Përkthimi i kuptimeve të Kuranit Fisnik - الترجمة الصومالية - يعقوب * - Përmbajtja e përkthimeve

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Përkthimi i kuptimeve Surja: Suretu El Kalem   Ajeti:

Suurada Al-qalam

نٓۚ وَٱلۡقَلَمِ وَمَا يَسۡطُرُونَ
1. Nuun2.
Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Qalinka iyo waxay (malaa’igtu) qoraan.
1. Al-Qalam: Qalinka, waxaa sidoo kale Suuraddan loo yaqaan Nuun.
2. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2: Aayadda 1.
Tefsiret në gjuhën arabe:
مَآ أَنتَ بِنِعۡمَةِ رَبِّكَ بِمَجۡنُونٖ
2. Waa igu Nicmadda Rabbigaaye, ma ahid (Muxammadow) jinnoole.
Tefsiret në gjuhën arabe:
وَإِنَّ لَكَ لَأَجۡرًا غَيۡرَ مَمۡنُونٖ
3.Waxaad leedahay (Nabiyow) ajar aan weligii go'eyn.
Tefsiret në gjuhën arabe:
وَإِنَّكَ لَعَلَىٰ خُلُقٍ عَظِيمٖ
4. Waxaa kuu sugnaaday (Nabiyow) dabeecad wanaagsan oo sare.
Tefsiret në gjuhën arabe:
فَسَتُبۡصِرُ وَيُبۡصِرُونَ
5. Marka waad arki, iyaguna (sidoo kale) way arki,
Tefsiret në gjuhën arabe:
بِأَييِّكُمُ ٱلۡمَفۡتُونُ
6. Kiinna fidmeysan (ama la cadaabo).
Tefsiret në gjuhën arabe:
إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعۡلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِۦ وَهُوَ أَعۡلَمُ بِٱلۡمُهۡتَدِينَ
7. Rabbigaa baa Ogsoon kan ka dhuma Jidkiisa, Isagaana Og kuwa hanuunsan.
Tefsiret në gjuhën arabe:
فَلَا تُطِعِ ٱلۡمُكَذِّبِينَ
8. Ha adeecin xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
Tefsiret në gjuhën arabe:
وَدُّواْ لَوۡ تُدۡهِنُ فَيُدۡهِنُونَ
9. Waxay jecel yihiin inaad u iilato (oo ku raacdo wax ka mid ah baadilkooda), iyaguna (markaa) kuu soo iishaan.
Tefsiret në gjuhën arabe:
وَلَا تُطِعۡ كُلَّ حَلَّافٖ مَّهِينٍ
10. Ha adeecin mid kastoo dhaar badan qiimo laheyn.
Tefsiret në gjuhën arabe:
هَمَّازٖ مَّشَّآءِۭ بِنَمِيمٖ
11. Xamasho badan, u socod badan dira diro (nabiibiye ah).
Tefsiret në gjuhën arabe:
مَّنَّاعٖ لِّلۡخَيۡرِ مُعۡتَدٍ أَثِيمٍ
12. Khayr diid, xad-gudbe, denbi badan.
Tefsiret në gjuhën arabe:
عُتُلِّۭ بَعۡدَ ذَٰلِكَ زَنِيمٍ
13. macangag ah madax adag - intaasoo dhan ka sokow mid liita ah (aan nasab ahayn).
Tefsiret në gjuhën arabe:
أَن كَانَ ذَا مَالٖ وَبَنِينَ
14. Haba lahaadee maal iyo wiilal.
Tefsiret në gjuhën arabe:
إِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِ ءَايَٰتُنَا قَالَ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ
15. Marka Aayadahayaga loo akhriyo, yidhaahda: Waa sheekooyinkii kuwii hore.
Tefsiret në gjuhën arabe:
سَنَسِمُهُۥ عَلَى ٱلۡخُرۡطُومِ
16. Waxaanu ka calaameyn sanqaroorka dushiisa.
Tefsiret në gjuhën arabe:
إِنَّا بَلَوۡنَٰهُمۡ كَمَا بَلَوۡنَآ أَصۡحَٰبَ ٱلۡجَنَّةِ إِذۡ أَقۡسَمُواْ لَيَصۡرِمُنَّهَا مُصۡبِحِينَ
17. Waxaanu u imtixaannay sidaanu u imtixaannay qoladii iska lahaa beerta, markay ku dhaarteen inay goosanayaan midhaha aroorta hore.
Tefsiret në gjuhën arabe:
وَلَا يَسۡتَثۡنُونَ
18. Iyagoon qayb u dhigin (saboolka), dhihinna inshaa Allaah (haddii Alle idmo).
Tefsiret në gjuhën arabe:
فَطَافَ عَلَيۡهَا طَآئِفٞ مِّن رَّبِّكَ وَهُمۡ نَآئِمُونَ
19. Markaasaa waxaa uga yimid amar (dab) xagga Rabbigaa habeennimadii (oo beertii gubatay) intay hurdeen.
Tefsiret në gjuhën arabe:
فَأَصۡبَحَتۡ كَٱلصَّرِيمِ
20. Markaasay noqotay sida xaabo madoobaatay oo la shafay.
Tefsiret në gjuhën arabe:
فَتَنَادَوۡاْ مُصۡبِحِينَ
21. Waxay isu dhawaaqeen subaxnimadii,
Tefsiret në gjuhën arabe:
أَنِ ٱغۡدُواْ عَلَىٰ حَرۡثِكُمۡ إِن كُنتُمۡ صَٰرِمِينَ
22. iyagoo leh: Ku kallaha beertiinna haddaad goosanaysaan midhaha.
Tefsiret në gjuhën arabe:
فَٱنطَلَقُواْ وَهُمۡ يَتَخَٰفَتُونَ
23. Markaasay tageen iyagoo ku wada tashaday si qarsoodi ah,
Tefsiret në gjuhën arabe:
أَن لَّا يَدۡخُلَنَّهَا ٱلۡيَوۡمَ عَلَيۡكُم مِّسۡكِينٞ
24. Inuusan qof miskiin ah idiin soo gelin maanta (beerta, waxnana siin).
Tefsiret në gjuhën arabe:
وَغَدَوۡاْ عَلَىٰ حَرۡدٖ قَٰدِرِينَ
25. Waxay kallaheen subaxii hore iyagoo go’aansan inay (beerta) ka celiyaan (masaakiinta).
Tefsiret në gjuhën arabe:
فَلَمَّا رَأَوۡهَا قَالُوٓاْ إِنَّا لَضَآلُّونَ
26. Markayse arkeen beertii, waxay yidhaahdeen: War waanu dhunnay.
Tefsiret në gjuhën arabe:
بَلۡ نَحۡنُ مَحۡرُومُونَ
27. Mayee, waa la ina hoojiyey .
Tefsiret në gjuhën arabe:
قَالَ أَوۡسَطُهُمۡ أَلَمۡ أَقُل لَّكُمۡ لَوۡلَا تُسَبِّحُونَ
28. Koodii u wanaagsanaa baa yidhi: Miyaana idinku odhan: (Alle) xurmo weyneeya oo hufa?
Tefsiret në gjuhën arabe:
قَالُواْ سُبۡحَٰنَ رَبِّنَآ إِنَّا كُنَّا ظَٰلِمِينَ
29. Waxay yidhaahdeen: Xurmoo idil waxaa iska leh oo ceeb iyo nuqsaan ka hufan Rabbigeen. Waxaanu nahay gar diid.
Tefsiret në gjuhën arabe:
فَأَقۡبَلَ بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖ يَتَلَٰوَمُونَ
30. Markaasaa qaarba qaar ka hor jeesaday iyagoo is eedeynaya.
Tefsiret në gjuhën arabe:
قَالُواْ يَٰوَيۡلَنَآ إِنَّا كُنَّا طَٰغِينَ
31. Waxay yidhaahdeen: Magaceen ba'ye, waanu xadgudubnay.
Tefsiret në gjuhën arabe:
عَسَىٰ رَبُّنَآ أَن يُبۡدِلَنَا خَيۡرٗا مِّنۡهَآ إِنَّآ إِلَىٰ رَبِّنَا رَٰغِبُونَ
32. Waa intaasoo Rabbigeen noogu beddelo beer ka wanaagsan, Isagaan innagu khayr ka rajeyne.
Tefsiret në gjuhën arabe:
كَذَٰلِكَ ٱلۡعَذَابُۖ وَلَعَذَابُ ٱلۡأٓخِرَةِ أَكۡبَرُۚ لَوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ
33. Waa sidaas cadaabku, Cadaabka Aakhiraana ka sii weyn, hadday ogaan lahaayeen.
Tefsiret në gjuhën arabe:
إِنَّ لِلۡمُتَّقِينَ عِندَ رَبِّهِمۡ جَنَّٰتِ ٱلنَّعِيمِ
34. Kuwa Alle ka cabsada (oo ka dhowrsada xumaha) waxay leeyihiin Rabbigood agtiisa beero barwaaqo ah (Janno).
Tefsiret në gjuhën arabe:
أَفَنَجۡعَلُ ٱلۡمُسۡلِمِينَ كَٱلۡمُجۡرِمِينَ
35. Ma Muslimiinta (Alle u hoggaansan) baanu kala mid dhigi denbiilayaasha.
Tefsiret në gjuhën arabe:
مَا لَكُمۡ كَيۡفَ تَحۡكُمُونَ
36. Maxaad leedihiin? Sidee baad wax u xukumeysaan?
Tefsiret në gjuhën arabe:
أَمۡ لَكُمۡ كِتَٰبٞ فِيهِ تَدۡرُسُونَ
37. Mise waxaad heysataan kitaab aad ka akhrisataan'.
Tefsiret në gjuhën arabe:
إِنَّ لَكُمۡ فِيهِ لَمَا تَخَيَّرُونَ
38. Inaad heleysaan waxaad doorataanba?
Tefsiret në gjuhën arabe:
أَمۡ لَكُمۡ أَيۡمَٰنٌ عَلَيۡنَا بَٰلِغَةٌ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ إِنَّ لَكُمۡ لَمَا تَحۡكُمُونَ
39. Mise waxaad naga heysataan ballan Xaggayaga ah lagu adkeeyey dhaar gaaraysa ilaa Maalinta Qiyaamaha inaad heleysaan waxaad doontaanba?
Tefsiret në gjuhën arabe:
سَلۡهُمۡ أَيُّهُم بِذَٰلِكَ زَعِيمٌ
40. Weydii kooda uga ah arrinkaas damiin.
Tefsiret në gjuhën arabe:
أَمۡ لَهُمۡ شُرَكَآءُ فَلۡيَأۡتُواْ بِشُرَكَآئِهِمۡ إِن كَانُواْ صَٰدِقِينَ
41. Mise waxay leeyihiin shariigyo (ilaahyo u soo gargaaraya), marka ha keenaan shariigyadooda hadday run sheegayaan.
Tefsiret në gjuhën arabe:
يَوۡمَ يُكۡشَفُ عَن سَاقٖ وَيُدۡعَوۡنَ إِلَى ٱلسُّجُودِ فَلَا يَسۡتَطِيعُونَ
42. Maalinta (Qiyaamada) marka dhudhunka la feydo (dhudhunka Alle)1 oo loogu yeedho inay sujuudaan, mase karayaan inay sujuudaan (waa gaalada iyo munaafiqiinta).
1. Dhudhunka la feydo waxaa sidoo kale lagu fasiray ay jirto shiddada iyo dhibaatada weyn, waa Maalinta Qiyaamaha).
Tefsiret në gjuhën arabe:
خَٰشِعَةً أَبۡصَٰرُهُمۡ تَرۡهَقُهُمۡ ذِلَّةٞۖ وَقَدۡ كَانُواْ يُدۡعَوۡنَ إِلَى ٱلسُّجُودِ وَهُمۡ سَٰلِمُونَ
43. Indhahoodu hoos u rogan yihiin, dulli baa dabooli; waxaana loogu yeedhi jirey inay sujuudaan iyagoo fayow(mase yeelin).
Tefsiret në gjuhën arabe:
فَذَرۡنِي وَمَن يُكَذِّبُ بِهَٰذَا ٱلۡحَدِيثِۖ سَنَسۡتَدۡرِجُهُم مِّنۡ حَيۡثُ لَا يَعۡلَمُونَ
44. Isu kaana daa Aniga iyo kuwa beeniya warkan (Qur’aanka); waxaan ka qaban si heerar ah meel aysan ka fileyn.
Tefsiret në gjuhën arabe:
وَأُمۡلِي لَهُمۡۚ إِنَّ كَيۡدِي مَتِينٌ
45. Waan u seeto dheereyn, hubaal, tabteydu waa mid sugan oo adag.
Tefsiret në gjuhën arabe:
أَمۡ تَسۡـَٔلُهُمۡ أَجۡرٗا فَهُم مِّن مَّغۡرَمٖ مُّثۡقَلُونَ
46. Mise ma waxaad weydiisataa ujro, sidaa awgeed bay la culaabeysan yihiin deyn?
Tefsiret në gjuhën arabe:
أَمۡ عِندَهُمُ ٱلۡغَيۡبُ فَهُمۡ يَكۡتُبُونَ
47. Mise cilmiga waxaan muuqan bay hayaan, sidaas darteed iyagu qoraan?
Tefsiret në gjuhën arabe:
فَٱصۡبِرۡ لِحُكۡمِ رَبِّكَ وَلَا تَكُن كَصَاحِبِ ٱلۡحُوتِ إِذۡ نَادَىٰ وَهُوَ مَكۡظُومٞ
48. Ee ku samir Xukunka Rabbigaa, oo ha noqonnin sida (Nabi Yuunus) rafiiqii nibiriga - markuu noo yeedhay isagoo walbahaarsan,
Tefsiret në gjuhën arabe:
لَّوۡلَآ أَن تَدَٰرَكَهُۥ نِعۡمَةٞ مِّن رَّبِّهِۦ لَنُبِذَ بِٱلۡعَرَآءِ وَهُوَ مَذۡمُومٞ
49. Haddaysan Nicmad xagga Rabbigi ah haleesheen, waxaa lagu tuuri lahaa cidla’ bannaan isagoo eedeysan.
Tefsiret në gjuhën arabe:
فَٱجۡتَبَٰهُ رَبُّهُۥ فَجَعَلَهُۥ مِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ
50. Rabbigiis baase doortay, kana mid yeelay kuwa wanaagsan.
Tefsiret në gjuhën arabe:
وَإِن يَكَادُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَيُزۡلِقُونَكَ بِأَبۡصَٰرِهِمۡ لَمَّا سَمِعُواْ ٱلذِّكۡرَ وَيَقُولُونَ إِنَّهُۥ لَمَجۡنُونٞ
51. Kuwaa gaalada ahise waxay sigaan inay kugu gubaan indhahooda (dhabatoda) naceyb gala awgiis markay maqlaan Waanada (Qur’aankan); waxayna yidhaahdaan: Kani waa jinnoole.
Tefsiret në gjuhën arabe:
وَمَا هُوَ إِلَّا ذِكۡرٞ لِّلۡعَٰلَمِينَ
52. Ma se ah (Qur’aanka) wax kale aan aheyn Waano ku socota ummadahoo dhan.
Tefsiret në gjuhën arabe:
 
Përkthimi i kuptimeve Surja: Suretu El Kalem
Përmbajtja e sureve Numri i faqes
 
Përkthimi i kuptimeve të Kuranit Fisnik - الترجمة الصومالية - يعقوب - Përmbajtja e përkthimeve

ترجمة معاني القرآن الكريم إلى اللغة الصومالية ترجمها عبدالله حسن يعقوب.

Mbyll