Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ሙልክ   አንቀጽ:

Al-mulk

تَبَٰرَكَ ٱلَّذِي بِيَدِهِ ٱلۡمُلۡكُ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ
1. Waxaa khayr iyo barako badan (Alle) ay Gacantiisu ku jirto Mulkiga (iyo Maamulka uunka oo dhan), Isagaana wax walba Kara.
1. Al-Mulk: Xukunka, Boqortooyada, Hanashada, Lahaanshada, Maamulka, Agaasinka, iwm.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلۡمَوۡتَ وَٱلۡحَيَوٰةَ لِيَبۡلُوَكُمۡ أَيُّكُمۡ أَحۡسَنُ عَمَلٗاۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡغَفُورُ
2. Ee ah Kan abuuray geeri iyo nololba, si uu idiin imtixaano kiinna idiinku camal wanaagsan. Waana Adkaadaha sare, Denbi Dhaafka Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِي خَلَقَ سَبۡعَ سَمَٰوَٰتٖ طِبَاقٗاۖ مَّا تَرَىٰ فِي خَلۡقِ ٱلرَّحۡمَٰنِ مِن تَفَٰوُتٖۖ فَٱرۡجِعِ ٱلۡبَصَرَ هَلۡ تَرَىٰ مِن فُطُورٖ
3. Kan abuuray toddobo samooyin dabaqyo ah kala korreeya, ku arki meysid wax isdhaafsanaan ah abuurka Raxmaanka. Ee ku celi araggee: Miyaad ku aragtaa wax dillaac ah iyo duleello.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ ٱرۡجِعِ ٱلۡبَصَرَ كَرَّتَيۡنِ يَنقَلِبۡ إِلَيۡكَ ٱلۡبَصَرُ خَاسِئٗا وَهُوَ حَسِيرٞ
4. Misna ku celi aragga mar labaad, araggaagu adiga buu kugu soo noqon isagoo dulleysan oo daallan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ زَيَّنَّا ٱلسَّمَآءَ ٱلدُّنۡيَا بِمَصَٰبِيحَ وَجَعَلۡنَٰهَا رُجُومٗا لِّلشَّيَٰطِينِۖ وَأَعۡتَدۡنَا لَهُمۡ عَذَابَ ٱلسَّعِيرِ
5. Waxaan dhab ahaan ku qurxinnay samada dhow nalal (xiddigo), Waxaana ka yeellay (xiddigahaa) gantaallo lagu gano shayaadiinta2, waxaanuna u diyaarinnay cadaab Naar hureysa ah.
2. Xiddigahaa waa qurux iyo ilaalo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلِلَّذِينَ كَفَرُواْ بِرَبِّهِمۡ عَذَابُ جَهَنَّمَۖ وَبِئۡسَ ٱلۡمَصِيرُ
6. Kuwa ku gaalooba Rabbigood waxay leeyihiin cadaab jahannamo, oo u xun aayotiin iyo meel la ahaado.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذَآ أُلۡقُواْ فِيهَا سَمِعُواْ لَهَا شَهِيقٗا وَهِيَ تَفُورُ
7. Marka (gaalada) lagu tuuro Naarta, waxay ka maqli cartan daran iyadoo karaysa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
تَكَادُ تَمَيَّزُ مِنَ ٱلۡغَيۡظِۖ كُلَّمَآ أُلۡقِيَ فِيهَا فَوۡجٞ سَأَلَهُمۡ خَزَنَتُهَآ أَلَمۡ يَأۡتِكُمۡ نَذِيرٞ
8. Waxay ku sigan inay la kala dillaacdo cadho. Mar kastoo guuto lagu tuuro, wuxuu waardiyaheeda weydiin: Miyuusan idiin imaan dige (Rasuul Alle)?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ بَلَىٰ قَدۡ جَآءَنَا نَذِيرٞ فَكَذَّبۡنَا وَقُلۡنَا مَا نَزَّلَ ٱللَّهُ مِن شَيۡءٍ إِنۡ أَنتُمۡ إِلَّا فِي ضَلَٰلٖ كَبِيرٖ
9. Waxay odhan: Haayoo waa noo yimid dige, waanse beeninnay oo nidhi: Alle ma soo dejin wax (Waxyi ah), waxaad uun idinku ku sugan tihiin habow weyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالُواْ لَوۡ كُنَّا نَسۡمَعُ أَوۡ نَعۡقِلُ مَا كُنَّا فِيٓ أَصۡحَٰبِ ٱلسَّعِيرِ
10. Waxay odhan: Haddaan wax maqli laheyn ama garowsan laheyn, kama aanu mid ahaaneyn ehlu Naarka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱعۡتَرَفُواْ بِذَنۢبِهِمۡ فَسُحۡقٗا لِّأَصۡحَٰبِ ٱلسَّعِيرِ
11. Marka waxay qiran denbigooda, ee ha fogaadeen3 qolada Naarta Hureysa.
3. Iyagoo laga fogeeyey wax khayr ah oo dhan ama wax Naxariis Alle ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ يَخۡشَوۡنَ رَبَّهُم بِٱلۡغَيۡبِ لَهُم مَّغۡفِرَةٞ وَأَجۡرٞ كَبِيرٞ
12. Hubaal, kuwa ka baqa Rabbigood sir (iyo saaqba) waxay leeyihiin Denbi Dhaaf iyo Ajar Weyn (Janno).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ሙልክ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት