የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ አል ቀለም   አንቀጽ:

Suurada Al-qalam

نٓۚ وَٱلۡقَلَمِ وَمَا يَسۡطُرُونَ
1. Nuun2.
Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Qalinka iyo waxay (malaa’igtu) qoraan.
1. Al-Qalam: Qalinka, waxaa sidoo kale Suuraddan loo yaqaan Nuun.
2. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2: Aayadda 1.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَآ أَنتَ بِنِعۡمَةِ رَبِّكَ بِمَجۡنُونٖ
2. Waa igu Nicmadda Rabbigaaye, ma ahid (Muxammadow) jinnoole.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّ لَكَ لَأَجۡرًا غَيۡرَ مَمۡنُونٖ
3.Waxaad leedahay (Nabiyow) ajar aan weligii go'eyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّكَ لَعَلَىٰ خُلُقٍ عَظِيمٖ
4. Waxaa kuu sugnaaday (Nabiyow) dabeecad wanaagsan oo sare.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَسَتُبۡصِرُ وَيُبۡصِرُونَ
5. Marka waad arki, iyaguna (sidoo kale) way arki,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
بِأَييِّكُمُ ٱلۡمَفۡتُونُ
6. Kiinna fidmeysan (ama la cadaabo).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعۡلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِۦ وَهُوَ أَعۡلَمُ بِٱلۡمُهۡتَدِينَ
7. Rabbigaa baa Ogsoon kan ka dhuma Jidkiisa, Isagaana Og kuwa hanuunsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَا تُطِعِ ٱلۡمُكَذِّبِينَ
8. Ha adeecin xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَدُّواْ لَوۡ تُدۡهِنُ فَيُدۡهِنُونَ
9. Waxay jecel yihiin inaad u iilato (oo ku raacdo wax ka mid ah baadilkooda), iyaguna (markaa) kuu soo iishaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا تُطِعۡ كُلَّ حَلَّافٖ مَّهِينٍ
10. Ha adeecin mid kastoo dhaar badan qiimo laheyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
هَمَّازٖ مَّشَّآءِۭ بِنَمِيمٖ
11. Xamasho badan, u socod badan dira diro (nabiibiye ah).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَّنَّاعٖ لِّلۡخَيۡرِ مُعۡتَدٍ أَثِيمٍ
12. Khayr diid, xad-gudbe, denbi badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
عُتُلِّۭ بَعۡدَ ذَٰلِكَ زَنِيمٍ
13. macangag ah madax adag - intaasoo dhan ka sokow mid liita ah (aan nasab ahayn).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَن كَانَ ذَا مَالٖ وَبَنِينَ
14. Haba lahaadee maal iyo wiilal.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِ ءَايَٰتُنَا قَالَ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ
15. Marka Aayadahayaga loo akhriyo, yidhaahda: Waa sheekooyinkii kuwii hore.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
سَنَسِمُهُۥ عَلَى ٱلۡخُرۡطُومِ
16. Waxaanu ka calaameyn sanqaroorka dushiisa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّا بَلَوۡنَٰهُمۡ كَمَا بَلَوۡنَآ أَصۡحَٰبَ ٱلۡجَنَّةِ إِذۡ أَقۡسَمُواْ لَيَصۡرِمُنَّهَا مُصۡبِحِينَ
17. Waxaanu u imtixaannay sidaanu u imtixaannay qoladii iska lahaa beerta, markay ku dhaarteen inay goosanayaan midhaha aroorta hore.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا يَسۡتَثۡنُونَ
18. Iyagoon qayb u dhigin (saboolka), dhihinna inshaa Allaah (haddii Alle idmo).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَطَافَ عَلَيۡهَا طَآئِفٞ مِّن رَّبِّكَ وَهُمۡ نَآئِمُونَ
19. Markaasaa waxaa uga yimid amar (dab) xagga Rabbigaa habeennimadii (oo beertii gubatay) intay hurdeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَصۡبَحَتۡ كَٱلصَّرِيمِ
20. Markaasay noqotay sida xaabo madoobaatay oo la shafay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَتَنَادَوۡاْ مُصۡبِحِينَ
21. Waxay isu dhawaaqeen subaxnimadii,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَنِ ٱغۡدُواْ عَلَىٰ حَرۡثِكُمۡ إِن كُنتُمۡ صَٰرِمِينَ
22. iyagoo leh: Ku kallaha beertiinna haddaad goosanaysaan midhaha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱنطَلَقُواْ وَهُمۡ يَتَخَٰفَتُونَ
23. Markaasay tageen iyagoo ku wada tashaday si qarsoodi ah,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَن لَّا يَدۡخُلَنَّهَا ٱلۡيَوۡمَ عَلَيۡكُم مِّسۡكِينٞ
24. Inuusan qof miskiin ah idiin soo gelin maanta (beerta, waxnana siin).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَغَدَوۡاْ عَلَىٰ حَرۡدٖ قَٰدِرِينَ
25. Waxay kallaheen subaxii hore iyagoo go’aansan inay (beerta) ka celiyaan (masaakiinta).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَمَّا رَأَوۡهَا قَالُوٓاْ إِنَّا لَضَآلُّونَ
26. Markayse arkeen beertii, waxay yidhaahdeen: War waanu dhunnay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
بَلۡ نَحۡنُ مَحۡرُومُونَ
27. Mayee, waa la ina hoojiyey .
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ أَوۡسَطُهُمۡ أَلَمۡ أَقُل لَّكُمۡ لَوۡلَا تُسَبِّحُونَ
28. Koodii u wanaagsanaa baa yidhi: Miyaana idinku odhan: (Alle) xurmo weyneeya oo hufa?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ سُبۡحَٰنَ رَبِّنَآ إِنَّا كُنَّا ظَٰلِمِينَ
29. Waxay yidhaahdeen: Xurmoo idil waxaa iska leh oo ceeb iyo nuqsaan ka hufan Rabbigeen. Waxaanu nahay gar diid.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَقۡبَلَ بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖ يَتَلَٰوَمُونَ
30. Markaasaa qaarba qaar ka hor jeesaday iyagoo is eedeynaya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ يَٰوَيۡلَنَآ إِنَّا كُنَّا طَٰغِينَ
31. Waxay yidhaahdeen: Magaceen ba'ye, waanu xadgudubnay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
عَسَىٰ رَبُّنَآ أَن يُبۡدِلَنَا خَيۡرٗا مِّنۡهَآ إِنَّآ إِلَىٰ رَبِّنَا رَٰغِبُونَ
32. Waa intaasoo Rabbigeen noogu beddelo beer ka wanaagsan, Isagaan innagu khayr ka rajeyne.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَذَٰلِكَ ٱلۡعَذَابُۖ وَلَعَذَابُ ٱلۡأٓخِرَةِ أَكۡبَرُۚ لَوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ
33. Waa sidaas cadaabku, Cadaabka Aakhiraana ka sii weyn, hadday ogaan lahaayeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ لِلۡمُتَّقِينَ عِندَ رَبِّهِمۡ جَنَّٰتِ ٱلنَّعِيمِ
34. Kuwa Alle ka cabsada (oo ka dhowrsada xumaha) waxay leeyihiin Rabbigood agtiisa beero barwaaqo ah (Janno).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَنَجۡعَلُ ٱلۡمُسۡلِمِينَ كَٱلۡمُجۡرِمِينَ
35. Ma Muslimiinta (Alle u hoggaansan) baanu kala mid dhigi denbiilayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَا لَكُمۡ كَيۡفَ تَحۡكُمُونَ
36. Maxaad leedihiin? Sidee baad wax u xukumeysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ لَكُمۡ كِتَٰبٞ فِيهِ تَدۡرُسُونَ
37. Mise waxaad heysataan kitaab aad ka akhrisataan'.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ لَكُمۡ فِيهِ لَمَا تَخَيَّرُونَ
38. Inaad heleysaan waxaad doorataanba?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ لَكُمۡ أَيۡمَٰنٌ عَلَيۡنَا بَٰلِغَةٌ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ إِنَّ لَكُمۡ لَمَا تَحۡكُمُونَ
39. Mise waxaad naga heysataan ballan Xaggayaga ah lagu adkeeyey dhaar gaaraysa ilaa Maalinta Qiyaamaha inaad heleysaan waxaad doontaanba?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
سَلۡهُمۡ أَيُّهُم بِذَٰلِكَ زَعِيمٌ
40. Weydii kooda uga ah arrinkaas damiin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ لَهُمۡ شُرَكَآءُ فَلۡيَأۡتُواْ بِشُرَكَآئِهِمۡ إِن كَانُواْ صَٰدِقِينَ
41. Mise waxay leeyihiin shariigyo (ilaahyo u soo gargaaraya), marka ha keenaan shariigyadooda hadday run sheegayaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَوۡمَ يُكۡشَفُ عَن سَاقٖ وَيُدۡعَوۡنَ إِلَى ٱلسُّجُودِ فَلَا يَسۡتَطِيعُونَ
42. Maalinta (Qiyaamada) marka dhudhunka la feydo (dhudhunka Alle)1 oo loogu yeedho inay sujuudaan, mase karayaan inay sujuudaan (waa gaalada iyo munaafiqiinta).
1. Dhudhunka la feydo waxaa sidoo kale lagu fasiray ay jirto shiddada iyo dhibaatada weyn, waa Maalinta Qiyaamaha).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
خَٰشِعَةً أَبۡصَٰرُهُمۡ تَرۡهَقُهُمۡ ذِلَّةٞۖ وَقَدۡ كَانُواْ يُدۡعَوۡنَ إِلَى ٱلسُّجُودِ وَهُمۡ سَٰلِمُونَ
43. Indhahoodu hoos u rogan yihiin, dulli baa dabooli; waxaana loogu yeedhi jirey inay sujuudaan iyagoo fayow(mase yeelin).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَذَرۡنِي وَمَن يُكَذِّبُ بِهَٰذَا ٱلۡحَدِيثِۖ سَنَسۡتَدۡرِجُهُم مِّنۡ حَيۡثُ لَا يَعۡلَمُونَ
44. Isu kaana daa Aniga iyo kuwa beeniya warkan (Qur’aanka); waxaan ka qaban si heerar ah meel aysan ka fileyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأُمۡلِي لَهُمۡۚ إِنَّ كَيۡدِي مَتِينٌ
45. Waan u seeto dheereyn, hubaal, tabteydu waa mid sugan oo adag.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ تَسۡـَٔلُهُمۡ أَجۡرٗا فَهُم مِّن مَّغۡرَمٖ مُّثۡقَلُونَ
46. Mise ma waxaad weydiisataa ujro, sidaa awgeed bay la culaabeysan yihiin deyn?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ عِندَهُمُ ٱلۡغَيۡبُ فَهُمۡ يَكۡتُبُونَ
47. Mise cilmiga waxaan muuqan bay hayaan, sidaas darteed iyagu qoraan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱصۡبِرۡ لِحُكۡمِ رَبِّكَ وَلَا تَكُن كَصَاحِبِ ٱلۡحُوتِ إِذۡ نَادَىٰ وَهُوَ مَكۡظُومٞ
48. Ee ku samir Xukunka Rabbigaa, oo ha noqonnin sida (Nabi Yuunus) rafiiqii nibiriga - markuu noo yeedhay isagoo walbahaarsan,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَّوۡلَآ أَن تَدَٰرَكَهُۥ نِعۡمَةٞ مِّن رَّبِّهِۦ لَنُبِذَ بِٱلۡعَرَآءِ وَهُوَ مَذۡمُومٞ
49. Haddaysan Nicmad xagga Rabbigi ah haleesheen, waxaa lagu tuuri lahaa cidla’ bannaan isagoo eedeysan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱجۡتَبَٰهُ رَبُّهُۥ فَجَعَلَهُۥ مِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ
50. Rabbigiis baase doortay, kana mid yeelay kuwa wanaagsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِن يَكَادُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَيُزۡلِقُونَكَ بِأَبۡصَٰرِهِمۡ لَمَّا سَمِعُواْ ٱلذِّكۡرَ وَيَقُولُونَ إِنَّهُۥ لَمَجۡنُونٞ
51. Kuwaa gaalada ahise waxay sigaan inay kugu gubaan indhahooda (dhabatoda) naceyb gala awgiis markay maqlaan Waanada (Qur’aankan); waxayna yidhaahdaan: Kani waa jinnoole.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا هُوَ إِلَّا ذِكۡرٞ لِّلۡعَٰلَمِينَ
52. Ma se ah (Qur’aanka) wax kale aan aheyn Waano ku socota ummadahoo dhan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ አል ቀለም
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

የተከበረው ቁርአን ሱማልኛ ቋንቋ መልዕክተ ትርጉም - በዓብደሏህ ሓሰን ያዕቆብ

መዝጋት