰلِبِينَ
116. Waanu u gargaarnay, sidaa darteed waxay ahaayeen kuwa adkaaday.
阿拉伯语经注:
وَءَاتَيۡنَٰهُمَا ٱلۡكِتَٰبَ ٱلۡمُسۡتَبِينَ
117. Waxaanuna siinnay Kitaabka (Towraadda) Xujada cad ah.
阿拉伯语经注:
وَهَدَيۡنَٰهُمَا ٱلصِّرَٰطَ ٱلۡمُسۡتَقِيمَ
118. Oo ku hanuuninnay Jidka Toosan (ee Islaamka)12;
12. Jidka toosan waa diinta Islaamka, waana diinta uu Alle la soo diray nabiyada oo dhan.
阿拉伯语经注:
وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِمَا فِي ٱلۡأٓخِرِينَ
119. Waxaan ugu dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood .
阿拉伯语经注:
سَلَٰمٌ عَلَىٰ مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ
120.Salaan (Nabad gelyo iyo Ammaan Alle) korkooda ha ahaato Muuse iyo Haaruun.
阿拉伯语经注:
إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ
121. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
阿拉伯语经注:
إِنَّهُمَا مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
122. Waxay ka mid ahaayeen addoomahayaga mu'miniinta ah.
阿拉伯语经注:
وَإِنَّ إِلۡيَاسَ لَمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
123. Oo xaqiiq Ilyaas wuxuu ka mid ahaa Rususha.
阿拉伯语经注:
إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِۦٓ أَلَا تَتَّقُونَ
124. Markuu ku yidhi tolkiisii, Miyeydaan ka dhowrsanayn (shirkiga)?
阿拉伯语经注:
أَتَدۡعُونَ بَعۡلٗا وَتَذَرُونَ أَحۡسَنَ ٱلۡخَٰلِقِينَ
125. Ma waxaad baridaan Bacal13 oo ka tagtaan Kan u wanaagsan abuurayaasha.
13. Bacal Waa magaca sanam weyn ay caabudi jireen dadkii Phenisia, oo ay u heysteen inuu Rabbigood yahay.
阿拉伯语经注:
ٱللَّهَ رَبَّكُمۡ وَرَبَّ ءَابَآئِكُمُ ٱلۡأَوَّلِينَ
126. Allaah, ee ah Rabbigiin (Runta ah) iyo Rabbiga Aabbayaashiinnii hore?.
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 隋法提
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭