Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 嘉斯亚   段:

Al-jaathiya

حمٓ
1. Xaa Miim2.
1. Al-Jaathiyah: Jilbo ku joogsiga (ehlu Naarka) iyagoo cago jiid ah.
2. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1.
阿拉伯语经注:
تَنزِيلُ ٱلۡكِتَٰبِ مِنَ ٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَكِيمِ
2. Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka) waa xagga Alle, Adkaadaha, Xakiimka ah.
阿拉伯语经注:
إِنَّ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ لَأٓيَٰتٖ لِّلۡمُؤۡمِنِينَ
3. Xaqiiq, waxaa samooyinka iyo arlada ugu sugan calaamooyin mu’miniinta.
阿拉伯语经注:
وَفِي خَلۡقِكُمۡ وَمَا يَبُثُّ مِن دَآبَّةٍ ءَايَٰتٞ لِّقَوۡمٖ يُوقِنُونَ
4.Iyo abuuristiinnaba iyo wuxuu (Alle) ku fidiyey (ku abuuray dhulka) oo nafley socota ah, waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii yaqiinsan.
阿拉伯语经注:
وَٱخۡتِلَٰفِ ٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِ وَمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مِن رِّزۡقٖ فَأَحۡيَا بِهِ ٱلۡأَرۡضَ بَعۡدَ مَوۡتِهَا وَتَصۡرِيفِ ٱلرِّيَٰحِ ءَايَٰتٞ لِّقَوۡمٖ يَعۡقِلُونَ
5. Iyo isdhaafka habeenka iyo maalinta iyo waxa uu Alle ka soo dejiyo daruuraha oo risiq (roob) ah, markaas uu ku nooleeyo arlada dhimashadeeda kaddib, iyo gadgaddoonka dabeylaha waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii fahmi.
阿拉伯语经注:
تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱللَّهِ نَتۡلُوهَا عَلَيۡكَ بِٱلۡحَقِّۖ فَبِأَيِّ حَدِيثِۭ بَعۡدَ ٱللَّهِ وَءَايَٰتِهِۦ يُؤۡمِنُونَ
6. Kuwakani waa Aayadaha Alle aan kuugu akhrinno (Nabiyow) si xaq ah, ee hadalkee bay Alle iyo Aayadihiisa kaddib rumeyn?
阿拉伯语经注:
وَيۡلٞ لِّكُلِّ أَفَّاكٍ أَثِيمٖ
7. Hoog waxaa leh beenaale kastoo denbiile ah.
阿拉伯语经注:
يَسۡمَعُ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِ ثُمَّ يُصِرُّ مُسۡتَكۡبِرٗا كَأَن لَّمۡ يَسۡمَعۡهَاۖ فَبَشِّرۡهُ بِعَذَابٍ أَلِيمٖ
8. Ee maqla Aayadaha Alle oo loo akhriyo, haddana ka dhega adayga isagoo islaweyn sida inaanu maqalba. Ee ugu bishaaree cadaab xanuun badan.
阿拉伯语经注:
وَإِذَا عَلِمَ مِنۡ ءَايَٰتِنَا شَيۡـًٔا ٱتَّخَذَهَا هُزُوًاۚ أُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ عَذَابٞ مُّهِينٞ
9. Markuu wax ka ogaadana Aayadahayaga, wuxuu ka dhigtaa jees-jees. Kuwaa weeye kuwa mudan cadaab dulleysa.
阿拉伯语经注:
مِّن وَرَآئِهِمۡ جَهَنَّمُۖ وَلَا يُغۡنِي عَنۡهُم مَّا كَسَبُواْ شَيۡـٔٗا وَلَا مَا ٱتَّخَذُواْ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَوۡلِيَآءَۖ وَلَهُمۡ عَذَابٌ عَظِيمٌ
10. Waxaa ka dambeysa Naar, waxna uma taraan waxay kasbadeen, iyo midna kuwaa ay ka dhigteen awliyo (gargaarayaal ama difaacayaal) Alle ka sokow, waxayna leeyihiin cadaab Daran.
阿拉伯语经注:
هَٰذَا هُدٗىۖ وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمۡ لَهُمۡ عَذَابٞ مِّن رِّجۡزٍ أَلِيمٌ
11. Kani (Qur'aanku) waa hanuun. Kuwase ku gaalooba Aayadaha Rabbigood, waxay leeyihiin cadaab daran oo xanuun badan.
阿拉伯语经注:
۞ ٱللَّهُ ٱلَّذِي سَخَّرَ لَكُمُ ٱلۡبَحۡرَ لِتَجۡرِيَ ٱلۡفُلۡكُ فِيهِ بِأَمۡرِهِۦ وَلِتَبۡتَغُواْ مِن فَضۡلِهِۦ وَلَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ
12. Alle waa Kan idiin sakhiray badda, si ay ugu socdaan Doonyuhu dhexdeeda Amarkiisa, iyo si aad u raadsataan Deeqdiisa, iyo inaad ku mahdisaan.
阿拉伯语经注:
وَسَخَّرَ لَكُم مَّا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِ جَمِيعٗا مِّنۡهُۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَتَفَكَّرُونَ
13. Wuxuu kaloo idiin sakhiray waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, dhammaan waa Gallad iyo Naxariis Xaggiisa ah. Hubaal, waxaa (arrin) kani ugu sugan calaamooyin ciddii fikiri.
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 嘉斯亚
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭