የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ አል ጃሲያህ   አንቀጽ:

Suurada Al-jaathiya

حمٓ
1. Xaa Miim2.
1. Al-Jaathiyah: Jilbo ku joogsiga (ehlu Naarka) iyagoo cago jiid ah.
2. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2: Aayadda 1.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
تَنزِيلُ ٱلۡكِتَٰبِ مِنَ ٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَكِيمِ
2. Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka) waa xagga Alle, Adkaadaha, Xakiimka ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ لَأٓيَٰتٖ لِّلۡمُؤۡمِنِينَ
3. Waxaa samooyinka iyo arlada ugu sugan calaamooyin mu’miniinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَفِي خَلۡقِكُمۡ وَمَا يَبُثُّ مِن دَآبَّةٍ ءَايَٰتٞ لِّقَوۡمٖ يُوقِنُونَ
4.Iyo abuuristiinnaba iyo wuxuu (Alle) ku fidiyey (ku abuuray dhulka) oo nafley socota ah, waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii yaqiinsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱخۡتِلَٰفِ ٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِ وَمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مِن رِّزۡقٖ فَأَحۡيَا بِهِ ٱلۡأَرۡضَ بَعۡدَ مَوۡتِهَا وَتَصۡرِيفِ ٱلرِّيَٰحِ ءَايَٰتٞ لِّقَوۡمٖ يَعۡقِلُونَ
5. Iyo isdhaafka habeenka iyo maalinta iyo waxa uu Alle ka soo dejiyo daruuraha oo risiq (roob) ah, markaas uu ku nooleeyo arlada dhimashadeeda kaddib, iyo gadgaddoonka dabeylaha waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii fahmi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱللَّهِ نَتۡلُوهَا عَلَيۡكَ بِٱلۡحَقِّۖ فَبِأَيِّ حَدِيثِۭ بَعۡدَ ٱللَّهِ وَءَايَٰتِهِۦ يُؤۡمِنُونَ
6. Kuwakani waa Aayadaha Ilaahay aan kuugu akhrinno (Nabiyow) si xaq ah, ee hadalkee bay Alle iyo Aayadihiisa kaddib rumeyn?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيۡلٞ لِّكُلِّ أَفَّاكٍ أَثِيمٖ
7. Hoog waxaa leh beenaale kastoo denbiile ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَسۡمَعُ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِ ثُمَّ يُصِرُّ مُسۡتَكۡبِرٗا كَأَن لَّمۡ يَسۡمَعۡهَاۖ فَبَشِّرۡهُ بِعَذَابٍ أَلِيمٖ
8. Ee maqla Aayadaha Ilaahay oo loo akhriyo, haddana ka dhega adayga isagoo islaweyn sida inaanu maqalba. Ee ugu bishaaree cadaab xanuun badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا عَلِمَ مِنۡ ءَايَٰتِنَا شَيۡـًٔا ٱتَّخَذَهَا هُزُوًاۚ أُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ عَذَابٞ مُّهِينٞ
9. Markuu wax ka ogaadana Aayadahayaga, wuxuu ka dhigtaa jees-jees. Kuwaa weeye kuwa mudan cadaab dulleysa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مِّن وَرَآئِهِمۡ جَهَنَّمُۖ وَلَا يُغۡنِي عَنۡهُم مَّا كَسَبُواْ شَيۡـٔٗا وَلَا مَا ٱتَّخَذُواْ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَوۡلِيَآءَۖ وَلَهُمۡ عَذَابٌ عَظِيمٌ
10. Waxaa ka dambeysa Naar, waxna uma taraan waxay kasbadeen, iyo midna kuwaa ay ka dhigteen awliyo (gargaarayaal, sokeeyayaal, ama difaacayaal) Alle ka sokow, waxayna leeyihiin cadaab Daran.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
هَٰذَا هُدٗىۖ وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمۡ لَهُمۡ عَذَابٞ مِّن رِّجۡزٍ أَلِيمٌ
11. Kani (Qur'aanku) waa hanuun. Kuwase rumeyn diida Aayadaha Rabbigood, waxay leeyihiin cadaab daran oo xanuun badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ ٱللَّهُ ٱلَّذِي سَخَّرَ لَكُمُ ٱلۡبَحۡرَ لِتَجۡرِيَ ٱلۡفُلۡكُ فِيهِ بِأَمۡرِهِۦ وَلِتَبۡتَغُواْ مِن فَضۡلِهِۦ وَلَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ
12. Alle waa Kan idiin sakhiray badda, si ay ugu socdaan Doonyuhu dhexdeeda Amarkiisa, iyo si aad u raadsataan Deeqdiisa, iyo inaad ku mahdisaan (af, uur, iyo addinba).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَسَخَّرَ لَكُم مَّا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِ جَمِيعٗا مِّنۡهُۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَتَفَكَّرُونَ
13. Wuxuu kaloo idiin sakhirayna waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, dhammaan waa Gallad iyo Naxariis Xaggiisa ah. Waxaa (arrin) kani ugu sugan calaamooyin ciddii fikiri.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُل لِّلَّذِينَ ءَامَنُواْ يَغۡفِرُواْ لِلَّذِينَ لَا يَرۡجُونَ أَيَّامَ ٱللَّهِ لِيَجۡزِيَ قَوۡمَۢا بِمَا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ
14. Waxaad ku dhahdaa kuwa (Xaqa) rumeeyey inay iska3 dhaafaan kuwa aan ka rajo qabin Ayaamaha Alle, si uu ugu abaal mariyo qolo waxay kasbadeen.
3. Waa billowgii baaqa Islaamka ka hor inta aan la idmin jihaadka.
4. Ayaamaha Alle waxaa loola jeedaa maalmihii uu Alle ku soo dejiyey gaalada cadaabka, oo badbaadiyey kuwa xaqa rumeeyey.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَنۡ عَمِلَ صَٰلِحٗا فَلِنَفۡسِهِۦۖ وَمَنۡ أَسَآءَ فَعَلَيۡهَاۖ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّكُمۡ تُرۡجَعُونَ
15. Qofkii sama fala naftiisay dan u tahay, kiina xumaan fala waa dushiisa. Waxaana dib la idiinku soo celin xagga Rabbigiin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡحُكۡمَ وَٱلنُّبُوَّةَ وَرَزَقۡنَٰهُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَٰتِ وَفَضَّلۡنَٰهُمۡ عَلَى ٱلۡعَٰلَمِينَ
16. Waxaan dhab ahaan siinnay ilmahii Israa’iil Kitaabka (Towraadda) iyo xukun5 iyo Nabinnimo, waxaana ku arsaaqnay waxyaalaha wanaagsan, oo ka faddilnay dadkii (waqtigoodii).
5. Al-Xukma waxaa loola jeedaa fahanka caqiidada iyo xeerarka islaamka iyo ku dhaqankooda iyo garsoor wanaagsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَءَاتَيۡنَٰهُم بَيِّنَٰتٖ مِّنَ ٱلۡأَمۡرِۖ فَمَا ٱخۡتَلَفُوٓاْ إِلَّا مِنۢ بَعۡدِ مَا جَآءَهُمُ ٱلۡعِلۡمُ بَغۡيَۢا بَيۡنَهُمۡۚ إِنَّ رَبَّكَ يَقۡضِي بَيۡنَهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ فِيمَا كَانُواْ فِيهِ يَخۡتَلِفُونَ
17. Waxaanu siinnay xujooyin cad oo arrimaha nolosha la xiriira, ismana khilaafin kaddib intuu u yimid cilmiga maahee, xasad dhexdooda ah awgi. Rabbigaa waa u kala garsoori dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafsanaayeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ جَعَلۡنَٰكَ عَلَىٰ شَرِيعَةٖ مِّنَ ٱلۡأَمۡرِ فَٱتَّبِعۡهَا وَلَا تَتَّبِعۡ أَهۡوَآءَ ٱلَّذِينَ لَا يَعۡلَمُونَ
18. Markaas waxaanu kuu yeelnay waddo cad oo amar (keenna) ah ee raac, hana raacin hawada kuwaan wax ogeyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّهُمۡ لَن يُغۡنُواْ عَنكَ مِنَ ٱللَّهِ شَيۡـٔٗاۚ وَإِنَّ ٱلظَّٰلِمِينَ بَعۡضُهُمۡ أَوۡلِيَآءُ بَعۡضٖۖ وَٱللَّهُ وَلِيُّ ٱلۡمُتَّقِينَ
19. Iyagu kaagama taraan xagga Alle waxba; daalimiintana waa isu sokeeye qaarba qaarka kale. Allena waa Gargaaraha kuwa iska jira (xumaha).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
هَٰذَا بَصَٰٓئِرُ لِلنَّاسِ وَهُدٗى وَرَحۡمَةٞ لِّقَوۡمٖ يُوقِنُونَ
20.Kuwakani waa u xujooyin cad dadka, iyo hanuun iyo naxariis ciddii wax yaqiinsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ حَسِبَ ٱلَّذِينَ ٱجۡتَرَحُواْ ٱلسَّيِّـَٔاتِ أَن نَّجۡعَلَهُمۡ كَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ سَوَآءٗ مَّحۡيَاهُمۡ وَمَمَاتُهُمۡۚ سَآءَ مَا يَحۡكُمُونَ
21. Mise waxay moodaan kuwa kasbada xumaha inaan la mid dhigeyno kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, oo noloshooda6 iyo geeridooda sinnaan? Xumaa siday wax u xukumaan.
6. Tafsiir kale waa: Xumaan falayaasha waa isku mid noloshooda iyo geeridooda. Macnaha waa ma aqbalaan hanuunka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَخَلَقَ ٱللَّهُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ بِٱلۡحَقِّ وَلِتُجۡزَىٰ كُلُّ نَفۡسِۭ بِمَا كَسَبَتۡ وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ
22. Allaah wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada xaq iyo in naf waliba laga abaal mariyo waxay kasbatay iyagoon la dulmineyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَرَءَيۡتَ مَنِ ٱتَّخَذَ إِلَٰهَهُۥ هَوَىٰهُ وَأَضَلَّهُ ٱللَّهُ عَلَىٰ عِلۡمٖ وَخَتَمَ عَلَىٰ سَمۡعِهِۦ وَقَلۡبِهِۦ وَجَعَلَ عَلَىٰ بَصَرِهِۦ غِشَٰوَةٗ فَمَن يَهۡدِيهِ مِنۢ بَعۡدِ ٱللَّهِۚ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ
23. Ka warran mid ka yeesha hawadiisa ilaahiisa, oo Alle u lumiyey ogaal oo daboolay maqalkiisa iyo qalbigiisa, yeelayna caad araggiisa. Yaa hanuunin Alle kaddib? Miyeydaan waansameyn?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالُواْ مَا هِيَ إِلَّا حَيَاتُنَا ٱلدُّنۡيَا نَمُوتُ وَنَحۡيَا وَمَا يُهۡلِكُنَآ إِلَّا ٱلدَّهۡرُۚ وَمَا لَهُم بِذَٰلِكَ مِنۡ عِلۡمٍۖ إِنۡ هُمۡ إِلَّا يَظُنُّونَ
24. Waxay yidhaahdeen: Ma jirto waxaan ahayn noloshayada adduunkan, waa iska noolaannaa7 oo dhimannaa namana halaagaan waxaan aheyn waayaha. umase laha (arrin)kaasi wax cilmi ah, way uun iska malo awaali.
7. Macnaha waa dad baa dhinta qaar kale dhashaan, oo lagu beddelaa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتُنَا بَيِّنَٰتٖ مَّا كَانَ حُجَّتَهُمۡ إِلَّآ أَن قَالُواْ ٱئۡتُواْ بِـَٔابَآئِنَآ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
25. Marka Aayadahayaga cad loo akhriyo, dooddoodu ma aha wax kale aan aheyn inay yidhaahdaan: (Dib) Noogu keena aabbayaashayo (meytan) haddaad run sheegaysaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلِ ٱللَّهُ يُحۡيِيكُمۡ ثُمَّ يُمِيتُكُمۡ ثُمَّ يَجۡمَعُكُمۡ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ لَا رَيۡبَ فِيهِ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ
26. Dheh: Alle baa idin nooleyn, haddana idin dhinsiin, haddana idiin soo kulmin Maalinta Qiyaamaha aan shaki ku jirin, dadka badankiisuse ma oga.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلِلَّهِ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَيَوۡمَ تَقُومُ ٱلسَّاعَةُ يَوۡمَئِذٖ يَخۡسَرُ ٱلۡمُبۡطِلُونَ
27. Allaah baana iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada. Maalintay Saacadda (Qiyaame) dhacdo, Maalintaasay khasaari ehlu baadilka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَتَرَىٰ كُلَّ أُمَّةٖ جَاثِيَةٗۚ كُلُّ أُمَّةٖ تُدۡعَىٰٓ إِلَىٰ كِتَٰبِهَا ٱلۡيَوۡمَ تُجۡزَوۡنَ مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
28. Waxaadna arki ummad waliba iyagoo jilbo jabsan, ummad kasta waxaa loogu yeedhi Kitaabkii (camalkeeda); Maanta waxaa la idinku abaal marin waxaad fasheen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
هَٰذَا كِتَٰبُنَا يَنطِقُ عَلَيۡكُم بِٱلۡحَقِّۚ إِنَّا كُنَّا نَسۡتَنسِخُ مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
29. Kani waa Kitaabkayaga oo idiinka hadlaya si xaq ah, Waanu qoraynay waxaad camal faleyseen8.
8. Malaa’igta wax qorta baa qoreysey acmaashooda oo dhan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ فَيُدۡخِلُهُمۡ رَبُّهُمۡ فِي رَحۡمَتِهِۦۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡمُبِينُ
30. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo sama falay, Rabbigood wuxuu galin Naxariistiisa (Jannada), taasina waa Liibaanta Cad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَمَّا ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَفَلَمۡ تَكُنۡ ءَايَٰتِي تُتۡلَىٰ عَلَيۡكُمۡ فَٱسۡتَكۡبَرۡتُمۡ وَكُنتُمۡ قَوۡمٗا مُّجۡرِمِينَ
31. Kuwase gaaloobay (waxaa lagu dhihi): Sow ma ahayn Aayadahayga kuwo la idiin akhriyo? Waxaadse aheydeen kuwo isla weyn oo aheydeen qolo denbiilayaal ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا قِيلَ إِنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞ وَٱلسَّاعَةُ لَا رَيۡبَ فِيهَا قُلۡتُم مَّا نَدۡرِي مَا ٱلسَّاعَةُ إِن نَّظُنُّ إِلَّا ظَنّٗا وَمَا نَحۡنُ بِمُسۡتَيۡقِنِينَ
32. Marka la yidhaahdona: Ballan qaadka Ilaahay waa Xaq, Saacadda (Qiyaamana) shaki kuma jiro, waxaad tidhaahdeen: Ma naqaan waxay Saacaddu tahay, waan maleyn uun malo (aan xag jirin), mana nihin kuwo huba (arrinkaasi).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَبَدَا لَهُمۡ سَيِّـَٔاتُ مَا عَمِلُواْ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ
33. Waxaa u muuqan (gaalada) xume waxay faleen (ciqaabteedii), waxaana koobi waxay ku jees-jeesi jireen (oo cadaab ah).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقِيلَ ٱلۡيَوۡمَ نَنسَىٰكُمۡ كَمَا نَسِيتُمۡ لِقَآءَ يَوۡمِكُمۡ هَٰذَا وَمَأۡوَىٰكُمُ ٱلنَّارُ وَمَا لَكُم مِّن نَّٰصِرِينَ
34. Waxaana la odhan: Maanta waan idin halmaameynaa (idiinka tegi Naarta) sida aad u halmaanteen la Kulanka Maalintiinnaan (aydaan ugu diyaar garoobin Towxiid iyo camallo san), hoygiinnuna waa Naarta, mana jiro cid idiin soo gargaari.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ذَٰلِكُم بِأَنَّكُمُ ٱتَّخَذۡتُمۡ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ هُزُوٗا وَغَرَّتۡكُمُ ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَاۚ فَٱلۡيَوۡمَ لَا يُخۡرَجُونَ مِنۡهَا وَلَا هُمۡ يُسۡتَعۡتَبُونَ
35. (Cadaab)kaasi waxaad ku mudateen inaad ka dhigateen Aayadahii Ilaahay jees-jees, noloshii adduunka baana idin hodday. Marka Maanta lagama soo saarayo halkaa, lagamana yeelayo cudur daarasho.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلِلَّهِ ٱلۡحَمۡدُ رَبِّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَرَبِّ ٱلۡأَرۡضِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
36. Ee Ammaan idilkeed iyo Mahadba Alle baa u mudan, Rabbiga samooyinka iyo Rabbiga arlada, Rabbiga uumanka oo dhan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَهُ ٱلۡكِبۡرِيَآءُ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
37. Isagaa (Alle) iska leh Weynaan (oo dhan) samooyinka iyo arlada gudahooda, waana Adkaadaha, Xakiimka ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ አል ጃሲያህ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

የተከበረው ቁርአን ሱማልኛ ቋንቋ መልዕክተ ትርጉም - በዓብደሏህ ሓሰን ያዕቆብ

መዝጋት