Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ሙዘሚል   አንቀጽ:

Al-muzammil

يَٰٓأَيُّهَا ٱلۡمُزَّمِّلُ
1. Kani isku duuduubayow maryaha2.
1. Al-Muzammil: Midka ku duubay naftiisa maryaha. Nabigaa loola jeedaa.
2. Nabiga s.c.w. waxaa la amray halkii hurda macaansiga inuu xilkaa weyn qaado oo u kaco cibaado iyo Alle bari iyo inuu dadka amro (towxiidka) iyo camalka san oo kaga digo shirkiga iyo xuma falka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُمِ ٱلَّيۡلَ إِلَّا قَلِيلٗا
2. U kac (salaad) habeenka in yar maahee.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
نِّصۡفَهُۥٓ أَوِ ٱنقُصۡ مِنۡهُ قَلِيلًا
3. Barkiis ama ka nusqaami in yar.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَوۡ زِدۡ عَلَيۡهِ وَرَتِّلِ ٱلۡقُرۡءَانَ تَرۡتِيلًا
4. Amaba ka badi, oo u akhri Qur’aanka si wanaagsan oo habboon.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّا سَنُلۡقِي عَلَيۡكَ قَوۡلٗا ثَقِيلًا
5. Waxaanu kugu soo dejin Hadal culus3.
3.Waxaa loola jeedaa Waxyiga iyo xeerarka sharciga, oo ku soo degayey Nabiga s.c.w. ee ah xil culus.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ نَاشِئَةَ ٱلَّيۡلِ هِيَ أَشَدُّ وَطۡـٔٗا وَأَقۡوَمُ قِيلًا
6. Xaqiiq, habeenka saacadahiisa (oo la tukado) baa leh khushuuc badan aadna u toosan odhaah ahaan4.
4. Tafsiir kale oo aqbal ah ee isla ereyadaa waa: Hubaal kicitaanka habeenka baa sii adag.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ لَكَ فِي ٱلنَّهَارِ سَبۡحٗا طَوِيلٗا
7. Waxaad xaqiiq leedahay inta maalinta ah howl dheer.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱذۡكُرِ ٱسۡمَ رَبِّكَ وَتَبَتَّلۡ إِلَيۡهِ تَبۡتِيلٗا
8. Ee xus Magaca Rabbigaa, oo u ahow daacad si dhan Isagoo Keliyana u go'.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
رَّبُّ ٱلۡمَشۡرِقِ وَٱلۡمَغۡرِبِ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ فَٱتَّخِذۡهُ وَكِيلٗا
9. Rabbiga bariga iyo galbeedka. Ma jiro ilaah (xaq ah) aan aheyn Isaga ee ka dhigo wakiil (maamula arrimahaaga oo dhan).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱصۡبِرۡ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَٱهۡجُرۡهُمۡ هَجۡرٗا جَمِيلٗا
10. U samir waxay (gaaladu) yidhaahdaan, oo uga dheerow si qurxoon.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَذَرۡنِي وَٱلۡمُكَذِّبِينَ أُوْلِي ٱلنَّعۡمَةِ وَمَهِّلۡهُمۡ قَلِيلًا
11. Isu kaanna daa Aniga iyo kuwa beeniya (Aayadaheyga) ee nicmeysan, una sug in xoogaa ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ لَدَيۡنَآ أَنكَالٗا وَجَحِيمٗا
12. Waxaa agtannada ah jeebbado iyo dab ololaya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَطَعَامٗا ذَا غُصَّةٖ وَعَذَابًا أَلِيمٗا
13. Iyo cunno lagu margado, iyo cadaab xanuun badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَوۡمَ تَرۡجُفُ ٱلۡأَرۡضُ وَٱلۡجِبَالُ وَكَانَتِ ٱلۡجِبَالُ كَثِيبٗا مَّهِيلًا
14. (Waxay ku dhici arrintaasi) Maalinta dhulka iyo buuruhu gilgilan gil-gilasho xoog leh, buuruhuna ahaan (sida) bacaad la shubay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّآ أَرۡسَلۡنَآ إِلَيۡكُمۡ رَسُولٗا شَٰهِدًا عَلَيۡكُمۡ كَمَآ أَرۡسَلۡنَآ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ رَسُولٗا
15. Waxaanu idiin soo dirnay Rasuul, markhaati idinku ah, sidaan ugu soo dirnayba Rasuul xagga Fircoon.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَعَصَىٰ فِرۡعَوۡنُ ٱلرَّسُولَ فَأَخَذۡنَٰهُ أَخۡذٗا وَبِيلٗا
16. Fircoon se wuu caasiyey Rasuulka, markaasaan qabannay qabasho daran.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَكَيۡفَ تَتَّقُونَ إِن كَفَرۡتُمۡ يَوۡمٗا يَجۡعَلُ ٱلۡوِلۡدَٰنَ شِيبًا
17. Ee sidee baad isaga celin (cadaabka), haddaad gaalowdaan Maalin ka dhigi carruurta cirroole.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلسَّمَآءُ مُنفَطِرُۢ بِهِۦۚ كَانَ وَعۡدُهُۥ مَفۡعُولًا
18. Samada arrinkaa darti la dildillaaci. Yabooha (Alle) waa mid abad fula.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ هَٰذِهِۦ تَذۡكِرَةٞۖ فَمَن شَآءَ ٱتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ سَبِيلًا
19. Aayadahani wa waano, ee qofkii doonaa ha u samaysto xagga Rabbigi jid.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ሙዘሚል
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት