Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ጃሲያህ   አንቀጽ:

Al-jaathiya

حمٓ
1. Xaa Miim2.
1. Al-Jaathiyah: Jilbo ku joogsiga (ehlu Naarka) iyagoo cago jiid ah.
2. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
تَنزِيلُ ٱلۡكِتَٰبِ مِنَ ٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَكِيمِ
2. Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka) waa xagga Alle, Adkaadaha, Xakiimka ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ لَأٓيَٰتٖ لِّلۡمُؤۡمِنِينَ
3. Xaqiiq, waxaa samooyinka iyo arlada ugu sugan calaamooyin mu’miniinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَفِي خَلۡقِكُمۡ وَمَا يَبُثُّ مِن دَآبَّةٍ ءَايَٰتٞ لِّقَوۡمٖ يُوقِنُونَ
4.Iyo abuuristiinnaba iyo wuxuu (Alle) ku fidiyey (ku abuuray dhulka) oo nafley socota ah, waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii yaqiinsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱخۡتِلَٰفِ ٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِ وَمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مِن رِّزۡقٖ فَأَحۡيَا بِهِ ٱلۡأَرۡضَ بَعۡدَ مَوۡتِهَا وَتَصۡرِيفِ ٱلرِّيَٰحِ ءَايَٰتٞ لِّقَوۡمٖ يَعۡقِلُونَ
5. Iyo isdhaafka habeenka iyo maalinta iyo waxa uu Alle ka soo dejiyo daruuraha oo risiq (roob) ah, markaas uu ku nooleeyo arlada dhimashadeeda kaddib, iyo gadgaddoonka dabeylaha waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii fahmi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱللَّهِ نَتۡلُوهَا عَلَيۡكَ بِٱلۡحَقِّۖ فَبِأَيِّ حَدِيثِۭ بَعۡدَ ٱللَّهِ وَءَايَٰتِهِۦ يُؤۡمِنُونَ
6. Kuwakani waa Aayadaha Alle aan kuugu akhrinno (Nabiyow) si xaq ah, ee hadalkee bay Alle iyo Aayadihiisa kaddib rumeyn?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيۡلٞ لِّكُلِّ أَفَّاكٍ أَثِيمٖ
7. Hoog waxaa leh beenaale kastoo denbiile ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَسۡمَعُ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِ ثُمَّ يُصِرُّ مُسۡتَكۡبِرٗا كَأَن لَّمۡ يَسۡمَعۡهَاۖ فَبَشِّرۡهُ بِعَذَابٍ أَلِيمٖ
8. Ee maqla Aayadaha Alle oo loo akhriyo, haddana ka dhega adayga isagoo islaweyn sida inaanu maqalba. Ee ugu bishaaree cadaab xanuun badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا عَلِمَ مِنۡ ءَايَٰتِنَا شَيۡـًٔا ٱتَّخَذَهَا هُزُوًاۚ أُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ عَذَابٞ مُّهِينٞ
9. Markuu wax ka ogaadana Aayadahayaga, wuxuu ka dhigtaa jees-jees. Kuwaa weeye kuwa mudan cadaab dulleysa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مِّن وَرَآئِهِمۡ جَهَنَّمُۖ وَلَا يُغۡنِي عَنۡهُم مَّا كَسَبُواْ شَيۡـٔٗا وَلَا مَا ٱتَّخَذُواْ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَوۡلِيَآءَۖ وَلَهُمۡ عَذَابٌ عَظِيمٌ
10. Waxaa ka dambeysa Naar, waxna uma taraan waxay kasbadeen, iyo midna kuwaa ay ka dhigteen awliyo (gargaarayaal ama difaacayaal) Alle ka sokow, waxayna leeyihiin cadaab Daran.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
هَٰذَا هُدٗىۖ وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمۡ لَهُمۡ عَذَابٞ مِّن رِّجۡزٍ أَلِيمٌ
11. Kani (Qur'aanku) waa hanuun. Kuwase ku gaalooba Aayadaha Rabbigood, waxay leeyihiin cadaab daran oo xanuun badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ ٱللَّهُ ٱلَّذِي سَخَّرَ لَكُمُ ٱلۡبَحۡرَ لِتَجۡرِيَ ٱلۡفُلۡكُ فِيهِ بِأَمۡرِهِۦ وَلِتَبۡتَغُواْ مِن فَضۡلِهِۦ وَلَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ
12. Alle waa Kan idiin sakhiray badda, si ay ugu socdaan Doonyuhu dhexdeeda Amarkiisa, iyo si aad u raadsataan Deeqdiisa, iyo inaad ku mahdisaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَسَخَّرَ لَكُم مَّا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِ جَمِيعٗا مِّنۡهُۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَتَفَكَّرُونَ
13. Wuxuu kaloo idiin sakhiray waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, dhammaan waa Gallad iyo Naxariis Xaggiisa ah. Hubaal, waxaa (arrin) kani ugu sugan calaamooyin ciddii fikiri.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ጃሲያህ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት