Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 嘎萨特   段:
إِنَّ ٱلَّذِينَ قَالُواْ رَبُّنَا ٱللَّهُ ثُمَّ ٱسۡتَقَٰمُواْ تَتَنَزَّلُ عَلَيۡهِمُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ أَلَّا تَخَافُواْ وَلَا تَحۡزَنُواْ وَأَبۡشِرُواْ بِٱلۡجَنَّةِ ٱلَّتِي كُنتُمۡ تُوعَدُونَ
30. Hubaal, kuwa yidhaahda: Rabbigayo waa Allaah, markaa haya oo ku socda jidka toosan (ee Islaamka) malaa’igtaa ku soo degta (waqtiga dhimashadooda iyagoo leh): Ha cabsannina, hana murugoonnina, kuna bishaareysta Jannadii la idiin yaboohay.
阿拉伯语经注:
نَحۡنُ أَوۡلِيَآؤُكُمۡ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَفِي ٱلۡأٓخِرَةِۖ وَلَكُمۡ فِيهَا مَا تَشۡتَهِيٓ أَنفُسُكُمۡ وَلَكُمۡ فِيهَا مَا تَدَّعُونَ
31. Annagaa ah gargaarayaashiin nolosha adduunkan iyo Aakhiradaba, waxaadna leedihiin gudaheeda waxay nafahiinnu doonaan, oo waxaad leedihiin gudaheeda waxaad dalabtaan.
阿拉伯语经注:
نُزُلٗا مِّنۡ غَفُورٖ رَّحِيمٖ
32. Waa martiqaad xagga (Alle) Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
阿拉伯语经注:
وَمَنۡ أَحۡسَنُ قَوۡلٗا مِّمَّن دَعَآ إِلَى ٱللَّهِ وَعَمِلَ صَٰلِحٗا وَقَالَ إِنَّنِي مِنَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ
33. Yaa ka hadal wanaagsan kan ugu baaqa (dadka) xagga Alle, kaasoo isagu naf ahaantiisa sama fala oo yidhaahda: Waxaan anigu ka mid ahay Muslimiinta.
阿拉伯语经注:
وَلَا تَسۡتَوِي ٱلۡحَسَنَةُ وَلَا ٱلسَّيِّئَةُۚ ٱدۡفَعۡ بِٱلَّتِي هِيَ أَحۡسَنُ فَإِذَا ٱلَّذِي بَيۡنَكَ وَبَيۡنَهُۥ عَدَٰوَةٞ كَأَنَّهُۥ وَلِيٌّ حَمِيمٞ
34. Ma sinna samaanta iyo xumaantu, ku qaabil (xumaha) waxa wax u wanaagsan (cafis iyo masaamax iyo asxaan fal), markaas eeg! Kii ay idiin dhexeysay isaga iyo adiga cadaawadi (wuxuu noqonayaa) sidii saaxiib aad isku weyn tihiin.
阿拉伯语经注:
وَمَا يُلَقَّىٰهَآ إِلَّا ٱلَّذِينَ صَبَرُواْ وَمَا يُلَقَّىٰهَآ إِلَّا ذُو حَظٍّ عَظِيمٖ
35. Lama siiyo (tilmaantaa la soo xusay) waxaan ahayn kuwa samir yeesha, oo lama siiyo waxaan aheyn mid leh nasiib weyn.
阿拉伯语经注:
وَإِمَّا يَنزَغَنَّكَ مِنَ ٱلشَّيۡطَٰنِ نَزۡغٞ فَٱسۡتَعِذۡ بِٱللَّهِۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
36. Hadduu ku waswaasiyo shaydaan waswaasin (kuugu yeedho xume fal iyo cadho) ka magan gal Alle. Hubaal waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.
阿拉伯语经注:
وَمِنۡ ءَايَٰتِهِ ٱلَّيۡلُ وَٱلنَّهَارُ وَٱلشَّمۡسُ وَٱلۡقَمَرُۚ لَا تَسۡجُدُواْ لِلشَّمۡسِ وَلَا لِلۡقَمَرِ وَٱسۡجُدُواْۤ لِلَّهِۤ ٱلَّذِي خَلَقَهُنَّ إِن كُنتُمۡ إِيَّاهُ تَعۡبُدُونَ
37. Calaamooyinka (Alle ee muujin Weynadiisa iyo Waxdaaniyadiisa) waxaa ka mid ah habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa. Ha u sujuudina qorraxda iyo dayaxa midna ee u sujuuda Alle (Keliya) ee abuuray, haddaad Isaga uun caabudi12.
12. Macnaha waa ha caabudina Alle idinkoo u maraya uumankiisa, e caabuda si toos ah Keligi idinkoo aan waxba la wadaajin cibaadada.
阿拉伯语经注:
فَإِنِ ٱسۡتَكۡبَرُواْ فَٱلَّذِينَ عِندَ رَبِّكَ يُسَبِّحُونَ لَهُۥ بِٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِ وَهُمۡ لَا يَسۡـَٔمُونَ۩
38. Hadday iska kibriyaan (cibaadada), kuwaa ah Rabbigaa agtiisa (malaa’igta) baa u tasbiixsada habeen iyo maalinba kamana daalaan (caabudiddiisa).
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 嘎萨特
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭