Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አስ ሷፋት   አንቀጽ:
فَكَذَّبُوهُ فَإِنَّهُمۡ لَمُحۡضَرُونَ
127. Wayse beeniyeen, waxaana xaqiiq loo soo kulmin (Cadaab),
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ
128. Addoomaha Alle maahee ee daacadda ah u keli yeela cibaadada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ
129. Waxaana ugu dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
سَلَٰمٌ عَلَىٰٓ إِلۡ يَاسِينَ
130. Salaan (Nabad gelyo iyo Ammaan Alle) korkiisa ha ahaato Ilyaasiin14.
14. Ilyaasiin waa wadarta Ilyaas, waxaana loola jeedaa Ilyaas iyo kuwii raacay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ
131. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّهُۥ مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
132. Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu’miniinta ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّ لُوطٗا لَّمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
133. Oo xaqiiq Luud wuxuu ka mid ahaa Rususha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ نَجَّيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥٓ أَجۡمَعِينَ
134. (Xus) markaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisaba, dhammaan,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَّا عَجُوزٗا فِي ٱلۡغَٰبِرِينَ
135. Habar duq ah (marwadiisii) maahee oo ku hadhay (halaagga).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ دَمَّرۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ
136. Kaddib waxaan baabbi’innay intii kale.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّكُمۡ لَتَمُرُّونَ عَلَيۡهِم مُّصۡبِحِينَ
137. Waxaadna xaqiiq ag martaan (dhulkoodii) subaxnimo,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَبِٱلَّيۡلِۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ
138. Iyo habeennimo, ee miyeydaan wax garan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّ يُونُسَ لَمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
139. Oo xaqiiq Yuunus wuxuu ka mid ahaa Rusushii (la soo diray).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ أَبَقَ إِلَى ٱلۡفُلۡكِ ٱلۡمَشۡحُونِ
140. (Xus) markuu u cararay doonnidii buuxday.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَسَاهَمَ فَكَانَ مِنَ ٱلۡمُدۡحَضِينَ
141. Marka wuu la qori tuurtay15, wuxuuse noqday mid laga raayey (baddana lagu tuuray).
15. Si loo cayimo qofka laga tuurayo doonnida si loo badbaadiyo rikaabka kale. Waxaa ku soo baxay qori tuurkii Yuunus c.s., markaasay ku tuureen badda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱلۡتَقَمَهُ ٱلۡحُوتُ وَهُوَ مُلِيمٞ
142. Markaasuu nibirigu liqay isagoo eedeysan16.
16. Isagoo eedeysan, waayo wuxuu ka quustay dadkiisii ahaa xuma falka, wuxuuna ka soo tagay isagoo aan ka helin idan xagga Alle.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَوۡلَآ أَنَّهُۥ كَانَ مِنَ ٱلۡمُسَبِّحِينَ
143. Haddiise ay ahaateen inuu ka mid ahaa kuwa na xurmo weyneeya oo tasbiixsada (ee ehlu salaadka ah).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَلَبِثَ فِي بَطۡنِهِۦٓ إِلَىٰ يَوۡمِ يُبۡعَثُونَ
144. Wuxuu ku negaan lahaa caloosha (nibriga) tan iyo Maalinta Qiyaamaha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ فَنَبَذۡنَٰهُ بِٱلۡعَرَآءِ وَهُوَ سَقِيمٞ
145. Waxaana ku soo tuurnay bannaan cid la' ah isagoo buka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنۢبَتۡنَا عَلَيۡهِ شَجَرَةٗ مِّن يَقۡطِينٖ
146. Waxaana u soo bixinnay geed Aredube ah17.
17. Maadaamana Nabi Yuunus xeebta lagu soo tuuray isagoo aan dub lahayn. Wuxuu Alle u soo saaaray geedkaasi bocorka (aredube, ubo) si uu u harsiiyo oo uga ilaaliyo cayaayin wax yeela.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَرۡسَلۡنَٰهُ إِلَىٰ مِاْئَةِ أَلۡفٍ أَوۡ يَزِيدُونَ
147. Waxaana u dirnay Boqol kun ama ka badanba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَـَٔامَنُواْ فَمَتَّعۡنَٰهُمۡ إِلَىٰ حِينٖ
148. Wayna rumeeyeen; waxaana u raaxeynay ilaa muddo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱسۡتَفۡتِهِمۡ أَلِرَبِّكَ ٱلۡبَنَاتُ وَلَهُمُ ٱلۡبَنُونَ
149. Ee weydii (gaalada) in Rabbigaa gabdho leeyahay, iyaguna wiilal?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ خَلَقۡنَا ٱلۡمَلَٰٓئِكَةَ إِنَٰثٗا وَهُمۡ شَٰهِدُونَ
150. Mise ma waxaan abuurnay malaa'igta dheddig ahaan, iyaguna ay goob joog ka ahaayeen?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَلَآ إِنَّهُم مِّنۡ إِفۡكِهِمۡ لَيَقُولُونَ
151. War hooyah, taasi xaqiiq waa been abuurashadooda inay yidhaahdaan:
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَدَ ٱللَّهُ وَإِنَّهُمۡ لَكَٰذِبُونَ
152. Allaa dhalay oo ilmo leh, waana beenaalayaal dhabtii.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَصۡطَفَى ٱلۡبَنَاتِ عَلَى ٱلۡبَنِينَ
153. Ma wuxuu gabdho ka doortay wiilal?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አስ ሷፋት
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት