ការបកប្រែអត្ថន័យនៃគម្ពីរគួរអាន - ការបកប្រែជាភាសាសូម៉ាលី - អាប់ឌុលឡោះ ហាសាន់ យ៉ាកូប

Al-qiyaamah

external-link copy
1 : 75

لَآ أُقۡسِمُ بِيَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ

1. Waxaan ku dhaartay Maalinta Qiyaamaha. info
التفاسير: |

external-link copy
2 : 75

وَلَآ أُقۡسِمُ بِٱلنَّفۡسِ ٱللَّوَّامَةِ

2. Waxaan (kaloo) ku dhaartay nafta is eedda [1] 'in la idin soo bixin Aakhirada'. info

[1]. Waa mu’minka, ee is canaanta markuu ku dhaco denbi ama gef oo ka xumaada.

التفاسير: |

external-link copy
3 : 75

أَيَحۡسَبُ ٱلۡإِنسَٰنُ أَلَّن نَّجۡمَعَ عِظَامَهُۥ

3. Ma wuxuu aadmigu moodaa inaanaan isu soo kulmineyn lafahiisa? info
التفاسير: |

external-link copy
4 : 75

بَلَىٰ قَٰدِرِينَ عَلَىٰٓ أَن نُّسَوِّيَ بَنَانَهُۥ

4. Haayoo, Waxaan karnaa inaan sinno oo sidoodii ka yeelno farahiisa oo dhan. info
التفاسير: |

external-link copy
5 : 75

بَلۡ يُرِيدُ ٱلۡإِنسَٰنُ لِيَفۡجُرَ أَمَامَهُۥ

5. Wuxuuse Aadmigu dooni inuu beeniyo waxa ka horreeya 'ee sugaya' [2]. info

[2]. Macnaha waa inuu denbi isaga sii socdo. Waxaana loola jeedaa qofka gaalka ah ee beeniya maalinta xisaabta ee iska wata shirkiga iyo macaasidiisa.

التفاسير: |

external-link copy
6 : 75

يَسۡـَٔلُ أَيَّانَ يَوۡمُ ٱلۡقِيَٰمَةِ

6. Wuxuu weydiin: Waa Goorma Maalinta Qiyaamaha? info
التفاسير: |

external-link copy
7 : 75

فَإِذَا بَرِقَ ٱلۡبَصَرُ

7. Ee marka araggu argagaxo (taagmo). info
التفاسير: |

external-link copy
8 : 75

وَخَسَفَ ٱلۡقَمَرُ

8. Oo dayaxu madoobaado. info
التفاسير: |

external-link copy
9 : 75

وَجُمِعَ ٱلشَّمۡسُ وَٱلۡقَمَرُ

9. Oo la kulmiyo qorraxda iyo dayaxa. info
التفاسير: |

external-link copy
10 : 75

يَقُولُ ٱلۡإِنسَٰنُ يَوۡمَئِذٍ أَيۡنَ ٱلۡمَفَرُّ

10. Aadmigu wuxuu Maalintaas odhan: Xaggee loo cararaa? info
التفاسير: |

external-link copy
11 : 75

كَلَّا لَا وَزَرَ

11. Mayee! Ma jiro agab (meel la magan galo). info
التفاسير: |

external-link copy
12 : 75

إِلَىٰ رَبِّكَ يَوۡمَئِذٍ ٱلۡمُسۡتَقَرُّ

12. Xagga Rabbigaa (Keliya) buu ahaan Maalintaa meesha agabka ah. info
التفاسير: |

external-link copy
13 : 75

يُنَبَّؤُاْ ٱلۡإِنسَٰنُ يَوۡمَئِذِۭ بِمَا قَدَّمَ وَأَخَّرَ

13. Waxaa looga warrami Aadmiga Maalintaas wuxuu hormarsaday iyo wuxuu dib marsaday. info
التفاسير: |

external-link copy
14 : 75

بَلِ ٱلۡإِنسَٰنُ عَلَىٰ نَفۡسِهِۦ بَصِيرَةٞ

14. Balse Aadmigu wuxuu ku marag furi naftiisa Isagaana is og. info
التفاسير: |

external-link copy
15 : 75

وَلَوۡ أَلۡقَىٰ مَعَاذِيرَهُۥ

15. Si kasta hadduu u cudurdaarto (wax uma tarto cudur daarasho). info
التفاسير: |

external-link copy
16 : 75

لَا تُحَرِّكۡ بِهِۦ لِسَانَكَ لِتَعۡجَلَ بِهِۦٓ

16. Ha ku dhaqaajin (Nabiyow) carrabkaaga (markuu Waxyigu soo degayo) inaad ku degdegto (Qur’aanka akhrintiisa). info
التفاسير: |

external-link copy
17 : 75

إِنَّ عَلَيۡنَا جَمۡعَهُۥ وَقُرۡءَانَهُۥ

17. Xaqiiq, waa xil Annaga na saaran inaan ku kulminno (laabtaada, ku xifdisiinno) oo kuu (sahalno) akhrintiisa (iyo fahankiisa). info
التفاسير: |

external-link copy
18 : 75

فَإِذَا قَرَأۡنَٰهُ فَٱتَّبِعۡ قُرۡءَانَهُۥ

18. Ee markaan akhrinno (Jabriil kuu akhriyo) u raarici (maqalka) akhriskiisa. info
التفاسير: |

external-link copy
19 : 75

ثُمَّ إِنَّ عَلَيۡنَا بَيَانَهُۥ

19. Kaddib xaqiiq Annaggay na saaran tahay inaan kuu caddeyno (fasirkiisa). info
التفاسير: |