የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ ሙሀመድ   አንቀጽ:

Suurada Muxammed

ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَصَدُّواْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ أَضَلَّ أَعۡمَٰلَهُمۡ
1. Kuwa gaalooba oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Alle wuxuu (Alle) burin acmaashooda2.
1. Waxaa sidoo kale Suuraddan loo yaqaan Suurat Al-Qitaal (la daggaalanka cadowga Islaamka).
2. Maadaama ay towxiidka diideen iyo caqiidada saxiixa ah oo dagaal ku yihiin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَءَامَنُواْ بِمَا نُزِّلَ عَلَىٰ مُحَمَّدٖ وَهُوَ ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّهِمۡ كَفَّرَ عَنۡهُمۡ سَيِّـَٔاتِهِمۡ وَأَصۡلَحَ بَالَهُمۡ
2. Kuwase (Xaqa) rumeysan oo fala samaha oo rumeysan (Qur’aanka) lagu soo dejiyey Muxammad oo ah Xaq ka yimid Rabbigood, wuxuu (Alle) ka tiritiri xumahay faleen, hagaajinna xaalkooda3.
3. Si ay u ogaadaan natiijada waxay doorteen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ ٱتَّبَعُواْ ٱلۡبَٰطِلَ وَأَنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّبَعُواْ ٱلۡحَقَّ مِن رَّبِّهِمۡۚ كَذَٰلِكَ يَضۡرِبُ ٱللَّهُ لِلنَّاسِ أَمۡثَٰلَهُمۡ
3. Sidaas waxaa ugu wacan kuwaa gaalooba waxay raacaan been iyo baadil aan jirin, kuwase mu'miniinta ah waxay raacaan Xaqa ka yimid Rabbigood. Sidaasuu Alle ugu soo tusaale qaadaa dadka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَإِذَا لَقِيتُمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فَضَرۡبَ ٱلرِّقَابِ حَتَّىٰٓ إِذَآ أَثۡخَنتُمُوهُمۡ فَشُدُّواْ ٱلۡوَثَاقَ فَإِمَّا مَنَّۢا بَعۡدُ وَإِمَّا فِدَآءً حَتَّىٰ تَضَعَ ٱلۡحَرۡبُ أَوۡزَارَهَاۚ ذَٰلِكَۖ وَلَوۡ يَشَآءُ ٱللَّهُ لَٱنتَصَرَ مِنۡهُمۡ وَلَٰكِن لِّيَبۡلُوَاْ بَعۡضَكُم بِبَعۡضٖۗ وَٱلَّذِينَ قُتِلُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ فَلَن يُضِلَّ أَعۡمَٰلَهُمۡ
4. Ee markaad kula kulantaan dagaal gaalada ka garaaca luqumaha; markaad jabisaanna, ku adkeeya xadhigga (maxaabiista dagaalka)4, intaa kaddib ku sii daaya axsaan fal5 ama ha is furteen jeer ay car-carta dagaalku degto (oo nabaddu faafto). Waa sidaase, haddii Alle doono, Isaga Naf ahaantiisa baa ka aarsan lahaa (dagaal la'aan), waase si uu ugu imtixaano qaarkiinba qaar kale6. Kuwana lagu dilaa Jidka Alle marnaba (Alle) ma luminayo camalladooda.
4. Inta harta u soo qaata qafaal ahaan.
5. Sii daaya idinkoon ka qaadan wax madax furasho ah.
6. Ilaa la dhigo hubka iyo qalabka dagaalka, waxaa loola jeedaa ilaa dagaalka ka dhammaado oo nabaddu faafto.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
سَيَهۡدِيهِمۡ وَيُصۡلِحُ بَالَهُمۡ
5. (Alle) wuu hanuunin kuwaas oo hagaajin xaalkooda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيُدۡخِلُهُمُ ٱلۡجَنَّةَ عَرَّفَهَا لَهُمۡ
6. Wuxuuna gelin janno uu uga yeelay wax ay yaqaanaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِن تَنصُرُواْ ٱللَّهَ يَنصُرۡكُمۡ وَيُثَبِّتۡ أَقۡدَامَكُمۡ
7. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad u gargaartaan (diinta) Alle, Wuu idiin gargaari oo idiin sugi cagahiinna.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فَتَعۡسٗا لَّهُمۡ وَأَضَلَّ أَعۡمَٰلَهُمۡ
8. Kuwase xaqa diida, hoog (iyo halaag) baa u sugnaaday, (Allena) wuu burin camalladooda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ كَرِهُواْ مَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ فَأَحۡبَطَ أَعۡمَٰلَهُمۡ
9. Waxaa sidaas ugu wacan waxay naceen waxa uu Alle soo dejiyey (oo Xaq ah), markaasuu ka yeelay acmaashooda waxaan waxba ka jirin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ أَفَلَمۡ يَسِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَيَنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۖ دَمَّرَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِمۡۖ وَلِلۡكَٰفِرِينَ أَمۡثَٰلُهَا
10. Miyeyna marin dhulka oo fiirin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Alle baa ku keenay baabba7’ dhan, gaaladuna waxay la kulmi isla aayahaas oo kale.
7. Wuu baabbi’iyey iyagoo dhan iyo waxay lahaayeenba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱللَّهَ مَوۡلَى ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَأَنَّ ٱلۡكَٰفِرِينَ لَا مَوۡلَىٰ لَهُمۡ
11. Sidaas waxaa ugu wacan in Alle yahay gargaaraha kuwa rumeysan, gaaladuna ma leh gargaare dhab ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱللَّهَ يُدۡخِلُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُۖ وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ يَتَمَتَّعُونَ وَيَأۡكُلُونَ كَمَا تَأۡكُلُ ٱلۡأَنۡعَٰمُ وَٱلنَّارُ مَثۡوٗى لَّهُمۡ
12. Allaah wuxuu gelin kuwa (xaqa) rumeeyey oo fala samaha beero (Jannooyin) ay hoos qul-qulaan webiyo, kuwa gaalada ahina way iska raaxeystaan oo wax u cunaan sida xooluhu wax u cunaan, Naartana waa hoygooda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَكَأَيِّن مِّن قَرۡيَةٍ هِيَ أَشَدُّ قُوَّةٗ مِّن قَرۡيَتِكَ ٱلَّتِيٓ أَخۡرَجَتۡكَ أَهۡلَكۡنَٰهُمۡ فَلَا نَاصِرَ لَهُمۡ
13. Badanaa inta magaalo ka xoog badan magaaladaada ku soo saartay, aan ha- laagnay,marka ma jirin wax u soo gargaara.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَمَن كَانَ عَلَىٰ بَيِّنَةٖ مِّن رَّبِّهِۦ كَمَن زُيِّنَ لَهُۥ سُوٓءُ عَمَلِهِۦ وَٱتَّبَعُوٓاْ أَهۡوَآءَهُم
14. Ma qof (mu'min ah) xujo cad ka haysta Rabbigi, baa la mid ah qof (gaal)camalkiisa xun loo qurxiyey, oo raaca hawadooda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَّثَلُ ٱلۡجَنَّةِ ٱلَّتِي وُعِدَ ٱلۡمُتَّقُونَۖ فِيهَآ أَنۡهَٰرٞ مِّن مَّآءٍ غَيۡرِ ءَاسِنٖ وَأَنۡهَٰرٞ مِّن لَّبَنٖ لَّمۡ يَتَغَيَّرۡ طَعۡمُهُۥ وَأَنۡهَٰرٞ مِّنۡ خَمۡرٖ لَّذَّةٖ لِّلشَّٰرِبِينَ وَأَنۡهَٰرٞ مِّنۡ عَسَلٖ مُّصَفّٗىۖ وَلَهُمۡ فِيهَا مِن كُلِّ ٱلثَّمَرَٰتِ وَمَغۡفِرَةٞ مِّن رَّبِّهِمۡۖ كَمَنۡ هُوَ خَٰلِدٞ فِي ٱلنَّارِ وَسُقُواْ مَآءً حَمِيمٗا فَقَطَّعَ أَمۡعَآءَهُمۡ
15. Tilmaanta Jannada loo ballan qaaday kuwa ka dhowrsada (xumaha) waa mid gudaheeda ay yihiin webiyo biyo ah oo aan isbeddelin8, iyo webiyo caano ah oo uusan dhadhankoodu marnaba doorsoomin, iyo webiyaal khamro (xalaal) ah oo u macaan kuwa cabba, iyo webiyaal malab ah la saafi yeelay; waxayna ku leeyihiin (Jannada) gudaheeda midho nooc kasta iyo astur xagga Rabbigood, (kuwani) ma la mid baa kuwaa ku waaraya Naarta, lagana waraabin biyo karaya markaas goyn xiidmahooda.
8. Dhadhan iyo caraf ahaanba, ma aha kuwo doorsama ama wasakh gasho.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمِنۡهُم مَّن يَسۡتَمِعُ إِلَيۡكَ حَتَّىٰٓ إِذَا خَرَجُواْ مِنۡ عِندِكَ قَالُواْ لِلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡعِلۡمَ مَاذَا قَالَ ءَانِفًاۚ أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ طَبَعَ ٱللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ وَٱتَّبَعُوٓاْ أَهۡوَآءَهُمۡ
16. Waxaa ka mid ah (munaafiqiinta) kuwo ku dhegaysta (waqtiga khudbadda), markay ka baxaanna agtaada, waxay ku yidhaahdaan kuwaa la siiyey cilmiga9: Muxuu lahaa goor dhoweyd? Kuwan waa kuwa Alle daboolay quluubtooda, waxayna raacaan hawadooda (xun).
9. Ka mid ah asxaabtii Nabiga s.c.w.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِينَ ٱهۡتَدَوۡاْ زَادَهُمۡ هُدٗى وَءَاتَىٰهُمۡ تَقۡوَىٰهُمۡ
17. Kuwa hanuunayna, (Alle) wuxuu u kordhiyaa hanuun, oo uu ku galladeystaa khayr uu waafajiyo iyo shar uu ka fogeeyo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَهَلۡ يَنظُرُونَ إِلَّا ٱلسَّاعَةَ أَن تَأۡتِيَهُم بَغۡتَةٗۖ فَقَدۡ جَآءَ أَشۡرَاطُهَاۚ فَأَنَّىٰ لَهُمۡ إِذَا جَآءَتۡهُمۡ ذِكۡرَىٰهُمۡ
18. Ma waxay sugayaan waxaan ahayn Saacadda (Qiyaame) inay ugu timaaddo kedis? Waxaase yimidba calaamooyinkee- dii, ee sidee bay u waantoobi, markay saacaddu ku dul dhacdo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱعۡلَمۡ أَنَّهُۥ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا ٱللَّهُ وَٱسۡتَغۡفِرۡ لِذَنۢبِكَ وَلِلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِۗ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ مُتَقَلَّبَكُمۡ وَمَثۡوَىٰكُمۡ
19. Ee ogow (kuna sugnow) inuusan jirin Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan aheyn Alle, una denbi dhaaf dalab naftaada iyo mu’miniinta iyo mu’minooyinka. Allena wuu Og yahay socsocodkiinna iyo negaantiinnaba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَقُولُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَوۡلَا نُزِّلَتۡ سُورَةٞۖ فَإِذَآ أُنزِلَتۡ سُورَةٞ مُّحۡكَمَةٞ وَذُكِرَ فِيهَا ٱلۡقِتَالُ رَأَيۡتَ ٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٞ يَنظُرُونَ إِلَيۡكَ نَظَرَ ٱلۡمَغۡشِيِّ عَلَيۡهِ مِنَ ٱلۡمَوۡتِۖ فَأَوۡلَىٰ لَهُمۡ
20. Kuwa (Xaqa) rumeeyey waxay yidhaahdeen: Maxaa Suurad loo soo dejin waayey (na amreysa ku jihaadka gaalada)? Markase la soo dejiyo Suurad cad yahay amarkeedu oo dagaal gal lagu xuso10, waxaad arkaysaa kuwa uu qalbigoodu ku jiro cudur (nifaaq) oo kugu soo fiirin fiiro ruux sakaraatul mowd hayo oo kale. Waxaase la gudboon oo u khayr roonaan lahaa.
10. Suuraddaasoo loogu idmay mu’miniinta inay la dagaal galaan cadowyadooda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
طَاعَةٞ وَقَوۡلٞ مَّعۡرُوفٞۚ فَإِذَا عَزَمَ ٱلۡأَمۡرُ فَلَوۡ صَدَقُواْ ٱللَّهَ لَكَانَ خَيۡرٗا لَّهُمۡ
21. Daacadnimo iyo horaarsan. Markase arrinka la go’aamiyo hadday Alle u run sheegaan baa u khayr badnaan lahayd.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَهَلۡ عَسَيۡتُمۡ إِن تَوَلَّيۡتُمۡ أَن تُفۡسِدُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَتُقَطِّعُوٓاْ أَرۡحَامَكُمۡ
22. Ma laga yaabaa haddaad (Xaqa) ka jeesataan11, inaad fasahaadisaan arlada, oo goysaan qaraabadiinna?
11. Macno kale Ka jeesataan Islaamka ama jihaadka Jidka Alle. Sidoo kale waxa lagu fasiraa haddaad xil iyo jago qabataan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ لَعَنَهُمُ ٱللَّهُ فَأَصَمَّهُمۡ وَأَعۡمَىٰٓ أَبۡصَٰرَهُمۡ
23. Kuwaasi weeye kuwa uu Alle nacladay, markaasuu ka dhego iyo indho tiray (Xaqa).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَلَا يَتَدَبَّرُونَ ٱلۡقُرۡءَانَ أَمۡ عَلَىٰ قُلُوبٍ أَقۡفَالُهَآ
24. Miyeyna u dhug yeelan Qur’aanka mise qufulaa ku xidhan quluubtooda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ ٱرۡتَدُّواْ عَلَىٰٓ أَدۡبَٰرِهِم مِّنۢ بَعۡدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُمُ ٱلۡهُدَى ٱلشَّيۡطَٰنُ سَوَّلَ لَهُمۡ وَأَمۡلَىٰ لَهُمۡ
25. Kuwa riddoobay (gaalnimo ku noqday) kaddib marka hanuunka u caddaaday, shaydaan baa u qurxiyey oo rajo (been ah) geliyay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ قَالُواْ لِلَّذِينَ كَرِهُواْ مَا نَزَّلَ ٱللَّهُ سَنُطِيعُكُمۡ فِي بَعۡضِ ٱلۡأَمۡرِۖ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ إِسۡرَارَهُمۡ
26. Sidaasi waxaa ugu wacan waxay ku yidhaahdeen kuwa nacay12 waxa Alle soo dejiyey oo Waxyi ah: Waxaynu idinku adeeci arrinka qaarkiis (colnimada Nabiga); Allena wuu Og yahay sirahooda.
12. Waxaa loola jeedaa Yuhuudddii Madiina degganayd waagaas.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَكَيۡفَ إِذَا تَوَفَّتۡهُمُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ يَضۡرِبُونَ وُجُوهَهُمۡ وَأَدۡبَٰرَهُمۡ
27. Sidee bayse ahaan, markay malaa’igtu qaadayso nafahooda iyagoo garaacaya wejiyadooda iyo dhabarradooda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمُ ٱتَّبَعُواْ مَآ أَسۡخَطَ ٱللَّهَ وَكَرِهُواْ رِضۡوَٰنَهُۥ فَأَحۡبَطَ أَعۡمَٰلَهُمۡ
28. Sidaasi waxaa ugu wacan waxay raaceen waxa Alle ka cadheysiiya, naceenna waxa raalli geliya. Markaasuu buriyey acmaashooda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ حَسِبَ ٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ أَن لَّن يُخۡرِجَ ٱللَّهُ أَضۡغَٰنَهُمۡ
29. Mise waxay moodaan kuwa uu ku jiro quluubtoodu cudur (munaafiqnimo ah) inuusan Allaah soo saareyn xumaanta laabaha kaga jira?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَوۡ نَشَآءُ لَأَرَيۡنَٰكَهُمۡ فَلَعَرَفۡتَهُم بِسِيمَٰهُمۡۚ وَلَتَعۡرِفَنَّهُمۡ فِي لَحۡنِ ٱلۡقَوۡلِۚ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ أَعۡمَٰلَكُمۡ
30. Haddaan doonno, waan ku tusi karnaa kuwaasi, waxaadna ku garan astaamahoo- da; waxaad kaloo ku garan hadalkooda leexsan. Alle wuu Og yahay camalladiinna.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَنَبۡلُوَنَّكُمۡ حَتَّىٰ نَعۡلَمَ ٱلۡمُجَٰهِدِينَ مِنكُمۡ وَٱلصَّٰبِرِينَ وَنَبۡلُوَاْ أَخۡبَارَكُمۡ
31. Waanu idin imtixaani ilaa aan muujinno kuwiinna jihaadi iyo kuwa samri oo sugnaan, waana imtixaani arrimahiinna.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَصَدُّواْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ وَشَآقُّواْ ٱلرَّسُولَ مِنۢ بَعۡدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُمُ ٱلۡهُدَىٰ لَن يَضُرُّواْ ٱللَّهَ شَيۡـٔٗا وَسَيُحۡبِطُ أَعۡمَٰلَهُمۡ
32. Kuwa gaalooba oo ka hor istaaga (dadka) jidka Alle, khilaafana Rasuulka, kaddib markuu u caddaaday hanuunka, waxna ma yeeli karaan Alle, wuuna burin acmaashooda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُواْ ٱلرَّسُولَ وَلَا تُبۡطِلُوٓاْ أَعۡمَٰلَكُمۡ
33. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Adeeca Allaah oo adeeca Rasuulka, hana burinnina acmaashiinna.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَصَدُّواْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ ثُمَّ مَاتُواْ وَهُمۡ كُفَّارٞ فَلَن يَغۡفِرَ ٱللَّهُ لَهُمۡ
34. Kuwa xaqa diida oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Ilaahay, markaas dhinta iyagoo gaalo ah, Alle sinnaba uguma denbi dhaafo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَا تَهِنُواْ وَتَدۡعُوٓاْ إِلَى ٱلسَّلۡمِ وَأَنتُمُ ٱلۡأَعۡلَوۡنَ وَٱللَّهُ مَعَكُمۡ وَلَن يَتِرَكُمۡ أَعۡمَٰلَكُمۡ
35. Ha tabar darraanina (mu’miniintoy), hana weydiisannina nabad (baryo ah cadowyada Islaamka), idinkaa ka sarreyn, Allena idin la jiraa, mana idinkama nusqaaminayo acmaashiinna.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّمَا ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَا لَعِبٞ وَلَهۡوٞۚ وَإِن تُؤۡمِنُواْ وَتَتَّقُواْ يُؤۡتِكُمۡ أُجُورَكُمۡ وَلَا يَسۡـَٔلۡكُمۡ أَمۡوَٰلَكُمۡ
36. Nolosha adduunkan waa uun ciyaar iyo madaddaalo, haddaad (Xaqa) rumeysaan, oo aad iska jirtaan (xumaha), Wuxuu idin siin abaalkiinna, idinmana weydiisanayo maalkiinna.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِن يَسۡـَٔلۡكُمُوهَا فَيُحۡفِكُمۡ تَبۡخَلُواْ وَيُخۡرِجۡ أَضۡغَٰنَكُمۡ
37. Hadduu idin weydiiyo (maalkiinna dhammaan) idinkuna adkeeyo waad bakhayli laheydeen lexejecli darteed, wuxuuna debedda u soo saari lahaa xiqdigiinna (colnimadiinna).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
هَٰٓأَنتُمۡ هَٰٓؤُلَآءِ تُدۡعَوۡنَ لِتُنفِقُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ فَمِنكُم مَّن يَبۡخَلُۖ وَمَن يَبۡخَلۡ فَإِنَّمَا يَبۡخَلُ عَن نَّفۡسِهِۦۚ وَٱللَّهُ ٱلۡغَنِيُّ وَأَنتُمُ ٱلۡفُقَرَآءُۚ وَإِن تَتَوَلَّوۡاْ يَسۡتَبۡدِلۡ قَوۡمًا غَيۡرَكُمۡ ثُمَّ لَا يَكُونُوٓاْ أَمۡثَٰلَكُم
38. Eega! Waa idinka kuwa loogu yeedho inaad wax ku bixisaan Jidka Ilaahay (jihaadka iyo u gargaarka diinta Alle), waxaase idinku jira kuwo bakhayla, qofkiise bakhayla wuxuu uun ka bakhaylay naftiisa. Alle waa Hodan idinka Deeqtoon, idinkuna waxaad tihiin fuqaro sabool ah. Haddaad (Xaqa) ka jeesataan Wuxuu Alle idinku beddeli qolo kale oo aan idinla mid noqoneyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ ሙሀመድ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

የተከበረው ቁርአን ሱማልኛ ቋንቋ መልዕክተ ትርጉም - በዓብደሏህ ሓሰን ያዕቆብ

መዝጋት