Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አዝ ዙመር   አንቀጽ:
وَبَدَا لَهُمۡ سَيِّـَٔاتُ مَا كَسَبُواْ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ
48. Waxaana u muuqan (ciqaabka) xumaantay kasbadeen, oo waxaa ku dhici waxay ku jees-jeesi jireen (oo cadaab ah).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَإِذَا مَسَّ ٱلۡإِنسَٰنَ ضُرّٞ دَعَانَا ثُمَّ إِذَا خَوَّلۡنَٰهُ نِعۡمَةٗ مِّنَّا قَالَ إِنَّمَآ أُوتِيتُهُۥ عَلَىٰ عِلۡمِۭۚ بَلۡ هِيَ فِتۡنَةٞ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ
49. Markuu dhib taabato Aadmiga, wuu na baryaa, markaanse siinno nicmo Xaggayaga ah wuxuu yidhaahdaa: Wax kale ma’ahee’ waxaa uun laygu siiyey aqoonta (aan u leeyahay jidadka lagu helo), mayee’ waa imtixaan, badankooduse ma oga.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَدۡ قَالَهَا ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ فَمَآ أَغۡنَىٰ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ
50. Kuwii ka horreeyey baa sidaas yidhi, waxbase uma tarin waxay kasbadeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَصَابَهُمۡ سَيِّـَٔاتُ مَا كَسَبُواْۚ وَٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ مِنۡ هَٰٓؤُلَآءِ سَيُصِيبُهُمۡ سَيِّـَٔاتُ مَا كَسَبُواْ وَمَا هُم بِمُعۡجِزِينَ
51. Markaasaa waxaa ku dhacay xumaanta waxay kasbadeen; oo kuwaa fala dulmiga ee ka mid ah kuwani waxaa iyagana ku dhici doona xumaanta waxay kasbadaan, mana baxsan karaan10.
10. Macnaha waa ma karaan inay ka joojiyaan Allaah inuu falo waxa uu doono ama inay ka fakadaan Ciqaabkiisa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَوَلَمۡ يَعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقۡدِرُۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ
52. Miyeyna ogeyn inuu Alle u fidiyo risiqa cidduu doono, oo ku cidhiidhiyo (cidduu doono). Arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii rumeyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ قُلۡ يَٰعِبَادِيَ ٱلَّذِينَ أَسۡرَفُواْ عَلَىٰٓ أَنفُسِهِمۡ لَا تَقۡنَطُواْ مِن رَّحۡمَةِ ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ يَغۡفِرُ ٱلذُّنُوبَ جَمِيعًاۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ
53. Dheh: Addoomahaygow ku xad-gudbay nafahooda, ha ka quusannina Naxariista Alle; Alle wuu dhaafaa denbiyada oo dhan11. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
11. Waa waxaan ahayn qofkii ku dhinta shirki ama gaalnimo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنِيبُوٓاْ إِلَىٰ رَبِّكُمۡ وَأَسۡلِمُواْ لَهُۥ مِن قَبۡلِ أَن يَأۡتِيَكُمُ ٱلۡعَذَابُ ثُمَّ لَا تُنصَرُونَ
54. Oo u noqda xagga Rabbigiin idinkoo toobad keen ah, una hoggaansama ka hor intaanu idin imaan cadaabku, markaasoo aan la idiin gargaareyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱتَّبِعُوٓاْ أَحۡسَنَ مَآ أُنزِلَ إِلَيۡكُم مِّن رَّبِّكُم مِّن قَبۡلِ أَن يَأۡتِيَكُمُ ٱلۡعَذَابُ بَغۡتَةٗ وَأَنتُمۡ لَا تَشۡعُرُونَ
55. Raaca kan wanaagga badan ee la idiinka soo dejiyey xagga Rabbigiin (Qur’aanka), ka hor intaanu kedis idiinku imaan cadaabku, idinkoon dareemeyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَن تَقُولَ نَفۡسٞ يَٰحَسۡرَتَىٰ عَلَىٰ مَا فَرَّطتُ فِي جَنۢبِ ٱللَّهِ وَإِن كُنتُ لَمِنَ ٱلسَّٰخِرِينَ
56. Si ayan nafi u odhan12: Alla waxaan ku gabood falay oo ka gaabiyey caabudidda Alle, waxaana ka mid ahaa kuwa ku jees-jeesa (Xaqa).
12. Maalinta Qiyaamaha
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አዝ ዙመር
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት