Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ፈትህ   አንቀጽ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ يُبَايِعُونَكَ إِنَّمَا يُبَايِعُونَ ٱللَّهَ يَدُ ٱللَّهِ فَوۡقَ أَيۡدِيهِمۡۚ فَمَن نَّكَثَ فَإِنَّمَا يَنكُثُ عَلَىٰ نَفۡسِهِۦۖ وَمَنۡ أَوۡفَىٰ بِمَا عَٰهَدَ عَلَيۡهُ ٱللَّهَ فَسَيُؤۡتِيهِ أَجۡرًا عَظِيمٗا
10. Hubaal kuwa kugula gala wacad (u hiillinta diinta) Waxay uun Wacad la gali Alle. Gacanta Alle baa ka kor ah gacmahooda2. Ee qofkii ka baxaa wacadkiisa. wuxuu uun uga baxayaa naftii- sa, qofkii oofiyana wuxuu kula galay Alle ballanka, Wuxuu siin Ajar Weyn (Janno).
2. Macnaha waa inuu Allaah Subxaanahuu watacaalaa ka aqbalay wacadka ay galeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
سَيَقُولُ لَكَ ٱلۡمُخَلَّفُونَ مِنَ ٱلۡأَعۡرَابِ شَغَلَتۡنَآ أَمۡوَٰلُنَا وَأَهۡلُونَا فَٱسۡتَغۡفِرۡ لَنَاۚ يَقُولُونَ بِأَلۡسِنَتِهِم مَّا لَيۡسَ فِي قُلُوبِهِمۡۚ قُلۡ فَمَن يَمۡلِكُ لَكُم مِّنَ ٱللَّهِ شَيۡـًٔا إِنۡ أَرَادَ بِكُمۡ ضَرًّا أَوۡ أَرَادَ بِكُمۡ نَفۡعَۢاۚ بَلۡ كَانَ ٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرَۢا
11. Waxay kugu odhan kuwii ka haray (jihaadka) ee ah reer miyiga (deggan Madiinah hareeraheeda): Waxaa na shuqliyey Maalkayaga iyo ehelkayaga, ee noo denbi dhaaf dalab. Waxay ka yidhaahdaan carrabyadooda waxaan ku jirin quluubtooda. Dheh: Yaa idinka celin Alle hadduu idin la doono dhib ama idin la doono dheef? Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
بَلۡ ظَنَنتُمۡ أَن لَّن يَنقَلِبَ ٱلرَّسُولُ وَٱلۡمُؤۡمِنُونَ إِلَىٰٓ أَهۡلِيهِمۡ أَبَدٗا وَزُيِّنَ ذَٰلِكَ فِي قُلُوبِكُمۡ وَظَنَنتُمۡ ظَنَّ ٱلسَّوۡءِ وَكُنتُمۡ قَوۡمَۢا بُورٗا
12. Waxaadse u maleyseen in Rasuulka iyo mu’miniintu aysan u soo noqoneyn ehelkooda weligood, sidaasaana loo qurxiyey quluubtiinna, oo maleyseen malooyin xun, waayo waxaad tihin qoon belo ah (aan khayr lahayn).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَن لَّمۡ يُؤۡمِنۢ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ فَإِنَّآ أَعۡتَدۡنَا لِلۡكَٰفِرِينَ سَعِيرٗا
13. Qofkaan rumeyn Alle iyo Rasuulkiisa, hubaal Waxaanu u diyaarinnay gaalada dab huraya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلِلَّهِ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ يَغۡفِرُ لِمَن يَشَآءُ وَيُعَذِّبُ مَن يَشَآءُۚ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمٗا
14. Allaah baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, wuxuu u denbi dhaafaa qofkuu doono, oo cadaabaa qofkuu doono. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
سَيَقُولُ ٱلۡمُخَلَّفُونَ إِذَا ٱنطَلَقۡتُمۡ إِلَىٰ مَغَانِمَ لِتَأۡخُذُوهَا ذَرُونَا نَتَّبِعۡكُمۡۖ يُرِيدُونَ أَن يُبَدِّلُواْ كَلَٰمَ ٱللَّهِۚ قُل لَّن تَتَّبِعُونَا كَذَٰلِكُمۡ قَالَ ٱللَّهُ مِن قَبۡلُۖ فَسَيَقُولُونَ بَلۡ تَحۡسُدُونَنَاۚ بَلۡ كَانُواْ لَا يَفۡقَهُونَ إِلَّا قَلِيلٗا
15. Waxay kuwaasi ka haray (jihaadka) odhan: Markaad u baxeysaan si aad u soo qaadataan qaniimooyinka (Khaybar): Noo oggolaada inaan idin raacno. Waxay doonayaan inay beddelaan Hadalka Alle. Dheh: Marnaba nama raaceysaan. Sidaasuu Alle horay u yidhi. Markaa waxay odhan: Mayee’ waad na xasdeysaan.Waase kuwo aan wax fahmeyn in yar mooyee3.
3. Ee diinta.Waa caado qaatayaal aan aqoon waxaan ahayn dheef adduunyo oo soori qaadday.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ፈትህ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት