Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ፉሲለት   አንቀጽ:

Fussilat

حمٓ
1. Xaa Miim.2
1. Fussilat : (Aayado cad).Waxaa sidoo kale Suuraddan lagu magacaabaa Xaa Miim As-Sajdah.
2. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
تَنزِيلٞ مِّنَ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
2. Soo dejinta (Waxyigan) waa xagga (Alle) Naxariistaha, Naxariista Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كِتَٰبٞ فُصِّلَتۡ ءَايَٰتُهُۥ قُرۡءَانًا عَرَبِيّٗا لِّقَوۡمٖ يَعۡلَمُونَ
3. Waa Kitaab Aayadihiisu cad yihiin, Qur'aan af Carabi ah ciddii wax garan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
بَشِيرٗا وَنَذِيرٗا فَأَعۡرَضَ أَكۡثَرُهُمۡ فَهُمۡ لَا يَسۡمَعُونَ
4. Waa u bishaareeye (Qofkii rumeeya Towxiidka) iyo u dige (qofkii u shariig yeela Alle oo xuma fala), waase ka jeesadeen badankoodu, marka wax ma maqlaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالُواْ قُلُوبُنَا فِيٓ أَكِنَّةٖ مِّمَّا تَدۡعُونَآ إِلَيۡهِ وَفِيٓ ءَاذَانِنَا وَقۡرٞ وَمِنۢ بَيۡنِنَا وَبَيۡنِكَ حِجَابٞ فَٱعۡمَلۡ إِنَّنَا عَٰمِلُونَ
5. Waxay yidhaahdeen: Quluubtayadu waa ka daboolan yihiin waxaad noogu yeedhi (Islaamka), waxaana ah culeys dhegahayaga, daah baana xidhan dhexdeenna innaga iyo adiga, ee camal falo; innaguna sidoo kale waanu camal falan3.
3. U shaqeeya diintiinna, innaguna waynu u shaqeyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ إِنَّمَآ أَنَا۠ بَشَرٞ مِّثۡلُكُمۡ يُوحَىٰٓ إِلَيَّ أَنَّمَآ إِلَٰهُكُمۡ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞ فَٱسۡتَقِيمُوٓاْ إِلَيۡهِ وَٱسۡتَغۡفِرُوهُۗ وَوَيۡلٞ لِّلۡمُشۡرِكِينَ
6. Dheh: Anigu waxaan uun ahay qof idinla mid ah, waxaa la ii waxyooday inuu ilaahiinnu yahay Ilaah keliya (Allaah aan wax shariig ah lahayn), ee raaca dhabbaha toosan Xaggiisa ah, weydiistana denbi dhaaf, Hoogna waxaa leh Mushrikiinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَهُم بِٱلۡأٓخِرَةِ هُمۡ كَٰفِرُونَ
7. Kuwa aan (ka daahirin naftooda shirkiga, salaad tukan oo aan) bixin Zakada, ahna kuwo aan Aakhiro rumeysnayn (iyo Janno iyo Naar).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُمۡ أَجۡرٌ غَيۡرُ مَمۡنُونٖ
8. Hubaal, kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala. Waxay leeyihiin abaal gud aan go’eynin (Janno).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ قُلۡ أَئِنَّكُمۡ لَتَكۡفُرُونَ بِٱلَّذِي خَلَقَ ٱلۡأَرۡضَ فِي يَوۡمَيۡنِ وَتَجۡعَلُونَ لَهُۥٓ أَندَادٗاۚ ذَٰلِكَ رَبُّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
9. Dheh: Ma waxaad ku gaaloobeysaan Kan (Allaah ee) ku abuuray arlada labo maalmood oo u yeeleysaan shariigyo (xagga cibaadada)? Kaasi waa Rabbiga uumanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَجَعَلَ فِيهَا رَوَٰسِيَ مِن فَوۡقِهَا وَبَٰرَكَ فِيهَا وَقَدَّرَ فِيهَآ أَقۡوَٰتَهَا فِيٓ أَرۡبَعَةِ أَيَّامٖ سَوَآءٗ لِّلسَّآئِلِينَ
10. Wuxuu yeelay dhulka dhexdiisa buuro ka kor ah oo sugan, wuuna barakeeyey oo u qaddaray cuntooyinkeeda afar maalmood gudahood siman ciddii ku weydiisa 'uunka'.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰٓ إِلَى ٱلسَّمَآءِ وَهِيَ دُخَانٞ فَقَالَ لَهَا وَلِلۡأَرۡضِ ٱئۡتِيَا طَوۡعًا أَوۡ كَرۡهٗا قَالَتَآ أَتَيۡنَا طَآئِعِينَ
11. Kaddib Wuxuu u qasday xagga samada oo qiiq ah, markaasuu wuxuu ku yidhi iyada iyo arlada: "Ku ahaada samo iyo arlo Amarkayga) oggolaan ama khasab; waxay yidhaahdeen: Waxaanu nimid innagoo ku adeecsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ፉሲለት
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት