Check out the new design

د قرآن کریم د معناګانو ژباړه - صومالي ژباړه - عبد الله حسن یعقوب * - د ژباړو فهرست (لړلیک)

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

د معناګانو ژباړه سورت: مزمل   آیت:

Al-muzammil

يَٰٓأَيُّهَا ٱلۡمُزَّمِّلُ
1. Kani isku duuduubayow maryaha2.
1. Al-Muzammil: Midka ku duubay naftiisa maryaha. Nabigaa loola jeedaa.
2. Nabiga s.c.w. waxaa la amray halkii hurda macaansiga inuu xilkaa weyn qaado oo u kaco cibaado iyo Alle bari iyo inuu dadka amro (towxiidka) iyo camalka san oo kaga digo shirkiga iyo xuma falka.
عربي تفسیرونه:
قُمِ ٱلَّيۡلَ إِلَّا قَلِيلٗا
2. U kac (salaad) habeenka in yar maahee.
عربي تفسیرونه:
نِّصۡفَهُۥٓ أَوِ ٱنقُصۡ مِنۡهُ قَلِيلًا
3. Barkiis ama ka nusqaami in yar.
عربي تفسیرونه:
أَوۡ زِدۡ عَلَيۡهِ وَرَتِّلِ ٱلۡقُرۡءَانَ تَرۡتِيلًا
4. Amaba ka badi, oo u akhri Qur’aanka si wanaagsan oo habboon.
عربي تفسیرونه:
إِنَّا سَنُلۡقِي عَلَيۡكَ قَوۡلٗا ثَقِيلًا
5. Waxaanu kugu soo dejin Hadal culus3.
3.Waxaa loola jeedaa Waxyiga iyo xeerarka sharciga, oo ku soo degayey Nabiga s.c.w. ee ah xil culus.
عربي تفسیرونه:
إِنَّ نَاشِئَةَ ٱلَّيۡلِ هِيَ أَشَدُّ وَطۡـٔٗا وَأَقۡوَمُ قِيلًا
6. Xaqiiq, habeenka saacadahiisa (oo la tukado) baa leh khushuuc badan aadna u toosan odhaah ahaan4.
4. Tafsiir kale oo aqbal ah ee isla ereyadaa waa: Hubaal kicitaanka habeenka baa sii adag.
عربي تفسیرونه:
إِنَّ لَكَ فِي ٱلنَّهَارِ سَبۡحٗا طَوِيلٗا
7. Waxaad xaqiiq leedahay inta maalinta ah howl dheer.
عربي تفسیرونه:
وَٱذۡكُرِ ٱسۡمَ رَبِّكَ وَتَبَتَّلۡ إِلَيۡهِ تَبۡتِيلٗا
8. Ee xus Magaca Rabbigaa, oo u ahow daacad si dhan Isagoo Keliyana u go'.
عربي تفسیرونه:
رَّبُّ ٱلۡمَشۡرِقِ وَٱلۡمَغۡرِبِ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ فَٱتَّخِذۡهُ وَكِيلٗا
9. Rabbiga bariga iyo galbeedka. Ma jiro ilaah (xaq ah) aan aheyn Isaga ee ka dhigo wakiil (maamula arrimahaaga oo dhan).
عربي تفسیرونه:
وَٱصۡبِرۡ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَٱهۡجُرۡهُمۡ هَجۡرٗا جَمِيلٗا
10. U samir waxay (gaaladu) yidhaahdaan, oo uga dheerow si qurxoon.
عربي تفسیرونه:
وَذَرۡنِي وَٱلۡمُكَذِّبِينَ أُوْلِي ٱلنَّعۡمَةِ وَمَهِّلۡهُمۡ قَلِيلًا
11. Isu kaanna daa Aniga iyo kuwa beeniya (Aayadaheyga) ee nicmeysan, una sug in xoogaa ah.
عربي تفسیرونه:
إِنَّ لَدَيۡنَآ أَنكَالٗا وَجَحِيمٗا
12. Waxaa agtannada ah jeebbado iyo dab ololaya.
عربي تفسیرونه:
وَطَعَامٗا ذَا غُصَّةٖ وَعَذَابًا أَلِيمٗا
13. Iyo cunno lagu margado, iyo cadaab xanuun badan.
عربي تفسیرونه:
يَوۡمَ تَرۡجُفُ ٱلۡأَرۡضُ وَٱلۡجِبَالُ وَكَانَتِ ٱلۡجِبَالُ كَثِيبٗا مَّهِيلًا
14. (Waxay ku dhici arrintaasi) Maalinta dhulka iyo buuruhu gilgilan gil-gilasho xoog leh, buuruhuna ahaan (sida) bacaad la shubay.
عربي تفسیرونه:
إِنَّآ أَرۡسَلۡنَآ إِلَيۡكُمۡ رَسُولٗا شَٰهِدًا عَلَيۡكُمۡ كَمَآ أَرۡسَلۡنَآ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ رَسُولٗا
15. Waxaanu idiin soo dirnay Rasuul, markhaati idinku ah, sidaan ugu soo dirnayba Rasuul xagga Fircoon.
عربي تفسیرونه:
فَعَصَىٰ فِرۡعَوۡنُ ٱلرَّسُولَ فَأَخَذۡنَٰهُ أَخۡذٗا وَبِيلٗا
16. Fircoon se wuu caasiyey Rasuulka, markaasaan qabannay qabasho daran.
عربي تفسیرونه:
فَكَيۡفَ تَتَّقُونَ إِن كَفَرۡتُمۡ يَوۡمٗا يَجۡعَلُ ٱلۡوِلۡدَٰنَ شِيبًا
17. Ee sidee baad isaga celin (cadaabka), haddaad gaalowdaan Maalin ka dhigi carruurta cirroole.
عربي تفسیرونه:
ٱلسَّمَآءُ مُنفَطِرُۢ بِهِۦۚ كَانَ وَعۡدُهُۥ مَفۡعُولًا
18. Samada arrinkaa darti la dildillaaci. Yabooha (Alle) waa mid abad fula.
عربي تفسیرونه:
إِنَّ هَٰذِهِۦ تَذۡكِرَةٞۖ فَمَن شَآءَ ٱتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ سَبِيلًا
19. Aayadahani wa waano, ee qofkii doonaa ha u samaysto xagga Rabbigi jid.
عربي تفسیرونه:
 
د معناګانو ژباړه سورت: مزمل
د سورتونو فهرست (لړلیک) د مخ نمبر
 
د قرآن کریم د معناګانو ژباړه - صومالي ژباړه - عبد الله حسن یعقوب - د ژباړو فهرست (لړلیک)

د عبدالله حسن یعقوب لخوا ژباړل شوې ده.

بندول