የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ አት ተክዊር   አንቀጽ:

Suurada At-takwiir

إِذَا ٱلشَّمۡسُ كُوِّرَتۡ
1. Marka qorraxda la duubo (oo la iftiin tiro),
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا ٱلنُّجُومُ ٱنكَدَرَتۡ
2. Oo xiddiguhu daataan (oo nuurkoodu tago),
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا ٱلۡجِبَالُ سُيِّرَتۡ
3. Oo buuraha la rujiyo oo budo noqdaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا ٱلۡعِشَارُ عُطِّلَتۡ
4. Oo geela rimman (qofka waxa uu maal ugu jecel yahay) uu cidleeyo (isaga tago oo laga hayaamo).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا ٱلۡوُحُوشُ حُشِرَتۡ
5. Dugaagga la soo wada kulmiyo (qisaas darteed).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا ٱلۡبِحَارُ سُجِّرَتۡ
6. Badaha la shido (ama isku soo fatahmaan);
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا ٱلنُّفُوسُ زُوِّجَتۡ
7. Nafaha lagu lammaaniyo jirarkoodii (macno kale lagu lammaansho eynigood iyo waxay is leeyihiin oo la mid ah);
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا ٱلۡمَوۡءُۥدَةُ سُئِلَتۡ
8.Oo (tii kastoo yaraan) lagu nolol xabaalay la weydiiyo,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
بِأَيِّ ذَنۢبٖ قُتِلَتۡ
9. Maxaa denbi ahoo loo dilay?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا ٱلصُّحُفُ نُشِرَتۡ
10. Marka kutubta (acmaasha aadmiga ee malaa'igtu qorayeen) la fidiyo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا ٱلسَّمَآءُ كُشِطَتۡ
11. Oo samada laga rujiyo meesheeda,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا ٱلۡجَحِيمُ سُعِّرَتۡ
12. Oo Naarta la huriyo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا ٱلۡجَنَّةُ أُزۡلِفَتۡ
13. Oo Jannada la soo dhoweeyo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
عَلِمَتۡ نَفۡسٞ مَّآ أَحۡضَرَتۡ
14. Waxay ogaan nafi waxay la timid (khayr ama shar).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَآ أُقۡسِمُ بِٱلۡخُنَّسِ
15. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay xiddigaha qarsooma (maalintii).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلۡجَوَارِ ٱلۡكُنَّسِ
16. Ee ku socda rugahooda ee qarsoomee (dhaca).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّيۡلِ إِذَا عَسۡعَسَ
17. Iyo habeenka markuu yimaado (ama tago).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلصُّبۡحِ إِذَا تَنَفَّسَ
18. Iyo subaxu markuu neefsado (oo soo baxo iftiinkiisa).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّهُۥ لَقَوۡلُ رَسُولٖ كَرِيمٖ
19. Hubaal kani (Qur'aanka) waa hadal (Ilaahay) uu keenay Rasuul sharaf badan (Jabriil).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ذِي قُوَّةٍ عِندَ ذِي ٱلۡعَرۡشِ مَكِينٖ
20. Awood iyo meeqaan sare ku leh (Alle) agtiis, Rabbiga Carshiga Weyn,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مُّطَاعٖ ثَمَّ أَمِينٖ
21. La adeeco, haddana aamin ah kalsooni lagu qabo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا صَاحِبُكُم بِمَجۡنُونٖ
22. Saaxiibkiin (Nabi Muxammad) ma aha jinnoole.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ رَءَاهُ بِٱلۡأُفُقِ ٱلۡمُبِينِ
23. Horay buuna ugu arkay (Jabriil) jihada cad (dhinaca qorrax soo baxa).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا هُوَ عَلَى ٱلۡغَيۡبِ بِضَنِينٖ
24. Ma aha (Nabi Muxammad) mid ceshada cilmiga ku saabsan Ghaybka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا هُوَ بِقَوۡلِ شَيۡطَٰنٖ رَّجِيمٖ
25. (Qur’aanku) ma aha hadalka Shaydaan laga fogeeyey (Naxariista Alle).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَيۡنَ تَذۡهَبُونَ
26. Ee xaggee aadeysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنۡ هُوَ إِلَّا ذِكۡرٞ لِّلۡعَٰلَمِينَ
27. (Qur’aanku) ma aha waxaan aheyn Waano ku socota ummadaha oo dhan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لِمَن شَآءَ مِنكُمۡ أَن يَسۡتَقِيمَ
28. Qofkii idinka mid ah ee dooni inuu (ku) toosnaado (Xaqa).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا تَشَآءُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ رَبُّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
29. Oo waxna ma dooni kartaan aan ahayn wuxuu Alle doono, Rabbiga uumanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ አት ተክዊር
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

የተከበረው ቁርአን ሱማልኛ ቋንቋ መልዕክተ ትርጉም - በዓብደሏህ ሓሰን ያዕቆብ

መዝጋት