Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ቂያማህ   አንቀጽ:

Al-qiyaamah

لَآ أُقۡسِمُ بِيَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ
1. Waxaan ku dhaartay Maalinta Qiyaamaha.
1. Al-Qiyaamah: Qiyaamaha, waa iska soo saaridda qubuuraha dhimashada kaddib.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَآ أُقۡسِمُ بِٱلنَّفۡسِ ٱللَّوَّامَةِ
2. Waxaan (kaloo) ku dhaartay nafta is eedda2 (in la idin soo bixin Aakhirada).
2. Waa mu’minka, ee is canaanta markuu ku dhaco denbi ama gef oo ka xumaada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَيَحۡسَبُ ٱلۡإِنسَٰنُ أَلَّن نَّجۡمَعَ عِظَامَهُۥ
3. Ma wuxuu aadmigu moodaa inaanaan isu soo kulmineyn lafahiisa?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
بَلَىٰ قَٰدِرِينَ عَلَىٰٓ أَن نُّسَوِّيَ بَنَانَهُۥ
4. Haayoo, Waxaan karnaa inaan sinno oo sidoodii ka yeelno farahiisa oo dhan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
بَلۡ يُرِيدُ ٱلۡإِنسَٰنُ لِيَفۡجُرَ أَمَامَهُۥ
5. Wuxuuse Aadmigu dooni inuu beeniyo waxa ka horreeya (ee sugaya)3.
3. Macnaha waa inuu denbi isaga sii socdo. Waxaana loola jeedaa qofka gaalka ah ee beeniya maalinta xisaabta ee iska wata shirkiga iyo macaasidiisa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَسۡـَٔلُ أَيَّانَ يَوۡمُ ٱلۡقِيَٰمَةِ
6. Wuxuu weydiin: Waa Goorma Maalinta Qiyaamaha?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَإِذَا بَرِقَ ٱلۡبَصَرُ
7. Ee marka araggu argagaxo (taagmo).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَخَسَفَ ٱلۡقَمَرُ
8. Oo dayaxu madoobaado.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَجُمِعَ ٱلشَّمۡسُ وَٱلۡقَمَرُ
9. Oo la kulmiyo qorraxda iyo dayaxa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَقُولُ ٱلۡإِنسَٰنُ يَوۡمَئِذٍ أَيۡنَ ٱلۡمَفَرُّ
10. Aadmigu wuxuu Maalintaas odhan: Xaggee loo cararaa?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَلَّا لَا وَزَرَ
11. Mayee! Ma jiro agab (meel la magan galo).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَىٰ رَبِّكَ يَوۡمَئِذٍ ٱلۡمُسۡتَقَرُّ
12. Xagga Rabbigaa (Keliya) buu ahaan Maalintaa meesha agabka ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يُنَبَّؤُاْ ٱلۡإِنسَٰنُ يَوۡمَئِذِۭ بِمَا قَدَّمَ وَأَخَّرَ
13. Waxaa looga warrami Aadmiga Maalintaas wuxuu hormarsaday iyo wuxuu dib marsaday.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
بَلِ ٱلۡإِنسَٰنُ عَلَىٰ نَفۡسِهِۦ بَصِيرَةٞ
14. Balse Aadmigu wuxuu ku marag furi naftiisa Isagaana is og.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَوۡ أَلۡقَىٰ مَعَاذِيرَهُۥ
15. Si kasta hadduu u cudurdaarto (wax uma tarto cudur daarasho).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَا تُحَرِّكۡ بِهِۦ لِسَانَكَ لِتَعۡجَلَ بِهِۦٓ
16. Ha ku dhaqaajin (Nabiyow) carrabkaaga (markuu Waxyigu soo degayo) inaad ku degdegto (Qur’aanka akhrintiisa).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ عَلَيۡنَا جَمۡعَهُۥ وَقُرۡءَانَهُۥ
17. Xaqiiq, waa xil Annaga na saaran inaan ku kulminno (laabtaada, ku xifdisiinno) oo kuu (sahalno) akhrintiisa (iyo fahankiisa).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَإِذَا قَرَأۡنَٰهُ فَٱتَّبِعۡ قُرۡءَانَهُۥ
18. Ee markaan akhrinno (Jabriil kuu akhriyo) u raarici (maqalka) akhriskiisa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ إِنَّ عَلَيۡنَا بَيَانَهُۥ
19. Kaddib xaqiiq Annaggay na saaran tahay inaan kuu caddeyno (fasirkiisa).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ቂያማህ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት