Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ፉሲለት   አንቀጽ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ قَالُواْ رَبُّنَا ٱللَّهُ ثُمَّ ٱسۡتَقَٰمُواْ تَتَنَزَّلُ عَلَيۡهِمُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ أَلَّا تَخَافُواْ وَلَا تَحۡزَنُواْ وَأَبۡشِرُواْ بِٱلۡجَنَّةِ ٱلَّتِي كُنتُمۡ تُوعَدُونَ
30. Hubaal, kuwa yidhaahda: Rabbigayo waa Allaah, markaa haya oo ku socda jidka toosan (ee Islaamka) malaa’igtaa ku soo degta (waqtiga dhimashadooda iyagoo leh): Ha cabsannina, hana murugoonnina, kuna bishaareysta Jannadii la idiin yaboohay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
نَحۡنُ أَوۡلِيَآؤُكُمۡ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَفِي ٱلۡأٓخِرَةِۖ وَلَكُمۡ فِيهَا مَا تَشۡتَهِيٓ أَنفُسُكُمۡ وَلَكُمۡ فِيهَا مَا تَدَّعُونَ
31. Annagaa ah gargaarayaashiin nolosha adduunkan iyo Aakhiradaba, waxaadna leedihiin gudaheeda waxay nafahiinnu doonaan, oo waxaad leedihiin gudaheeda waxaad dalabtaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
نُزُلٗا مِّنۡ غَفُورٖ رَّحِيمٖ
32. Waa martiqaad xagga (Alle) Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَنۡ أَحۡسَنُ قَوۡلٗا مِّمَّن دَعَآ إِلَى ٱللَّهِ وَعَمِلَ صَٰلِحٗا وَقَالَ إِنَّنِي مِنَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ
33. Yaa ka hadal wanaagsan kan ugu baaqa (dadka) xagga Alle, kaasoo isagu naf ahaantiisa sama fala oo yidhaahda: Waxaan anigu ka mid ahay Muslimiinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا تَسۡتَوِي ٱلۡحَسَنَةُ وَلَا ٱلسَّيِّئَةُۚ ٱدۡفَعۡ بِٱلَّتِي هِيَ أَحۡسَنُ فَإِذَا ٱلَّذِي بَيۡنَكَ وَبَيۡنَهُۥ عَدَٰوَةٞ كَأَنَّهُۥ وَلِيٌّ حَمِيمٞ
34. Ma sinna samaanta iyo xumaantu, ku qaabil (xumaha) waxa wax u wanaagsan (cafis iyo masaamax iyo asxaan fal), markaas eeg! Kii ay idiin dhexeysay isaga iyo adiga cadaawadi (wuxuu noqonayaa) sidii saaxiib aad isku weyn tihiin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا يُلَقَّىٰهَآ إِلَّا ٱلَّذِينَ صَبَرُواْ وَمَا يُلَقَّىٰهَآ إِلَّا ذُو حَظٍّ عَظِيمٖ
35. Lama siiyo (tilmaantaa la soo xusay) waxaan ahayn kuwa samir yeesha, oo lama siiyo waxaan aheyn mid leh nasiib weyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِمَّا يَنزَغَنَّكَ مِنَ ٱلشَّيۡطَٰنِ نَزۡغٞ فَٱسۡتَعِذۡ بِٱللَّهِۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
36. Hadduu ku waswaasiyo shaydaan waswaasin (kuugu yeedho xume fal iyo cadho) ka magan gal Alle. Hubaal waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمِنۡ ءَايَٰتِهِ ٱلَّيۡلُ وَٱلنَّهَارُ وَٱلشَّمۡسُ وَٱلۡقَمَرُۚ لَا تَسۡجُدُواْ لِلشَّمۡسِ وَلَا لِلۡقَمَرِ وَٱسۡجُدُواْۤ لِلَّهِۤ ٱلَّذِي خَلَقَهُنَّ إِن كُنتُمۡ إِيَّاهُ تَعۡبُدُونَ
37. Calaamooyinka (Alle ee muujin Weynadiisa iyo Waxdaaniyadiisa) waxaa ka mid ah habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa. Ha u sujuudina qorraxda iyo dayaxa midna ee u sujuuda Alle (Keliya) ee abuuray, haddaad Isaga uun caabudi12.
12. Macnaha waa ha caabudina Alle idinkoo u maraya uumankiisa, e caabuda si toos ah Keligi idinkoo aan waxba la wadaajin cibaadada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَإِنِ ٱسۡتَكۡبَرُواْ فَٱلَّذِينَ عِندَ رَبِّكَ يُسَبِّحُونَ لَهُۥ بِٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِ وَهُمۡ لَا يَسۡـَٔمُونَ۩
38. Hadday iska kibriyaan (cibaadada), kuwaa ah Rabbigaa agtiisa (malaa’igta) baa u tasbiixsada habeen iyo maalinba kamana daalaan (caabudiddiisa).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ፉሲለት
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት