የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ አል በለድ   አንቀጽ:

Suurada Al-balad

لَآ أُقۡسِمُ بِهَٰذَا ٱلۡبَلَدِ
1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay magaaladan (Makkah ee xurmadda leh).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنتَ حِلُّۢ بِهَٰذَا ٱلۡبَلَدِ
2. Waa kuu xalaal (Nabiyow inaad saacad ku dagaallanto) magaaladan1 (aad horey u degganeyd).
1. Nabigu s.c w. Wuxuu yidhi: Aniga waxaa la I banneeyey inaan kula dagaalo (gaalada mushrikiinta ah) saacad keliya Makkah, haddana xurmadeedda waa sidii hore."
Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi maalintii furashada Makkah: Beledkan Alle waa caagay, waa inaan la goyn qodaxdiisa, oo la didin ugaadhiisa, oo la qaadan wixii ku luma oo dad ka dhaca qof naadinaya oo carrifaya maahee.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَوَالِدٖ وَمَا وَلَدَ
3. Waa igu waalidka (Ibraahiim) iyo wiilkiisa (Ismaaciil)2.
2. Waxaa kaloo lagu fasiray: Waa igu Aadam iyo durriyadiisa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ فِي كَبَدٍ
4. Waxaan abuurnay aadmiga isagoo dhib iyo howl (kala kulmi nolosha adduunka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَيَحۡسَبُ أَن لَّن يَقۡدِرَ عَلَيۡهِ أَحَدٞ
5. Ma wuxuu moodaa inaysan cidna awood ku dul lahayn?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَقُولُ أَهۡلَكۡتُ مَالٗا لُّبَدًا
6. Wuxuu leeyahay (isagoo ku faani): Waxaan lumiyey maal tiro badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَيَحۡسَبُ أَن لَّمۡ يَرَهُۥٓ أَحَدٌ
7. Ma wuxuu moodaa inaysan cidna arag?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَلَمۡ نَجۡعَل لَّهُۥ عَيۡنَيۡنِ
8. Miyaannaan u yeelin labo indhood?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلِسَانٗا وَشَفَتَيۡنِ
9. Iyo carrab iyo labo bishimood?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَهَدَيۡنَٰهُ ٱلنَّجۡدَيۡنِ
10. oo aan tusin labada jidood (khayrka iyo sharka)?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَا ٱقۡتَحَمَ ٱلۡعَقَبَةَ
11. Ee muu ka gudbo jidka buurta ah?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا ٱلۡعَقَبَةُ
12. Maxaa ku ogeysiiyey (waxa looga gudbo) jidka buurta ah?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَكُّ رَقَبَةٍ
13. Waa addoon la xoreeyo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَوۡ إِطۡعَٰمٞ فِي يَوۡمٖ ذِي مَسۡغَبَةٖ
14. Ama siinta cunno maalin gaajo (abaar) jirto.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَتِيمٗا ذَا مَقۡرَبَةٍ
15. Agoon kuu dhow.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَوۡ مِسۡكِينٗا ذَا مَتۡرَبَةٖ
16. Ama miskiin dhulka yaal.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ كَانَ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَتَوَاصَوۡاْ بِٱلصَّبۡرِ وَتَوَاصَوۡاْ بِٱلۡمَرۡحَمَةِ
17. Haddana ka mid ah kuwa (Xaqa) rumeeyey, oo iskula dardaarma sugnaanta iyo samirka, oo (sidoo kale) iskula dardaarma naxariista (iyo is jeclaanta).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡمَيۡمَنَةِ
18. Waa kuwaas qolada Midigta (Jannada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِنَا هُمۡ أَصۡحَٰبُ ٱلۡمَشۡـَٔمَةِ
19. Kuwase ku gaalooba Aayadahayaga waa kuwaas qolada Bidixda (ehlu Naarka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
عَلَيۡهِمۡ نَارٞ مُّؤۡصَدَةُۢ
20. Waxaa lagu dabooli dushooda Naar (dab aan dameyn ah).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ አል በለድ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

የተከበረው ቁርአን ሱማልኛ ቋንቋ መልዕክተ ትርጉም - በዓብደሏህ ሓሰን ያዕቆብ

መዝጋት