[3]. Xiddigaha waxaa loo abuuray seddex waxyaalood: in lagu gano shayaadiinta, in lagu tilmaan qaato oo lagu garto jihooyinka iyo qurux ahaan samada soke.
[10]. Ismaaciil awood u yeeshay inuu la shaqeeyo oo kaalmeeyo aabbihi Ibraahiim.
[11]. Tani waxay caddeyneysaa in wiilkiisa curadka ee la doonayey in la gowraco uu ahaa Ismaaciil oo ma uusan ahayn Isxaaq, sida ay sheegaan Yuhuudda iyo Nasaarada.
[15]. Si loo cayimo qofka laga tuurayo doonnida si loo badbaadiyo rikaabka kale. Waxaa ku soo baxay qori tuurkii Yuunus c.s., markaasay ku tuureen badda.
[17]. Maadaamana Nabi Yuunus xeebta lagu soo tuuray isagoo aan dub lahayn. Wuxuu Alle u soo saaaray geedkaasi bocorka (aredube, ubo) si uu u harsiiyo oo uga ilaaliyo cayaayin wax yeela.
[18]. Jin waa khalqi aan Aadmigu arag oo ka qarsoon waana jinka iyo malaa’igta.