Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ሙልክ   አንቀጽ:
وَأَسِرُّواْ قَوۡلَكُمۡ أَوِ ٱجۡهَرُواْ بِهِۦٓۖ إِنَّهُۥ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ
13. Hoos u dhiga hadalkiinna ama kor u qaada. Hubaal (Alle) wuu Og yahay waxa ku jira laabaha (dadka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَلَا يَعۡلَمُ مَنۡ خَلَقَ وَهُوَ ٱللَّطِيفُ ٱلۡخَبِيرُ
14. Miyuusan Ogeyn Kan abuuray (uunkiisa iyo arrimahooda)4? Waa Roonaan Badanaha, Xog Ogaalka ah.
4. Tafsiirka kale waxaa weeye: Miyuusan Alle ogeyn xaalka kuwa uu abuuray?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
هُوَ ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلۡأَرۡضَ ذَلُولٗا فَٱمۡشُواْ فِي مَنَاكِبِهَا وَكُلُواْ مِن رِّزۡقِهِۦۖ وَإِلَيۡهِ ٱلنُّشُورُ
15. Waa Isaga (Alle) Kan idiinka dhigay dhulka hayin ee ku socda aagaggiisa waasica ah, oo wax ka cuna risiqiisa, Xaggiisa bay ahaan u soo Bixiddu (Qiyaamada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ءَأَمِنتُم مَّن فِي ٱلسَّمَآءِ أَن يَخۡسِفَ بِكُمُ ٱلۡأَرۡضَ فَإِذَا هِيَ تَمُورُ
16. Ma waxaad aamin ka tihiin in (Alle) ee ka kor ah cirka idinla gooyo arlada, ayna idin la dhaqdhaqaaqdo5.
5. Sida dhul gariirka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ أَمِنتُم مَّن فِي ٱلسَّمَآءِ أَن يُرۡسِلَ عَلَيۡكُمۡ حَاصِبٗاۖ فَسَتَعۡلَمُونَ كَيۡفَ نَذِيرِ
17. Mise ma waxaad aamin ka tihiin in (Alle) ka kor ah cirka, uu idiin soo diro dabeyl kulul oo habaas wadata? Marka waad ogaan sidee aheyd Digniinteydu?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ كَذَّبَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ فَكَيۡفَ كَانَ نَكِيرِ
18. Waxaa dhab ahaan beeniyey (Xaqa) kuwii ka horreeyey, ee sidee buu ahaa Ciqaabkeygii?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ إِلَى ٱلطَّيۡرِ فَوۡقَهُمۡ صَٰٓفَّٰتٖ وَيَقۡبِضۡنَۚ مَا يُمۡسِكُهُنَّ إِلَّا ٱلرَّحۡمَٰنُۚ إِنَّهُۥ بِكُلِّ شَيۡءِۭ بَصِيرٌ
19. Miyeyna arag shimbiraha korkooda ah ee fidinaya (baalashooda) oo isku soo laabaya? Ma jiraan wax haya iyaga aan aheyn Raxmaanka. Hubaal, wax walba wuu Arkaa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمَّنۡ هَٰذَا ٱلَّذِي هُوَ جُندٞ لَّكُمۡ يَنصُرُكُم مِّن دُونِ ٱلرَّحۡمَٰنِۚ إِنِ ٱلۡكَٰفِرُونَ إِلَّا فِي غُرُورٍ
20. Waa kee kan idiin noqon kara ciidan idiin soo gargaara Raxmaanka (Alle) sokadi? Gaaladu kuma sugna waxaan aheyn hodnaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمَّنۡ هَٰذَا ٱلَّذِي يَرۡزُقُكُمۡ إِنۡ أَمۡسَكَ رِزۡقَهُۥۚ بَل لَّجُّواْ فِي عُتُوّٖ وَنُفُورٍ
21. Ama waa kee kaa idin siin risiq haddii uu (Alle) heysto Risiqiisa? Waxayse ku adkeystaan kibir iyo didmo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَمَن يَمۡشِي مُكِبًّا عَلَىٰ وَجۡهِهِۦٓ أَهۡدَىٰٓ أَمَّن يَمۡشِي سَوِيًّا عَلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ
22. Ma mid socda wejigiisoo foorara baa hanuunsan, mise mid ugu socda si quman Jid Toosan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ هُوَ ٱلَّذِيٓ أَنشَأَكُمۡ وَجَعَلَ لَكُمُ ٱلسَّمۡعَ وَٱلۡأَبۡصَٰرَ وَٱلۡأَفۡـِٔدَةَۚ قَلِيلٗا مَّا تَشۡكُرُونَ
23. Dheh: (Alle) waa Kan idin uumay idiinna yeelay maqalka, aragga iyo laabaha. Yaraa intaad (ku) mahdisaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ هُوَ ٱلَّذِي ذَرَأَكُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَإِلَيۡهِ تُحۡشَرُونَ
24. Dheh: (Alle) waa Kan idinku fidshay (abuuray) dhulka, Xaggiisaana la idiin soo kulmin (Qiyaamada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡوَعۡدُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
25. Waxay odhan: Waa goorma waqtiga gooddigani la fulin haddaad run sheegi?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ إِنَّمَا ٱلۡعِلۡمُ عِندَ ٱللَّهِ وَإِنَّمَآ أَنَا۠ نَذِيرٞ مُّبِينٞ
26.Dheh: Alle baa Og (waqtigay tahay), waxaanse ahay anigu dige cad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ሙልክ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት