വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ്

പേജ് നമ്പർ:close

external-link copy
103 : 37

فَلَمَّآ أَسۡلَمَا وَتَلَّهُۥ لِلۡجَبِينِ

103. Markay hoggaansameen oo uu u dhigay dhabanka (si uu u gowraco). info
التفاسير: |

external-link copy
104 : 37

وَنَٰدَيۡنَٰهُ أَن يَٰٓإِبۡرَٰهِيمُ

104. baan u dhawaaqnay Annagoo leh: Ibraahiimow. info
التفاسير: |

external-link copy
105 : 37

قَدۡ صَدَّقۡتَ ٱلرُّءۡيَآۚ إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ

105.Waxaad ka rumeysay riyadii. Sidaas baan ku abaal marinnaa sama falayaasha. info
التفاسير: |

external-link copy
106 : 37

إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ ٱلۡبَلَٰٓؤُاْ ٱلۡمُبِينُ

106. Xaqiiq, arrinkani wuxuu ahaa imtixaan cad. info
التفاسير: |

external-link copy
107 : 37

وَفَدَيۡنَٰهُ بِذِبۡحٍ عَظِيمٖ

107. Waxaana (Ismaaciil) ku furannay wan weyn (oo buuran). info
التفاسير: |

external-link copy
108 : 37

وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ

108. Waxaana ugu dhaafnay (Ibraahiim ammaan fiican) facyada dambe (oo dhan) dhexdood. info
التفاسير: |

external-link copy
109 : 37

سَلَٰمٌ عَلَىٰٓ إِبۡرَٰهِيمَ

109. Salaan (Nabadgelyo iyo Ammaan Alle) korkiisa ha ahaato Ibraahiim. info
التفاسير: |

external-link copy
110 : 37

كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ

110. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha. info
التفاسير: |

external-link copy
111 : 37

إِنَّهُۥ مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

111. Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu'miniinta ah. info
التفاسير: |

external-link copy
112 : 37

وَبَشَّرۡنَٰهُ بِإِسۡحَٰقَ نَبِيّٗا مِّنَ ٱلصَّٰلِحِينَ

112. Waxaan (markaa kaddib) ugu bishaareynay Isxaaq [11] _ Nabi ka mid ah kuwa wanaagsan. info

[11]. Tani waxay caddeyneysaa in wiilkiisa curadka ee la doonayey in la gowraco uu ahaa Ismaaciil oo ma uusan ahayn Isxaaq, sida ay sheegaan Yuhuudda iyo Nasaarada.

التفاسير: |

external-link copy
113 : 37

وَبَٰرَكۡنَا عَلَيۡهِ وَعَلَىٰٓ إِسۡحَٰقَۚ وَمِن ذُرِّيَّتِهِمَا مُحۡسِنٞ وَظَالِمٞ لِّنَفۡسِهِۦ مُبِينٞ

113. Waanu barakaynay isaga iyo Isxaaqba, ubadkoodana waxaa ka mid ah mid sama fala iyo mid naftiisa u dulmiya si cad. info
التفاسير: |

external-link copy
114 : 37

وَلَقَدۡ مَنَنَّا عَلَىٰ مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ

114. Waxaanu dhab ahaan ku mannaysannay wanaag Muuse iyo Haaruun. info
التفاسير: |

external-link copy
115 : 37

وَنَجَّيۡنَٰهُمَا وَقَوۡمَهُمَا مِنَ ٱلۡكَرۡبِ ٱلۡعَظِيمِ

115. Oo ka badbaadinnay iyaga iyo dadkoodii kurbaddii weynayd (harqintii iyo addoonsigii iyo dulleysigii lagu hayey). info
التفاسير: |

external-link copy
116 : 37

وَنَصَرۡنَٰهُمۡ فَكَانُواْ هُمُ ٱلۡغَٰلِبِينَ

116. Waanu u gargaarnay, sidaa darteed waxay ahaayeen kuwa adkaaday. info
التفاسير: |

external-link copy
117 : 37

وَءَاتَيۡنَٰهُمَا ٱلۡكِتَٰبَ ٱلۡمُسۡتَبِينَ

117. Waxaanuna siinnay Kitaabka (Towraadda) Xujada cad ah. info
التفاسير: |

external-link copy
118 : 37

وَهَدَيۡنَٰهُمَا ٱلصِّرَٰطَ ٱلۡمُسۡتَقِيمَ

118. Oo ku hanuuninnay Jidka Toosan 'ee Islaamka' [12]; info

[12]. Jidka toosan waa diinta Islaamka, waana diinta uu Alle la soo diray nabiyada oo dhan.

التفاسير: |

external-link copy
119 : 37

وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِمَا فِي ٱلۡأٓخِرِينَ

119. Waxaan ugu dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood . info
التفاسير: |

external-link copy
120 : 37

سَلَٰمٌ عَلَىٰ مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ

120.Salaan (Nabad gelyo iyo Ammaan Alle) korkooda ha ahaato Muuse iyo Haaruun. info
التفاسير: |

external-link copy
121 : 37

إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ

121. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha. info
التفاسير: |

external-link copy
122 : 37

إِنَّهُمَا مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

122. Waxay xaqiiq ka mid ahaayeen addoomahayaga mu'miniinta ah. info
التفاسير: |

external-link copy
123 : 37

وَإِنَّ إِلۡيَاسَ لَمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ

123. Oo xaqiiq Ilyaas wuxuu ka mid ahaa Rususha. info
التفاسير: |

external-link copy
124 : 37

إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِۦٓ أَلَا تَتَّقُونَ

124. Markuu ku yidhi tolkiisii, Miyeydaan ka dhowrsanayn (shirkiga iyo xumaha kale)? info
التفاسير: |

external-link copy
125 : 37

أَتَدۡعُونَ بَعۡلٗا وَتَذَرُونَ أَحۡسَنَ ٱلۡخَٰلِقِينَ

125. Ma waxaad baridaan Bacal [13] oo ka tagtaan Kan u wanaagsan abuurayaasha. info

[13]. Bacal Waa magaca sanam weyn ay caabudi jireen dadkii Phenisia, oo ay u heysteen inuu Rabbigood yahay.

التفاسير: |

external-link copy
126 : 37

ٱللَّهَ رَبَّكُمۡ وَرَبَّ ءَابَآئِكُمُ ٱلۡأَوَّلِينَ

126. Allaah, ee ah Rabbigiin (Runta ah) iyo Rabbiga Aabbayaashiinnii hore?. info
التفاسير: |