Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 迈立克   段:
وَأَسِرُّواْ قَوۡلَكُمۡ أَوِ ٱجۡهَرُواْ بِهِۦٓۖ إِنَّهُۥ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ
13. Hoos u dhiga hadalkiinna ama kor u qaada. Hubaal (Alle) wuu Og yahay waxa ku jira laabaha (dadka).
阿拉伯语经注:
أَلَا يَعۡلَمُ مَنۡ خَلَقَ وَهُوَ ٱللَّطِيفُ ٱلۡخَبِيرُ
14. Miyuusan Ogeyn Kan abuuray (uunkiisa iyo arrimahooda)4? Waa Roonaan Badanaha, Xog Ogaalka ah.
4. Tafsiirka kale waxaa weeye: Miyuusan Alle ogeyn xaalka kuwa uu abuuray?
阿拉伯语经注:
هُوَ ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلۡأَرۡضَ ذَلُولٗا فَٱمۡشُواْ فِي مَنَاكِبِهَا وَكُلُواْ مِن رِّزۡقِهِۦۖ وَإِلَيۡهِ ٱلنُّشُورُ
15. Waa Isaga (Alle) Kan idiinka dhigay dhulka hayin ee ku socda aagaggiisa waasica ah, oo wax ka cuna risiqiisa, Xaggiisa bay ahaan u soo Bixiddu (Qiyaamada).
阿拉伯语经注:
ءَأَمِنتُم مَّن فِي ٱلسَّمَآءِ أَن يَخۡسِفَ بِكُمُ ٱلۡأَرۡضَ فَإِذَا هِيَ تَمُورُ
16. Ma waxaad aamin ka tihiin in (Alle) ee ka kor ah cirka idinla gooyo arlada, ayna idin la dhaqdhaqaaqdo5.
5. Sida dhul gariirka.
阿拉伯语经注:
أَمۡ أَمِنتُم مَّن فِي ٱلسَّمَآءِ أَن يُرۡسِلَ عَلَيۡكُمۡ حَاصِبٗاۖ فَسَتَعۡلَمُونَ كَيۡفَ نَذِيرِ
17. Mise ma waxaad aamin ka tihiin in (Alle) ka kor ah cirka, uu idiin soo diro dabeyl kulul oo habaas wadata? Marka waad ogaan sidee aheyd Digniinteydu?
阿拉伯语经注:
وَلَقَدۡ كَذَّبَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ فَكَيۡفَ كَانَ نَكِيرِ
18. Waxaa dhab ahaan beeniyey (Xaqa) kuwii ka horreeyey, ee sidee buu ahaa Ciqaabkeygii?
阿拉伯语经注:
أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ إِلَى ٱلطَّيۡرِ فَوۡقَهُمۡ صَٰٓفَّٰتٖ وَيَقۡبِضۡنَۚ مَا يُمۡسِكُهُنَّ إِلَّا ٱلرَّحۡمَٰنُۚ إِنَّهُۥ بِكُلِّ شَيۡءِۭ بَصِيرٌ
19. Miyeyna arag shimbiraha korkooda ah ee fidinaya (baalashooda) oo isku soo laabaya? Ma jiraan wax haya iyaga aan aheyn Raxmaanka. Hubaal, wax walba wuu Arkaa.
阿拉伯语经注:
أَمَّنۡ هَٰذَا ٱلَّذِي هُوَ جُندٞ لَّكُمۡ يَنصُرُكُم مِّن دُونِ ٱلرَّحۡمَٰنِۚ إِنِ ٱلۡكَٰفِرُونَ إِلَّا فِي غُرُورٍ
20. Waa kee kan idiin noqon kara ciidan idiin soo gargaara Raxmaanka (Alle) sokadi? Gaaladu kuma sugna waxaan aheyn hodnaan.
阿拉伯语经注:
أَمَّنۡ هَٰذَا ٱلَّذِي يَرۡزُقُكُمۡ إِنۡ أَمۡسَكَ رِزۡقَهُۥۚ بَل لَّجُّواْ فِي عُتُوّٖ وَنُفُورٍ
21. Ama waa kee kaa idin siin risiq haddii uu (Alle) heysto Risiqiisa? Waxayse ku adkeystaan kibir iyo didmo.
阿拉伯语经注:
أَفَمَن يَمۡشِي مُكِبًّا عَلَىٰ وَجۡهِهِۦٓ أَهۡدَىٰٓ أَمَّن يَمۡشِي سَوِيًّا عَلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ
22. Ma mid socda wejigiisoo foorara baa hanuunsan, mise mid ugu socda si quman Jid Toosan?
阿拉伯语经注:
قُلۡ هُوَ ٱلَّذِيٓ أَنشَأَكُمۡ وَجَعَلَ لَكُمُ ٱلسَّمۡعَ وَٱلۡأَبۡصَٰرَ وَٱلۡأَفۡـِٔدَةَۚ قَلِيلٗا مَّا تَشۡكُرُونَ
23. Dheh: (Alle) waa Kan idin uumay idiinna yeelay maqalka, aragga iyo laabaha. Yaraa intaad (ku) mahdisaan.
阿拉伯语经注:
قُلۡ هُوَ ٱلَّذِي ذَرَأَكُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَإِلَيۡهِ تُحۡشَرُونَ
24. Dheh: (Alle) waa Kan idinku fidshay (abuuray) dhulka, Xaggiisaana la idiin soo kulmin (Qiyaamada).
阿拉伯语经注:
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡوَعۡدُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
25. Waxay odhan: Waa goorma waqtiga gooddigani la fulin haddaad run sheegi?
阿拉伯语经注:
قُلۡ إِنَّمَا ٱلۡعِلۡمُ عِندَ ٱللَّهِ وَإِنَّمَآ أَنَا۠ نَذِيرٞ مُّبِينٞ
26.Dheh: Alle baa Og (waqtigay tahay), waxaanse ahay anigu dige cad.
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 迈立克
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭