Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 隋法提   段:
فَكَذَّبُوهُ فَإِنَّهُمۡ لَمُحۡضَرُونَ
127. Wayse beeniyeen, waxaana xaqiiq loo soo kulmin (Cadaab),
阿拉伯语经注:
إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ
128. Addoomaha Alle maahee ee daacadda ah u keli yeela cibaadada.
阿拉伯语经注:
وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ
129. Waxaana ugu dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood.
阿拉伯语经注:
سَلَٰمٌ عَلَىٰٓ إِلۡ يَاسِينَ
130. Salaan (Nabad gelyo iyo Ammaan Alle) korkiisa ha ahaato Ilyaasiin14.
14. Ilyaasiin waa wadarta Ilyaas, waxaana loola jeedaa Ilyaas iyo kuwii raacay.
阿拉伯语经注:
إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ
131. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
阿拉伯语经注:
إِنَّهُۥ مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
132. Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu’miniinta ah.
阿拉伯语经注:
وَإِنَّ لُوطٗا لَّمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
133. Oo xaqiiq Luud wuxuu ka mid ahaa Rususha.
阿拉伯语经注:
إِذۡ نَجَّيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥٓ أَجۡمَعِينَ
134. (Xus) markaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisaba, dhammaan,
阿拉伯语经注:
إِلَّا عَجُوزٗا فِي ٱلۡغَٰبِرِينَ
135. Habar duq ah (marwadiisii) maahee oo ku hadhay (halaagga).
阿拉伯语经注:
ثُمَّ دَمَّرۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ
136. Kaddib waxaan baabbi’innay intii kale.
阿拉伯语经注:
وَإِنَّكُمۡ لَتَمُرُّونَ عَلَيۡهِم مُّصۡبِحِينَ
137. Waxaadna xaqiiq ag martaan (dhulkoodii) subaxnimo,
阿拉伯语经注:
وَبِٱلَّيۡلِۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ
138. Iyo habeennimo, ee miyeydaan wax garan?
阿拉伯语经注:
وَإِنَّ يُونُسَ لَمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
139. Oo xaqiiq Yuunus wuxuu ka mid ahaa Rusushii (la soo diray).
阿拉伯语经注:
إِذۡ أَبَقَ إِلَى ٱلۡفُلۡكِ ٱلۡمَشۡحُونِ
140. (Xus) markuu u cararay doonnidii buuxday.
阿拉伯语经注:
فَسَاهَمَ فَكَانَ مِنَ ٱلۡمُدۡحَضِينَ
141. Marka wuu la qori tuurtay15, wuxuuse noqday mid laga raayey (baddana lagu tuuray).
15. Si loo cayimo qofka laga tuurayo doonnida si loo badbaadiyo rikaabka kale. Waxaa ku soo baxay qori tuurkii Yuunus c.s., markaasay ku tuureen badda.
阿拉伯语经注:
فَٱلۡتَقَمَهُ ٱلۡحُوتُ وَهُوَ مُلِيمٞ
142. Markaasuu nibirigu liqay isagoo eedeysan16.
16. Isagoo eedeysan, waayo wuxuu ka quustay dadkiisii ahaa xuma falka, wuxuuna ka soo tagay isagoo aan ka helin idan xagga Alle.
阿拉伯语经注:
فَلَوۡلَآ أَنَّهُۥ كَانَ مِنَ ٱلۡمُسَبِّحِينَ
143. Haddiise ay ahaateen inuu ka mid ahaa kuwa na xurmo weyneeya oo tasbiixsada (ee ehlu salaadka ah).
阿拉伯语经注:
لَلَبِثَ فِي بَطۡنِهِۦٓ إِلَىٰ يَوۡمِ يُبۡعَثُونَ
144. Wuxuu ku negaan lahaa caloosha (nibriga) tan iyo Maalinta Qiyaamaha.
阿拉伯语经注:
۞ فَنَبَذۡنَٰهُ بِٱلۡعَرَآءِ وَهُوَ سَقِيمٞ
145. Waxaana ku soo tuurnay bannaan cid la' ah isagoo buka.
阿拉伯语经注:
وَأَنۢبَتۡنَا عَلَيۡهِ شَجَرَةٗ مِّن يَقۡطِينٖ
146. Waxaana u soo bixinnay geed Aredube ah17.
17. Maadaamana Nabi Yuunus xeebta lagu soo tuuray isagoo aan dub lahayn. Wuxuu Alle u soo saaaray geedkaasi bocorka (aredube, ubo) si uu u harsiiyo oo uga ilaaliyo cayaayin wax yeela.
阿拉伯语经注:
وَأَرۡسَلۡنَٰهُ إِلَىٰ مِاْئَةِ أَلۡفٍ أَوۡ يَزِيدُونَ
147. Waxaana u dirnay Boqol kun ama ka badanba.
阿拉伯语经注:
فَـَٔامَنُواْ فَمَتَّعۡنَٰهُمۡ إِلَىٰ حِينٖ
148. Wayna rumeeyeen; waxaana u raaxeynay ilaa muddo.
阿拉伯语经注:
فَٱسۡتَفۡتِهِمۡ أَلِرَبِّكَ ٱلۡبَنَاتُ وَلَهُمُ ٱلۡبَنُونَ
149. Ee weydii (gaalada) in Rabbigaa gabdho leeyahay, iyaguna wiilal?
阿拉伯语经注:
أَمۡ خَلَقۡنَا ٱلۡمَلَٰٓئِكَةَ إِنَٰثٗا وَهُمۡ شَٰهِدُونَ
150. Mise ma waxaan abuurnay malaa'igta dheddig ahaan, iyaguna ay goob joog ka ahaayeen?
阿拉伯语经注:
أَلَآ إِنَّهُم مِّنۡ إِفۡكِهِمۡ لَيَقُولُونَ
151. War hooyah, taasi xaqiiq waa been abuurashadooda inay yidhaahdaan:
阿拉伯语经注:
وَلَدَ ٱللَّهُ وَإِنَّهُمۡ لَكَٰذِبُونَ
152. Allaa dhalay oo ilmo leh, waana beenaalayaal dhabtii.
阿拉伯语经注:
أَصۡطَفَى ٱلۡبَنَاتِ عَلَى ٱلۡبَنِينَ
153. Ma wuxuu gabdho ka doortay wiilal?
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 隋法提
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭