Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አዝ ዙመር   አንቀጽ:
إِنَّآ أَنزَلۡنَا عَلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَ لِلنَّاسِ بِٱلۡحَقِّۖ فَمَنِ ٱهۡتَدَىٰ فَلِنَفۡسِهِۦۖ وَمَن ضَلَّ فَإِنَّمَا يَضِلُّ عَلَيۡهَاۖ وَمَآ أَنتَ عَلَيۡهِم بِوَكِيلٍ
41. Waxaan kuugu soo dejinnay Kitaabka (Qur’aanka) dadka darti si Xaq ah. Qofkii hanuuna waxay dan u tahay naftiisa, qofkii lumaana isaga uun ka go’an tahay lumitaankiisa, adiguna ma tihid mid xil kaa saaran yahay oo wakiil ka ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱللَّهُ يَتَوَفَّى ٱلۡأَنفُسَ حِينَ مَوۡتِهَا وَٱلَّتِي لَمۡ تَمُتۡ فِي مَنَامِهَاۖ فَيُمۡسِكُ ٱلَّتِي قَضَىٰ عَلَيۡهَا ٱلۡمَوۡتَ وَيُرۡسِلُ ٱلۡأُخۡرَىٰٓ إِلَىٰٓ أَجَلٖ مُّسَمًّىۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَتَفَكَّرُونَ
42. Alle baa oofsada nafaha waqtiga dhimashadooda, iyo kuwaas aan dhiman intay ku jiraan hurdadooda. Wuxuu hayn tii uu ku xukumay dhimashada, wuxuuna soo diri tii kale ilaa iyo muddo magacaaban. Waxaa (arrin)kaasi ugu sugan calaamooyin ciddii fikireysa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمِ ٱتَّخَذُواْ مِن دُونِ ٱللَّهِ شُفَعَآءَۚ قُلۡ أَوَلَوۡ كَانُواْ لَا يَمۡلِكُونَ شَيۡـٔٗا وَلَا يَعۡقِلُونَ
43. Mise ma waxay yeesheen shafeecayaal Alle sokadi? Dheh: Ma xitaa haddayna wax hananeyn, waxnana garaneyn?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُل لِّلَّهِ ٱلشَّفَٰعَةُ جَمِيعٗاۖ لَّهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ ثُمَّ إِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ
44. Dheh: Allaah baa iska leh shafeeco oo dhan; Isagaa leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, Xaggiisaana la idiin soo celin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا ذُكِرَ ٱللَّهُ وَحۡدَهُ ٱشۡمَأَزَّتۡ قُلُوبُ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِۖ وَإِذَا ذُكِرَ ٱلَّذِينَ مِن دُونِهِۦٓ إِذَا هُمۡ يَسۡتَبۡشِرُونَ
45. Marka Alle Keliya la xuso, quluubta kuwaan rumeysneyn Aakhirada way qaloodaan, markase la xuso kuway sokadi (caabudaan), markaasay farxaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلِ ٱللَّهُمَّ فَاطِرَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ عَٰلِمَ ٱلۡغَيۡبِ وَٱلشَّهَٰدَةِ أَنتَ تَحۡكُمُ بَيۡنَ عِبَادِكَ فِي مَا كَانُواْ فِيهِ يَخۡتَلِفُونَ
46. Dheh: Allahayow, uumaha cirarka iyo dhulkow, Ogsoonaha waxa qarsoon iyo waxa muuqdow. Adiga (Keliyaa) u kala garsoori addoomahaaga waxay isku khilaafaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَوۡ أَنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُواْ مَا فِي ٱلۡأَرۡضِ جَمِيعٗا وَمِثۡلَهُۥ مَعَهُۥ لَٱفۡتَدَوۡاْ بِهِۦ مِن سُوٓءِ ٱلۡعَذَابِ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۚ وَبَدَا لَهُم مِّنَ ٱللَّهِ مَا لَمۡ يَكُونُواْ يَحۡتَسِبُونَ
47. Haddii kuwa dulmiga (shirkiga iyo macaasida) fala ay lahaan lahaayeen waxa yaal dhulka oo dhan iyo wax le’eg oo wehliya way iskaga furan lahaayeen xumaanta cadaabka Maalinta Qiyaamaha; waxaana uga muuqan xagga Alle wax aysan marnaba maleysanaynin9.
9. Aanay fileyn oo ah Cadhadiisa iyo Ciqaabkiisa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አዝ ዙመር
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት